Waxaa la mamnuucay in Australia laga baxo, yaa loo ogol yahay inay dibadda u safraan?

Here's a rundown of which Australians are still allowed to travel overseas and how permission is granted.

Passengers wearing face masks collect their baggage.

Passengers wearing face masks collect their baggage. Source: AAP

Shacabka Australians way la socdaan xanibaadaha saaran isu socodka gobolada iyo dadka soo gali kara Australia.

Laakiin waxaa dhici karta inaysan ogayn in la mamnuucay safarka muwaadiniinta iyo dadka deggan Australia ay ku aaddaan dalka dibadiisa marka laga reebo dad yar oo laga cafiyay mamnuucidaas.

Laga soo bilaabo bishii Maarso, ku dhawaad  3 dii qof oo codsaday inay dibada u dhoofaan mid ayaa loo ogolaaday. Tan ayaa imanaysa iyadoo ay soo baxayaan warar sheegaya in Australian badan ay dhibaato ka qabsatay inay booqdaan dad qoyskooda ah oo xanuunsan ama dhimanaya.

Marka sidee wax u socdaan? Yaa Australia hadda ka bixi kara?

Muxuu yahay mamnuucan safar?

Mamnuucidan safar in looga baxo Australia waxaa soo rogay wasiirka caafimaadka 25 Maarso isagoo isticmaalaya awaamiirta caafimaad.

Waa markii ugu horaysay taariiqda oo mamnuucid noocaan ah la soo rogo, waxaana la soo rogay iyagoo la raacayo talooyinka caafimaad ee dawlada federalka.

Sharcigan ayaa leh: "Muwaadiniinta Australia iyo dadka deggan wadanka waa inaysan ka bixin Australia iyagoo la socda diyaarad ama markab."

Waxaa kaloo qoraalka mamnuucida la socda: "Arintan waxaa looga jawaabayaa faafka xanuunka COVID-19 oo qatar wayn ku ah xaafimaadka dadka Australia iyo caalamka oo dhan."

Ma sharcibaa go'aankan?

Dawladu waxay sharciyan u isticmaashay xeerka amniga caafimaadka (Biosecurity Act) oo wasiirka caafimaadka siinaya awood uu ku soo rogo awaamiir kasta oo loo arko inay lagama maarmaan u yihiin ka hortaga ama difaaca in caabuqu soo galo ama ku faafo Australia.

Sharuucda caalamiga ah ayaa dhigaya xaqa qofku dal uga bixi karo oo dalkiisu ku jiro laakiin sharci kaas la mid ah kuma jiro dastuurka Australia.

Haddii si kale loo dhigo, shacabka Australia ma laha xaquuq ku qoran dasuurka oo ay uga bixi karaan dalka.
The empty Virgin Australia boarding gates at Sydney Domestic Airport in April.
The empty Virgin Australia boarding gates at Sydney Domestic Airport in April. Source: AAP
In muwaadiniinta loo diido inay dalkooda ka baxaan waa arin lagu yaqaan dalalka kaligi taliska ah sida Koofurta Korea iyo Midowgii Sofiyeet.

Laakiin Wasaarada Caafimaadka ayaa sheegtay in mamnuucidan loo baahan yahay maadaama dadka soo noqonaya ay culays dheeraad ah saarayaan howlaha karantiilka iyo baaritaanada xanuunka ee jira.

Dawlada ayaa sidoo kale ku doodaysa inaysan macquul ahayn in safar dalal gaar ah la mamnuuco maadaama xanuunku uu ku faafayo aduunka oo dhan.

Yaa Australia ka bixi kara hadda?

Qofkast oo aan muwaadin ahayn ama dalka degganaansho ku lahayn waa loo ogol yahay inay Australia ka baxaan.

Australianka qaar ayaa loo ogol yahay inay baxaan. Waxaa ka mid ah dadka "caadiyan deggan dal kale", shaqaalaha diyaaradaha ama maraakiib dibada u safra, shaqaalaha daruuriga ah ee ka shaqeeya dalka dibadiisa.

