Ma ka walaac tahay caawinta qofkii aad jecleyd ee wajahaya dhibaato qamaar.? Sidan ayaad u caawin kartaa.

Cawaaqibka xun ee ka dhasha qamaarka qaabab kala duwan ayay u yimaadaan, mana saamayso oo kaliya qofka qamaara ee waxay saamaysaa qoyskiisa iyo saaxiibadiis. Ama ha noqoto qof aad jeceshahay oo la tacaalaya qabatinka qamaarka ama ka soo kabsanaya taageero uu qofku helo waa lagama maarmaan. Australiana, taageradaas ayaa lagu heli karaa luqadaha qaar.

slot machines.jpg

Pokies present more risk of harm than any other form of gambling, according to an NSW Responsible Gaming Fund report. Credit: Getty Images/Alina555

Key Points
  • Potential harm from gambling extends from financial to mental health problems.
  • Family and friends are impacted by one’s compulsive gambling, but support is available.
  • Cultural sensitivities can prevent people from seeking help.
  • Helping a loved one effectively requires family and friends to get support too.
Qatarta dhaawaca ka dhasha qamaarka interntka ama kan kale markasta ma aha mid muuqata, sida ay sheegtay Professorad Sally oo culuunta cilmi nafisga ka dhigta Jaamacada Sydney.
Waxaa inta badan loogu yeeraa qabatimka qarsoon sababta oo ah kama arki kartid indhaha qofka ama kama urin kartid neeftooda in qofku qabo dhibaato qamaar...Laakiin dhaawacu waa isku mid, dhibaatada dhaqaale waa isku mid.
Sally Gainsbury, Professor of Psychology at the University of Sydney.
Prof Gainsbury waa madaxa xarunta cilmi baarista iyo daawaynta qamaarka ee Jaamacada Sydney.

Waxay sheegtay in wadadda ka soo kabshada qamaarku inay tahay mid aad ugu dhib badan qofka qamaaraya iyo dadka ku dhow dhow.

Inta badan dadku intay ka soo kabsadaan ayay mar kale ku noqdaan, ayay tiri.
Tama ma lana kate talatupe.jpg
Online wagering tends to appeal to a different cohort than that of poker machines, but the harms are the same Credit: Getty Images/becon
7.2% dadka qaangaarka ah ayaa qatar ugu jira dhaawac ka soo gaara qamaarka.

Bulshooyinka Dhaqamada iyo Luqadaha kala duwan (CALD) ma qamaaraan in ka badan shacabka guud, laakiin daraasad ayaa muujinaysa inay u nugul yihiin in qamaarku dhaawac ku gaysto.

Natalie Wright, oo ah madaxa Office of Responsible Gambling ee New South Wales, ayaa sheegtay in dadka ka soo jeeda bulshooyinka dhaqamada kala duwan ee wajaha dhaawac ka soo gaara dhibaatooyin qamaar ay u badan inaysan raadsan caawimaad maadaama qamaarka lala xariiriyo ceeb iyo dhaleecayn.
Bulshooyin badan la talin (Counselling) waa wax runtii qalaad oo aysan aqoon oo fikrad reer galbeed ah. Marka inta badan waxaa jira fikir ah in arintu aysan qoyska dhaafin.
Natalie Wright, Director of the Office of Responsible Gambling in New South Wales
Sad family.jpg
Gambling harm doesn’t just affect the person who gambles Credit: Getty Images/uniquely India
Qaraabada iyo saaxiibada dadka qamaarku dhibaatada ku hayo ayay dhici kartaa inay saamayso.

Waxay inta badan la kulmaan dhibaato dhaqaale oo lala xariiriyo qamaarka. Waxay u badan tahay in culays ama dhib ku yimaado xiriirka ay la leeyihiin sayga ama xaaska ama dadka kale xiriirka qofku la leeyahay oo ay noqoto inay la tacaalaan cawaaqibka xun ee ka dhasha.

“Marka, dadkaas waxay u baahan yihiin taageero iyada oo aan loo eegin in qofku isku dayayo inuu wax ka badalo qamaarka. Waa mid sidoo kale faa'iido leh in marka ay qofka gargaar u fidinayaan ama taageerayaan qofka isku dayay inuu ka soo kabsado qamaarka," ayay tiri Prof Gainsbury.
Concerned man with bill.jpg
Changes in someone’s financial wellbeing can be a sign their gambling has become an issue. Credit: Getty Images/Narisara Nami
Adam*, oo degan Galbeedka Sydney asalkiisuna yahay Carab ayaa ka soo kabsanayay dhibaatada qamaarka wixii ka danbeeyay 2014.

