Qof shaqaale ah oo ka shaqaynayay karantiilka hoteelada ayaa laga helay COVID-19 gobolka Victoria, taasoo keentay in dawladu soo celiso xanibaadihii adkaa.
Ninkan oo ah 26 jir deggan xaafada Noble Park ayaa la shaqaynayay barnaamujka taageerida dadka karantiilan.
Waxaa xanuunka laga waayay markii la baaray isagoo dhamaynayay shaqadii maalinta isagoo ka shaqaynayay hoteelka Grand Hyatt 29 bishan Febaraayo laakiin wuxuu maalmo kadib dareemay calaamadaha lagu garto xanuunka markuu is baarayna waa laga helay xanuunka.
Xanibaadaha cusub ee la soo rogay waxaa ka mid ah in dadka guryaha booqan kara lagu xadiday 15 qof iyo in afduubka qasab yahay inaad xirato markasta oo aad meel xiran ama gudaha ah gasho halka qorshe lagu doonayay in shaqaalaha xafiisyada 75% ay dib ugu noqdaan la hakiyay.
Premier Daniel Andrews ayaa ku boorinaya shacabka reer Victoria inay is dejiyaan isna baaraan.
"Waa hal kays. Looma baahna in dadku argagaxaan. Ma ah inay cabsadaan. Haddaan nahay reer Victoria waa naqaan waxaynu samaynayno, waa nala soo tijaabiyay, gobol ahaan waan ku guulaysanay inaan maarayno xanuunku markuu dilaaco."
Liiska goobaha ay dhici karto in xanuunku ka dilaacom booqo: ]]