Dhamaan muwaadiniinta ama dadka deggan Australia waa inay fasax gaar ah helaan si ay dalka uga baxaan. Waa inay codsi lacag la'aan ah ka sameeyaan online oo ay markaas ogolaansha tusaan shaqaalaha garoonka diyaaradaha maalinta ay dhoofayaan.
Si laguu siiyo ogolaansho gaar ah waa inaad haysato "Sabab adag" oo aad ugu baahan tahay inaad dalka uga baxdo Australia, safarkaagu waa inuu hoos yimaado: Naxariis, binaadanimo, inaad qayb ka tahay jawaabta COVID-19, inaad daruuri u tahay ganacsi ama howlo kale, inaad caafimaad aaddan Australia ka helayn raadsanayso, howlo shaqsi oo degdeg ah, iyo inaad u baxayso danaha qaranka.

Inta badan codsiyada lama aqbalin.

Inkastoo ay jiraan sababahaas gaarka ah oo loo safri karo, haddana way adag tahay inaad ogolaansho hesho. 3  codsiba mid ayaa la ogolaaday.

Sida laga soo xigtay Wasaarada Arimaha Gudaha, intii u dhaxaysay Maarso- Agoosto, waxay qabatay araajo dhan 104, 000 lagu codsanayo in Australia laga baxo. Waxaan la ogolaaday 34,300 ka mid ah.

Araajida waxaa qiimeeyaa Difaaca Xadka (Boder Force) waxaana lagula talinayaa dadku inay codsiga xareeyaan ugu yaraan 2 asbuuc ka hor safarka laakiin waa inaysan safarkaaga ka dhimanayn waqti ka badan 3 bilood.

Border Force ayaa intaa ku dartay: "Haddii aad u safrayso qof qoyskaaga ah oo dhintay ama aad u xanuunsan mudnaanta koowaad ayaan siinaynaa codsigaaga."

Hase yeeshee ma balan qaadayaan in degdeg loogu soo jawaabayao, iyadoo dad badan sheegeen daahid dheer markay codsi degdeg gaysteen. Haddii codsigaaga la soo diido markale waa codsan kartaa.

Jabinta mamnuucidan safar waa danbi, waxaana lagu mutaysan karaa ilaa 5 sano oo xabsi ah iyo 63 kun oo ganaax ah ama labadooda oo la isku daray.

Mamnuucidan waa mid dalka oo dhan u siman yahay ee gobol gaar ah ma qusayso.
Waxa loola jeedo “Howlo shaqsiyeed ee degdeg ah oo aan laga baaqsan karin" ayaan cadayn.

Waxaa soo baxayay warar sheegaya in dad badan oo dhibaato badan ka maray inay ogolaansho u helaan si ay usoo arkaan qoyskooda oo dalka dibadiisa ku sugan. Inkastoo dhawaan la sheegay in nidaamka qiimaynta codsiyada la fududeeyay.
Araajida waa inay la socdaan dukumiinti ku filan, laakiin ma cada nooca dukumiinti. Dadka haysta dukumiinti aan Af-English ku qornayn waa inay turjumaan.

Goorma ayuu ku eg yahay mamnuucan?

Mamnuucan safar ee Australia soo rogtay kama jiro dalalka qaar, , iyo , safarada dibada dadka waa lagala taliyay laakiin lama mamnuucin.

Dalal kalana gabi ahaanba way mamnuuceen safarada dibada waxaa ka mid ah: Kazakhstan, Lithuania and Uzbekistan.
Xeerka Amniga caafimaad ee hadda jira wuxuu ku eg yahay Sebtember 17, waxayse u badan tahay in la kordhiyo. Mr Hunt ayaa bishii June ka digay in xadku xirnaandoono waqti dheer.

 


Share
Published 1 September 2020 11:58am
By Anthea Vogl
Source: The Conversation


Share this with family and friends