Wuxuu sheegay in qoyskiisa uu qamaarku saameeyay ayna waligiis taagerayeen intuu ka soo kabsanayay.

Wuxuu xasuustaa in qof qaraabo ku dhaw ah oo laftiisu gargaar raadsanayay oo talooyin la siiyay intii laftiisu uu soo kabsanayay.

“Waxay si fiican u awoodeen inay taagerada aan u baahan nahay i siiyaan si aan uga soo kabsado qamaarka, taas oo mararka qaar aad u adkayd in qofku fahmo maadaama isagu qabatimin qamaarka.

“Waxay ila tahay in qofku helo gaargaar ay bixiyaan da xirfad u leh arimahan, lana siiyo caawimaadaas iyadoo la fahansiinayo inaysan waxa dhacay iyagu masuul ka ahayn. Waxa dhacay aysan qaladkooda ahayn,"

Adam, isbadalkii ugu waynaa ee soo kabsashadiisu waxay ku timid , oo ah kulamo ay yeeshaan dad dhibaato qamaar qaba oo ay halkaas ku wadaagaan wixii soo maray si taasi u caawiso dadka kale ee dhibka qamaarka qaba.

Laakiin Adam ayaa aaminsan in qofkasta leeyahay dariiq dadka kale ka duwan oo ay u helaan qaab ay wax uga qabtaan dhibka qamaarka.
Dadka qaarkood waxay ku guulaystaan in lala taliyo (Counselling) todobaadkiiba mar ama inay shaqada badashaan, inay badalaan qaab nololeed kooda, inay jimicsi dheeraad ah sameeyaan. Waxaa jira waxyaalo qofkasta u shaqayn kara.
Adam*, recovering from problem gambling
support group.jpg
Peer-to-peer support and online forums can be helpful for some. Credit: Getty Images/Marco VDM
Qaab kasta oo taageero waa mid caawin kara, marba haddii gargaarka ku haboon la siiyo qofka sida ay sheegtay Prof Gainsbury.

Waxay kala mid dhigtay la tacaalida qamaarka sidii xaalad degdeg ah oo qabsatay diyaarad hawada ku jirta, oo markaas dadka rakaabka ah lagula taliyo in marka hore qofka isagu xirto maskarada oxsijiinta ka hor inta uusan qof kale caawin.

Waa lagama maarmaan in dadku garowsadaan inay jiraan caawimaad badan oo diyaar u ah aysana dhibka kaligood ku ahayn...ayse xasuustaan inay iyagu marka hore taageero raadsadaan.
Professor Gainsbury.
Adeegyada goboladda ayaa ku bixiya macluumaad iyo talooyin telefoon, online ama qof aad la fariisato.

Ololaha Dawlada NSW ee Lambarka nolosheen badalay , ayaa looga danleeyahay in lagu caawiyo dadka ka soo jeeda bulshooyinka dhaqamada kala duwan ee wajahaya dhibaato qamaar oo aan hubin sida taageero loo raadsado.

Meesha ugu horaysa ee uu waco qofka caawimaad u baahan ee NSW waa oo ah 1800 858 858. Wesite-koodana waxaa lagu turjumay 5 luqadood oo kala ah Arabic, Simplified and Traditional Chinese, Hindi, Korean iyo Vietnamese.

Waxaa sidoo kale lga helaa talooyinka dhanka dhaqaalaha ama lacagta ah.

Haddii ay jiraan daymo is biirsaday oo ka dhashay qamaarka qofka aad jexeshahay ama arimo dhaqaale, waxaad doonan kartaa talo dhaqaale, sida ay ku talinayso Ms Wright.
Dad badan ayaa raadsada taageero aan rasmi ahayn. Marka haddii aad ka doonato dhaqtar caafimaad ama bulshada gudeheeda sida madaxda Jaaliyada ama madaxda diimaha amaba qoyskaaga gudihiisa.
Professor Gainsbury.
“Talooyin (Counselling) lagu bixinayo ilaa 50 luqadood ayaa laga heli karaa gobolka oo dhan," sida ay sheegtay Ms Wright.

Ugu danbayntana, in aad taageerto qof dhibaato qamaar ay haysato, waxay leedahaya waxaa qayb ka ah inaad ku dhiira galiso inay raadsadaan caawimaadda dad xirfad u leh dhibaatadan.

*Adam magiciisa saxda ah ma aha.

For help call or click on the links below:


Share
Published 11 October 2022 12:26pm
Updated 11 October 2022 12:41pm
By Zoe Thomaidou
Source: SBS


Share this with family and friends