Sanadka 2023, Maalinta bilowga sannadka cusub ee Dayaxa waa 22 January.
Waxa jira afar arimood oo ku jira dabbaaldegyada sannadka cusub. Waxay billaabaan toddobaad fasax sannad yar, maalin xusuus iyo duco ah, oo ay ku xigto habeenka sannadka cusub, maalin dib u midoobid iyo hadiyad-bixina
Dr Pan Wang, oo ah bare sare oo daraasadaha Shiinaha iyo Asia Jaamacadda New South Wales ayaa sharaxaysa Bandhiga Guga in uu soconayo shan iyo toban maalmood ilaa Feestada Lantern.
Dr Wang ayaa tiri "Sannadka cusub ee dayaxa waa bilawga sanadka kalandarka dayaxa. Iyadoo lagu salaynayo wareegyada dayaxa, waxa kale oo loogu yeeri karaa sanadka cusub ee Shiinaha ama Bandhiga gu'ga,"
Dr Wang oo sharaxeysa waxey tiri "Waxaa laga xusaa Shiinaha iyo dalalka kale ee bariga Aasiya sida Kuuriya, Vietnam iyo Japan,"
Waxaa sidoo kale laga xusaa Malaysia iyo Mongolia, iyo sidoo kale qurbo-joog badan oo adduunka ah.
Dr Wang waxey intaas ku dartay "Sannadka cusub ee dayaxa waxa uu leeyahay taariikh ilaa 4,000 sano ah, laga bilaabo Xia ama Shang Dynasty"

Source: Getty / Getty Images/Kiszon Pascal
"Fursad lagu barto arimaha dhaqamada Koonfur-bari iyo Bariga Aasiya ".
Dr Kai Zhang wuxuu la shaqeeyaa Barnaamijka Luuqadda Shiinaha ee Casriga ah ee Dugsiga Dhaqanka, Taariikhda iyo Luuqadda ee Jaamacadda Qaranka ee Australia ee Canberra.
Waxay sheegtay in dabaaldegyada sanadka cusub ee dayaxa ee Australia ay fursad weyn u tahay dadka aduunka oo dhan si ay wax uga bartaan Shiinaha iyo Koonfur-bari iyo dhaqamada Bariga Aasiya guud ahaan.
“Waa dhacdo dhaqameed soo jireen ah oo aad hodan u ah. waa astaan, waana macna mug weyn leh" ayey tiri
Hababka Sanadka cusub ee Lunar loogu dabaaldego .
Hawlaha sanadka cusub waxaa ka mid ah dhigista qurxinta, la qadashada qoyska habeenka sanadka cusub, qaybinta baqshadaha cas iyo hadyado kale, dab ridka iyo daawashada qoob ka ciyaarka libaaxa iyo masduulaaga.
Dr Wang oo sharaxeysa ayaa tiri "Sannadka cusub ee dayaxa waxaa lagu xusaa cunto, cunista kalluunka, dumplings., la kulanka qoysaska, iyo sidoo kale saaxiibada,"
Midabka cas waxaa loo arkaa mid aad u nasiib badan. Markaad aragto waxyaabo badan oo la isku qurxiyo oo midab casaan ah, waxaa sidoo kale caado u ah Shiinaha inay carruurta siiyaan baqshado cas si ay ugu dabaaldegaan sanadka cusub oo ay ugu dabaaldegaan korriimadooda."

Chinese dancers perform during the Sydney Lunar Festival Media Launch at the Chinese Garden of Friendship in Sydney on February 9, 2021. Source: AAP / AAP Image/Bianca De Marchi
Iris Tang waxey ku barbaartay Shiinaha waxeyna timida Australia 20 sano ka hor.
Waxey tiri farqiga ugu muhiimsan ee u dhaxeeya dabaaldega Australia dhexdeeda iyo gudaha Shiinaha waa ' Wadankeeda dhaxdiisa waxaa jirta fasax guud oo dheer si loo daneeyo Sanadka Cusub ee Lunar dabaaldagyadiisa, waa waqtiga boqolaal million ay u safraan magaalooyinkooda Shiinaha gudihiisa si qoysasku ay u midoobaan.
Sida ay rumeysantahay Tang, cuntadu waa qayb mihiima dhanka dabaaldegyada sanaka cusub ee Lunar Australia dhexdeeda, iyo Shiinahana sidoo kale.
"Shaqsi ahaan, qoyskeyga iyo saaxiibada ayaan kula dabaaldegaa halkan Canberra anoo diyaariya cunto badan oo badan. Sida aan u sameyno waa , daafaha miiska ayaan fadhiisanaa waxaana sameynaa boqolaal Dumplings ah laga soo bilaabo fiidka habeenka sanadka cusub soo galayo"
"Waxaan sameeyaa wax ka badan qadarka hal cunto, waxaana laga yaabaa inaan qaboojiyo una dhigto dhawaan, si aan u cuno inta ka hartay dabaaldegyada sanadka cusub.
Jadwalka-Calendarka ee Dhaqanka Shiinaha
In kasta oo Shiinuhu wakhtigan casriga ahi isticmaalo kalandarka Gregorian, kalandarka caadiga ah ee Shiinaha ayaa sidoo kale si weyn looga isticmaalaa Shiinaha iyo Shiinaha dibaddiisa sida ay u cayimaan ciidaha dhaqameed, sida Sannadka Cusub ee Shiinaha, Bandhiga Feynuuska iyo dabbaaldegyada Qingming.
Dr Pan Wang oo sharaxeysa waxa ay tiri "Waxa kale oo ay siinaysaa taariikhaha soo jireenka ah ee Shiinaha ee sanad gudihiis oo ay dadku u isticmaalaan doorashada maalmo wanaagsan ee aroosyada, aaska, guuritaanka, ama bilaabista ganacsi.
The Chinese traditional calendar is lunar solar. It's formed on the movement of the moon and the sun, so it takes into account both the moon's orbit around the Earth and the Earth's orbit around the sun.
Dr Wang tiri "Calendarkan dhaxdiisa, biloowga bisha waxaa lagu xadidaa muuqaalka dayaxa. Marka sida inta badan ay yihiin Calendarada dayaxu, maalmaha bishu waa ama 29 bari ama 30 bari, biloowga sanadkana waxaa laga go'aamiyaa muuqaalka dayaxa "
Kala duwanaanshaha kalandarka dhaqanka Shiinaha ayaa laga isticmaalaa dhammaan Bariga Aasiya.
Variations of the traditional Chinese calendar are used all over East Asia.

