Kadib markii ay dawladu soo bandhigtay maalintii Axada app lagu raad raacayo COVID-19,
App-kan oo dawladu ay ku dhiiragalinayso in dadweynahu sida ugu dhaqsaha badan u soo rogtaan ayaa loogu talo galay inuu ka saacido saraakiisha caafimaadka sidii si dhaqso leh loo raad raaci lahaa dadka la kulmay qof uu ku dhacay coronavirus.
Waxaana ku suurto galaysaa iyadoo app-ku isticmaalayo aallada bluetooth oo diiwaan galinayso marka labo qof oo app-ka wata ay 15 daqiiqo wada joogaan iyagoo isu jira mitir iyo bar. Haddii midkood laga helo coronavirus wuxuu qofkaas ogolaan karaa inuu la wadaago maamulayaasha caafimaadka in mobile-kiisa laga baaro dadkii uu la kulmay.
Haddii shacab badan ay soo dajistaan app-ka, quburada caafimaadka ayaa sheegay inay saamayn wayn ku yeelan karto dagaalka lagula jiro xakamaynta coronavirus. Dhanka kalana quburada farsamada IT iyo kuwa macluumaadka gaarka ah (Privacy) ka shaqeeya ayaa walaac ka muujiyay macluumaadka appkan uu aruurinayo.
Asbuucii lasoo dhaafay ka hor intaan appka la shaacin, waxaan sharaxnay sida la filayo in appku u shaqeeyo iyo walaaca dhanka macluumaadka gaarkaa ee qofka oo quburadu shaaciyeen. Hadda COVIDSafe app waa diyaar in lasoo dajisto, marka halkaan waxaan idiin kusoo gudbinaynaa waxa ay quburadu ka yiraahdeen iyo in lasoo dajidto iyo in kale.
Quburo dib u samaysay COVIDSafe app. Waa kana waxay ka ogaadeen.Here's what they discovered.
Ka hor intaan COVIDSafe la sii dayn, quburada farsamada iyo kuwa ku taqasusay macluumaadka gaarka ah (Privacy) ayaa ka codsaday dawlada inay sii dayso (source code) oo ah sida loo sameeyay appka iyo waxa uu ka samaysan yahay taasoo u ogolaanaysa quburada madaxa banaan inay helaan haddii ciladi jirto ay xal u helaan ayna sidoo kale xaqiijiyaan in appku u shaqaynayo sida dawladu balanqaaday.
Dawlada ayaan wali sii dayn waxa appku ka samaysan yahay, in kastoo wasiirka caafimaadka dawlada federalka Greg Hunt uu ABC u sheegay Isniintii in lasii
Inta la sugayana farsamayo yaqaanada ayaa bilaabay inay baaraan waxayna waxay ogaadeen dadka kula wadaageen warbaahinta bulshada.
Axadiina, software developer Matthew Robbins ayaa ku guulaystay inuu soo dajisto sida loo sameeyay appka qaybtiisa ay isticmaalaan telfoonada Android-ku.
Robbins ayaa farsamaaoyinka IT kusoo jiray ku dhawaad 10 sano, wuxuuna 8 sano ee u danbeeyay ku howlanaa samaynta appka. Wax badan ayuu ka yaqaan sida loo dhiso app iyo sida lagu ogaan karo in appkan uu yahay waxa dawladu ku sheegtay. 24 saacadood ee u danbeeyay isaga iyo quburo kale ayaa eegayay COVIDSafe app.
Inta badan waxyaalaha ay ka ogaadeen waa kuwo fiican. Barta twiteerka ayuu Robbins ku xaqiijiyay in appku u shaqaynayo sidii loogu talogalay, oo ugu kaydinayo macluumaadka si amaan ah, oo uu macluumaadka ka duubayo moblie-da kale ee appka leh, uuna tirtirayo macluumaadka 21 maalmood ka dib macluumaadkana ay heli karaan ha'aydaha caafimaadku markii qofku u ogolaado.
Appkan ma kaydiyo meesha qofku joogo )haddii aad isticmaasho telefoonada Android waxaa lagusoo diray fariin ah in meeshaad joogtid la ogaado markaad soo roganayso appka laakiin qaladka dhanka Androidka laakiin COVIDSafe ma diiwaangaliso meesha qofku joogo.
Robbins ayaa barnaamujka SBS ee The Feed u sheegay inuu ku qancay wuxuu ku arkay appka markuu furfuray oo fiiriyay.
"Macluumaadka ay aruuriyeen wax badan oo dhib keeni kara ma aha," ayuu yiri isagoo ku daray "Waxaa kalsooni wayn ku qabaa sida appkan loo dhisay."
Dhowr shay oo uu qaladaad yaryar u arkay ayaa u soo baxay, laakiin wuxuu u sababeeyay dawlada oo si degdeg ah u doonaysay inay soo dayso app-ka.
Robbins ayaa sheegay in uusan wax dhib ah oo wayn ku arag appka.
