Key Points
- The Anzac Day march was traditionally for those who fought in Gallipoli. Today, it extends to current and all former servicemen, servicewomen and their descendants, including those from diverse backgrounds.
- Many of the Australians enlisted came from diverse backgrounds.
- People from culturally diverse backgrounds want to connect with Anzac Day.
Maalinta Anzac Day, shacabka Australia ayaa dalka oo dhan ka xusa askartii u soo dagaalantay, askartii dagaaladaas uga geeriyootay Australia iyo NZ, iyadoo gaardiga maalinta Anzac Day ay tahay xaflada ugu wayn oo lagu xasuusto geesinimadii ay muujiyeen askartaasi.
Iyadoo la suxo maalinta 25 Abriil sanad walba, socodka ayaa dhaqan ahaan loo hibeeyaa xubnihii Australian iyo New Zealand Army Corps (ANZAC) oo ka dagaalamay Gallipoli intii u socday Dagaalkii Koowaad ee Aduunku.
Hase yeeshee waxaa xuska loo balaariyay oo lagu daray dhamaan ciidanka, rag iyo haween iyo caruurohooda oo ay ku jiraan dhinicii ka soo horjeeday dagaalkii Gallipoli.
2006, RSL-ka Victoria ayaa ogolaaday in dadka ku abtirsada askartii Turkida ahaa ee ka qaybgalay Dagaalkii Koowaad ay ka qaybqaataan socodka maalinta Anzac Day, walina arintaasi waa socotaa.
READ MORE

How to participate in Anzac Day
Jean McAuslan, oo haysta abaalmarinta AMaGA (Australian Museum and Galleries Association) oo gobolka Victoria ku siisay waqtiga dheer ee uu ka soo shaqaynayay The Shrine of Remembrance iyo Australian War Memorial, , waxayna waraysii ay SBS siisay u sheegtay inay ka turjumayso dareenka in dad ka kala yimid wadamo kale ay aqbaleen inay qayb ka yihiin dhaqanka Australia.
Ms McAuslan ayaa intaa ku dartay inay tusaale u tahay isbadalka ku dhacaya bulshada.
Waxay sharaxaysaa in inkastoo maxaabiistii Talyaaniga, Jarmalka iyo Japanku ay dalalkoodii dib ugu noqdeen dhamaadkii dagaalka, balse qaarkood waxay nolol ka samaysteen Australia.
"Maxaabiistii Talyaaniga, gaar ahaa waxay caan ku ahaayeen inay ka shaqeeyaan beeraha, oo ayahd shaqo ay qaban jireen inta ay maxaabiista ahaayeen, mararka qaarna qoysaskoodii ay soo codsaday inay dib ugu soo noqdaan oo ku noolaadaan Australia," ayay sheegtay Ms McAuslan.
Sankar Nadeson, waa cilmi baare ku dhashay UK asalkiisana kasoo jeedo Hindiya degana Melbourne/Naarm, wuxuu istuudiyow ku leeyahay.

Left to Right: Alex Ilyin (right) with former comrade in arms Don Frohmuller and contemporary artist and researcher Sankar Nadeson.
Wuxuu doonayaa in dadka ku abuuro "han qaran oo wanaagsan" oo aan lahayn wadaniyad iyo erayo been ah.
Mr Nadeson ayaa sheegay in inkastoo uu England ku koray uuna xiranjiray ubaxa poppies-ka la yiraahdo maalinta Anzac day ilaa caruurnimadiisii, haddna waligiis xiriir lama yeelan taariiqda Anzac ee qoyskiisa.
Xiriirkaasu ma bilaabaan illaa uu bilaabay inuu la shaqeeyo haweenkii ragoodu dagaalada ku dhinteen markaas ayuu garowsaday dhaqamada kala duwan ee Anzac markaas ayuuna su'aal galiyay taariiqdiisa Anzac.
Through my artistic engagements with students from universities and secondary and primary schools across the state, I noticed that many were unaware of the existence of Chinese Anzacs.Sankar Nadeson
"Eedaday ayaan waydiiyay, waxayna igu tiri Haa, awoowgaa wuxuu u dagaalamay Ciidanka Britan ee Malaysia, lama aan socon taas, warba kama hayn," ayuu yiri.
ayaa sheegtay in ku dhawaad 420 kun oo Australian ah oo isu diiwaan galiyay Dagaalkii Koowaad ay ka soo jeedeen bulshooyinka dhaqamada kala duwan oo ay ku jiraan dadka dalka loogu yimid, Brithis, Asian, Greek iyo kuwo ka soo jeeda Woqooyiga Yurub. Ku dhawaad 200 soogalooti Chinese ah ayaa Dagaalkii Koowaad Australia u dagaalamay. Isagoo la shaqeeya Ururka Dhalinayada Chineska Australia, Sankar Nadeson ayaa sheegay in ardaydiisu ay la socon dhaqamada kala duwan ee Anzac.
"Ardayda China ka soo jeeda inta badan lamay socon muhiimada taariiqda Anzac-ka Chinese-ka," ayuu yiri.

