New South Wales ayaa laga diiwaan galiyay 145 kays oo Covid-19 ah oo gobolka gudihiisa la isku qaadsiiyay oo 76 ka mid ah ay yihiin dad iyagoo oo xanuunka qaba bulshada ku dhex jiray.
Premierada NSW Gladys Berejiklian ayaa sheegtay in xayiraadahu lagama maarmaan u yihiin sidii loo xakamayn lahaa faafka caabuqa.
"Dabcan xanibaadaha iyo talaalka ayaa naga caawinaya inaan si xoriyad ah u noolaano ilaa shacabka intiisa badan laga talaalayo. Anagoo qaadanayna talooyinka caafimaad, sidaan hore u sheegay lana tashanaya saraakiisha ayaan go'aan ka qaadanaynaa sida noloshu u ekaanayso marka la gaaro 31 bishan NSW," ayay tiri Ms Berejiklian.
Waxaa hoos u dhacay tirada kaysaska gole deegaanka Fairfield.
Hase yeeshee madaxa caafimaadka gobolka Dr Kerry Chant ayaa sheegtay in arinta ugu wayn ee xanuunku u sii fidayo ay tahay qoysaska is booqanaya.
"Waxaan aragnaa in labo arimood ay fidinayaan caabuqa. Mid waa qoysaska is booqanaya. Waxaana doonayaa inaan hoosta ka xariiqo muhiimada booqashadu qoysaska iyo saaxiibada u leedahay laakiin waqtigaan aan ka jawaabayno caabuqan ay runtii lagama maarmaan tahay in dadku ay guryohooda joogaan oo aysan qoys kale booqaan."
Dad ka badan 95 kun ayaa NSW iska baaray xanuunka.
Dawlada Victoriana waxay sheegtay inay go'aan ka gaaridoonto in xanibaadaha la qaado Talaadada iyo in kale markay aragto macluumaadkii u danbeeyay ee coronavirus-ka.
Gobolka ayaa laga diiwaan galiyay 11 kays oo COVID-19 ah maanta oo Isniin ah oo dhamaantood karantiilnaa inta ay xanuunka qabeen.
Wasiirka Caafimaadka Victoria Martin Foley ayaa sheegay inaan wali go'aan laga gaarin qaadida xanibaadaha iyadoo maamulayaashu ay qiimaynayaan qatarta.
"Saraakiisheena caafimaadka ayaa go'aan ka gaaridoona iyagoo isticmaalaya macluumaadkii u danbeeyay, waana ka hadli doonaa talaabooyinka aan qaadayno iyo sida xanibaaduhu u ekaanayaan," ayuu yiri wasiirku.