"Waxay ila tahay inuu u qalmo in la soo dajisto," ayuu yiri.
Qaar kale oo quburada aadka u yaqaan samaynta farsamooyinka oo sidoo kale eegay qaabka loo sameeyay appka ayaa ku dhiiraglinaya in shacabku soo rogtaan.
Haddii aad doonayso inaad faahfaahinta farsamo ogaato Geof Huntley oo ah software engineer ayaa halkan ku kala dhigdhigaya. .
appku wuxuu hadda jiraa dhowr maalmood. Maxaa dhib ah oo lagala kulmay?
Dhowr dhib ayaa ilaa iyo hadda laga helay COVIDSafe app.
Hal walaac oo wayn waa sida dadka appka soo dajista ay u fahmaan sida appku ugu shaqaynayo mobile-kooda. Appku waa inuu furan yahay si uu shaqeeyo-- waad isticmaali kartaa appapka kale ee mobile-kaaga laakiin COVIDSafe app waa inuu furan yahay howshiisana uu hoos ka wataa markasta.
Quburada qaar ayaa walaac ka muujiyay in COVIDSafe app uu daruufaha qaarkood joojin karo inuu ku shaqeeyo phone-kaaga.
Waxaa ka mid ah daruufahaas;
Ilaa iyo hadda dawlada waxaa kasoo baxayay talooyin is khilaafsan oo ku saabsan waxa laga doonayo in dadka isticmaalaya appka ay sameeyaan si ay u ogaadaan in appku shaqaynayo. Haddadan la joogo wuxuu kula talinayaa dadka siticmaala Iphone-ka in haddii appku shaqayn waayo ugu yaraan 24 saacadood waxaa usoo dhacaya fariin lagu tusayo sida loo cilad bixiyo.
Way adag tahay in la sheego in appku batariga uu aad u isticmaalayo iyo in kale; quburadu way ku kala qaybsan yihiin, waase arki doonaa maalmaha soosocda.
Dhibaatooyinkaas qatar xaga amaanka ah kuma aha dadka isticmaalaya appka, laakiin waxay saamayn kartaa wax ku oolnimadiisa haddii aan wax laga qaban. Quburaduna waxay ku baaqayaan in dawladu sii dayso sida appka loo sameeyay iyo wuxuu ka samaysan yahay si loo eego wixii qalad ahna loo saxo.
Quburada amaanku wali walaac miyay ka qabaan COVIDSafe app?
Quburada amaanku wali walaac ayay ka qabaan COVIDSafe app. In walaacaas ay qabaan ka joojiyo inaad soo dagsato appka, quburadu waxay lee yihiin waxay ku xiran tahay daruufta qofka. Sababtuna waa tan.
Ka hor intaan lasii dayn appka, barnaamujkaThe Feed ayaa la hadlay Professor Dali Kaafar oo qabiir macluumaadka gaarka )Privacy) wuxuuna qeexay dhowr walaac oo la xariira . oo qaarkood wali haystaan appka.
Mida ugu wayn oo Kafaar iyo quburada kale waa xaqiiqda ah in macluumaadka uu aruuriyo appkan lagu shubo kumbuter dhexe oo kaydiye ah. Sida uu professor Kafaar uu sheegayna cidkasta oo awood u leh inay macluumaadkaas eegaana waxay helayaan macluumaad aad u fara badan. Marka haddii loo dhaco kumbuterkaas oo dad xumaan doon ah helaan macluumaadkaas waxyaalo badan ayay ku samayn karaan.
Lagasoo bilaabo markii lasii daayay Appka Professor Vanessa Teague oo ah qabiirad macluumaadka gaarka ah (Privacy) kana tirsan Jaamcada ANU ayaa tilmaantay walaac kale oo la xariira Tusaale ahaan Appku wuxuu kaydinayaa nooca iyo samayska Telefoonka qofka kale iyadoo qoraal sahlan ah oo uu aqriyi karo qofkasta oo telefoonka gacanta ku haya.
"Inkastoo ay muuqan karto inaysan wax wayn ahayn, nooca telefoon ee dadka qofka lambaradooda uu haysto waa macluumaad badan," ayay Teague iyo saxibadeed ku qoreen joornaal.
"Kasoo qaad tusaale ahaan qofbaa raba inuu ogaado in qof uu telefoonkiisa hayo inuu la kulmay qof kale oo ay wada yaqaan. Qofka telefoonka hayaa wuxuu aqriyi karaa macluumaadka COFIDSafe oo uu ka ogaan karo nooca telefoon oo shakiga uu qabay u cadayn kara."
"Inkastoo aysan qofka haybtiisa saxdaa bixinayn, waxay cadayn kartaa ama beenin kartaa fikirka ah in qofku qofka kale la kulmay."