A Maori warrior in traditional dress leads the New Zealand veterans in the Anzac Day Parade through Sydney CBD on April 25, 2021, in Sydney, Australia. (Photo by Ruth Goodwin/Getty Images) Credit: Ruth Goodwin/Getty Images
"Marka ay arkaan qof Chinese oo ah xiran koofiyada askatii hore, waxay garowsadaan inay qayb ka ahaayeen taariiqda Australia ee aysan ahayn kuwo gees ka ah," ayuu ku daray.
Alex Ilyin wuxuu ku dhashay Chile, wuxuuna ka soo jeedaa Ruushka, wuxuu soo degay Australia 50 sano ka hor. Ciidanka oo uu ka soo shaqeeyay waxay sii balaarisay aqoontiisa dhaqanka Australia.
"Waxaan Australia imid 1959; waxaan ciidanka ku biiray 1967. Af-Englishkaygu ma fiicnayn, fahankayga nolosha Australia waxay ahayd aragtida soogalooti cusub," ayuu yiri Mr Ilyin.
Serving two years in Australian army really opened my eyes. I have worked closely shoulder to shoulder with dinky die Aussies from country and that helped me immensely to understand the Australian way of life, the speech, the language, the customs, you name it.Alex Ilyin
Laakiin qaar ka mid ah askartii iyo faracoodii, markay dagaalka ka soo noqdeen siday mudnaanyeen looma soo dhawayn. Marka ay ka soo noqdeen dagaalkii Vietnam, Alex Ilyin wuxuu xasuustaa in aragtida dadweynuhu ka soo horjeeday dagaalka.
"Marka aan ka soo laabanay Vietnam, qaar badan oo anaga ah waxaa nalagu yir, dhar shibil xirta, yaan layni arkin, sababtoo ah waxaa daldka ka jiray dareen wayn oo dagaalka Vietnam looga soo horjeedo. Marka dadkii ay dawlada Australia u dirtay inay Australia u dagaalamaan, markay soo noqdeen waa inay dhuuntaan oo ceeb la dhuuntaan," ayuu xasuustaa Mr Ilyin.
Laakiin intuu Bob Hawke talada hayay, Australia waxay garowsatay howsha ay soo qabteeb askartii sida Alex Ilyin oo kale ahaa oo waxaa loo sameeyay gaardi soo dhawayn ah.
Wixii ka danbeeyay 1987, Alex Ilyin ma uu ka baaqan socodka ANZAC Day.
Sida uu leeyahay Sankar Nadeson oo la soo shaaqeeyay Bulshada Sikh-ka garowsiga dadweynah waxay qayb ka qaadataa bogashada umadda.

People participate in the ANZAC Day March in Sydney, Australia, on Tuesday, April 25, 2023. (Photo by Steven Saphore/Anadolu Agency via Getty Images) Source: Anadolu / Anadolu/Anadolu Agency via Getty Images
"Marka aan kula hadlayo dadka ka badan100 oo ka tirsan bulshada Sikha-ga Temple ku yaal xaafadaha Melbourne, waxaa jira dareen balaaran oo ah in bulshadan aan laga dhigan dad kale oo ka baxsan bulsho waynta Australia."
So, the Sikh community actually had the recognition that they were inextricably connected to this community, not another.Sankar Nadeson
Intuu la shaqaynayay bulshooyinka kala dhaqanka duwan, Mr Nadeson ayaa dareemay sida bulsho kasta u aragto maalinta Anzac day.

Crowds are seen during the ANZAC Day March in Sydney, Australia, on Tuesday, April 25, 2023. (Photo by Steven Saphore/Anadolu Agency via Getty Images) Source: Anadolu / Anadolu/Anadolu Agency via Getty Images
"Waxaan arkay inuu jiro rabitaan ah in dadka aan la kulmay ay doonayaan inay ka qayb qaataan oo ay ka qaybgalaan maalinta muhiimka u ah taariiqda Australia," ayay tiri.
Maalinta 25 Abriil sanad walba, Alex Ilyin iyo wiilkiisa waxay ka qayb qaataan socodka Anzac Day oo lagu xusayo askartii Australia u soo dagaalantay.
Xafladaha Xuska ayaa dalka oo dhan lagu qabtaa subaxa hore ee 25 bisha Abriil. Galinka danbena socodka ayaa lagu qabtaa magaalooyinka yaryar iyo kuwa waaweyn ee dalka oo dhan. Waqtigaas ayaa ku aaddan markii ciidanku ka dageen Gallipoli.
To learn more about the Anzac history, visit The Australian government’s and .
*The Returned and Services League