Source: Getty / Getty Images/d3sign
Bandhiga Lantern (Bandhiga Faynuusyada).
Dr Kai Zhang oo sharaxaya ayaa sheegay in Sanadka Cusub ee Lunar dabaaldegyadiisa caada ahaan waxey dhamaadaan si guud laba todobaad, laga soo bilaabo fiidka habeenka sanadka cusub ilaa bandhiga Lantern oo la qabto maalinta shan iyo tobnaad ee bilowga sanadka Lunar-ka.
Bandhiga Lantern wuxuu ku beegan yahay maalinta shan iyo tobnaad ee bisha koobaad, marka loo eego jadwalka Shiinaha.
Waxuu yiri "Waxaa loo yaqaan Feestada Lantern sababtoo ah waxaa jira dhaqankan [halkaa] qoysasku waxay u sameeyaan caruurtooda nalal yar yar , oo waxay si dhab ah u shidaan faynuusyada albaabkooda,"
"Iyo inta aan dib ugu noqon karno taariikhda, horraantii boqortooyadii Tang, waxaa jiri doona munaasabado waaweyn oo la qabanayo maalintaas."
"Wakhtiga la ixtiraamo awoowayaasha"
Dr Craig Smith waa bare sare oo ka tirsan Barashada Turjumaada (Shiinaha) ee Machadka Aasiya ee Jaamacadda Melbourne.
Waxa uu ku noolaa Taiwan iyo South Korea dhowr sano, waxaana uu leeyahay xoogaa xasuus weyn oo ku saabsan dabaaldegga sanadka cusub ee labada meelood.
Dr Smith waxa uu sheegay in Koonfurta Kuuriya Maalinta Sannadka Cusub ee Dayaxa ay tahay wakhti la ixtiraamo awoowayaasha, waana dhaqan ay sidoo kale wadaagaan dhaqamada kale.
Waxa uuna ku daray "Maalinta sanadka cusub, qof walba waxa uu u diyaariyaa cunto awoowyadoodii dhintay, waana uu ixtiraamaa oo wuxuu siiyaa cabitaan," Dr Smith ayaa yidhi.

رقص شیر Source: Getty / Getty Images/Nigel Killeen
"Taariikh dib ugu noqoneysa kumanaan sano"
Dr Smith waxa uu sheegay in ay jiraan waxyaabo badan oo ka mid ah dabaaldegyada soo jireenka ah ee sanadka cusub ee dayaxa oo ka kala yimaada dalal aan ahayn Shiinaha.
Tusaale ahaan, tani waa kiiska qoob-ka-cayaarka libaaxa ee dhaqan ahaan loo soo bandhigo inta lagu guda jiro bandhigyada sanadka cusub.
Dr Smith oo sharaxaya waxa uu yiri "Marka ay aqoonyahannadu eegaan dhaqanka qoob-ka-ciyaarka libaaxa, dhab ahaantii waxay dib u eegaan kumanaan sano ka hor, waxaanan muddo dheer ogeyn in dhaqamo, diimo, muusig, farshaxan ay ka yimaadeen Shiinaha waxa aan hadda ugu yeerno Galbeedka ama Bartamaha Waddamada Aasiya, gaar ahaan jidka caanka ah ee xariirta,"

A stall seen selling Chinese New Year products during the Georges River Lunar New Year Festival in Sydney on January 18, 2020. Source: AAP / AAP Image/Jeremy Ng
2023 waa sanadka bakaylaha, laga bilaabo maalinta sanadka cusub ee dayaxa Shiinaha, wuxuuna socdaa ilaa Febraayo 10, 2024.
Si kastaba ha ahaatee, gudaha Vietnam, kani waa Sannadka Cusub ee Bisadda badalka Bakaylaha.
Sannadka Burjiyada ee Shiinaha wuxuu bilaabmaa oo dhammaanayaa sanadka cusub ee dayaxa.
Sannad kasta wareegga burjiyada ee soo noqnoqda ee gaadha 12ka sano, waxaa matala xayawaannada zodiac, mid kasta oo leh sifooyin u gaar ah. Bakayluhu waa kan afraad ee zodiac-ka.
Siday u kala horreeyaan, waa Jiirka, Dibiga, Shabeelka, Bakaylaha, Dragon, Maska, Faraska, Riyaha, Daanyeerka, Diiqa, Eeyga, iyo Doofaarka.