Professor Kaafar ayaa sidoo kale ka walaacsan in maamulayaashu ay helaan macluumaad ka badan oo uusan qofku ogayn. Sida uu sharaxay Professorku, haddii qof hebel 1 laga helo xanuunka coronavirus oo uu ogolaado in macluumaadka telefoonkiisa ku jira lagu wareejiyo kan dawlada, waxaa dhici karta inay soo baxdo inuu la kulmay qof hebel 2 ama qof hebel 3. Dawladu waxay ogaatay in qof hebel 2 iyo qof hebel 3 ay kulmeen laakiin labadaas qof midoodna ma oga in macluumaadkaas dawlada lala wadaagay.
Professor Kaafar ayaa sheegay in tani muhiim tahay marka laga hadlayo daruufta shaqsiga.
"Macluumaadkan waxaa dhici karta dadka intooda badan inuusan wax xasaasi ah u ahayn, laakiin waxaa dhici karta qaarkood inuu muhiim u yahay. Tusaale ahaan labao siyaasi oo kala xisbi ah oo kulmay ama suxufi la kulmay siyaasi."
Professor Kaafar ayaa sheegay in arimo badan oo la xariira macluumaadka gaarka ah la xalin karo haddii isbadalo yar lagu sameeyo appka; quburo caalamiya ayaa tilmaamay inay macquul tahay in la samayn karo app dadka lagu raad raaco oo macluumaadka ku shubayn .
Ilaa isbadalaas la sameeyo ayuu u sheegay professor Kafaar The Feed inuusan shaqsiyan soo dajisanayn appka, laakiin uusan hubin wuxuu kula taliyo shacabka Australia.
"Inaan ku taliyo in lasoo dajisto iyo in kale runtii ma hubo, waxaan is leeyahay waa su'aal adag," ayuu yiri.
"Waxay ila tahay in dawladu ka si ahaan ka fiirisay dhanka macluumaadka gaarka ah (Privacy), laakiin ma taaban caqabadaha waaweyn qaarkood. Waxay isku dayday inay niyad wanaag muujiso, tusaale ahaan inay xaqiijiso hubinta in aan la duubin goobta qofku joogo iyo in dhamaan macluumaadka la tirtirayo 21 maalmood ka dib."
"Waxay ila tahay in shay muhiim ay tahay in macluumaadka gaarka ah uu yahay arin shaqsiyadeed. Marka macluumaadka ku saabsan goobta qofku joogo ay dadka qaar ku tahay arin xasaasi ah, dad qaarna aysan kala jeclayn."
"Talo labo waji leh ma bixin karo, laakiin waan sugayaa. Waxaan u baahan nahay in naloo kala cadeeyo farsamo ahaan iyo sharci ahaanba."
Ma soo dajistaa COVIDSafe?
Dhanka wanaagu waa sida.The COVIDSafe app waxaa loo dedejiyay sabab jirta awgeed: Waxaan ku jirnaa xanuunka fidaya. Waxaan doonaynaa in dalka dib loo furo, in aan si dhaqso ah u heli karno cid kasta oo ay dhici karto in COVID-19 uu ku dhaco waa lagama maarmaan.
Haddii tiro dad Australian ah ku filan ay soo rogtaan appka ayna si sax ah u isticmaalaan, waa suurtogal inay ka caawiso arintaas. laakiin si appku u noqdo mid si fiican u shaqeeya, dawladu waxay sheegtay in ugu 40% shacabka Australia loo baahan yahay inay isticmaalaan ama ka badan. Ku dhawaad 10 malayn waa inay soo dajistaan.
Go'aankaaga shaqsiyeed ee inaad isticmaasho appka wuxuu ku xiran yahay qiimaha macluumaadka gaarka ah kuugu fadhiyo, sida Professor Kaafar sheegay waa go'aan shaqsiyeed.
"Waxa aniga iigu daran waa dooda ah waa in dadku kala doortaan inay umadda caawiyaan iyo macluumadka gaarka ah," ayuu yiri
David Vaileoo ka tirsan jaamacada UNSW wuxuu yiri "Mabdi'iyan barnaamuj kan oo kale oo ah macluumaadka xarun dhexe lagu kaydinayo, waxaan ku talin lahaa taxadar," ayuu yiri.
Haddii aad ugu danbaynta go'aansato in COVIDSafe uusan adigu kugu haboonayn hadda, xasuusnow waxyaalo badan ayaa isbadali kara marka appka wax lagu daro oo la sii hagaajiyo. Waana idinla socodsiin doonaa wixii dhaca.
- Australia, dadku waa inay isu jirsadaan ugu yaraan mirit iyo bar. Hubi xayiraadaha gobolkaagu ku soo rogay inta qof ee kulmi karta.
- In la iska baaro coronavirus hadda wadanka oo dhan waa laga helayaa. Haddii aad isku aragto calaamadaha hargabka ama qabowga, wac dhaqtar oo balan la samyso in lagaa baaro xanuunka ama la xariir lambarka macluumaadka coronavirus oo ah 1800 020 080.
- Appka lagu raad raaco xanuunka ee dawladu soo bandhigtay ayaa hadda dadka ka soo dagsan karaan app store-ka.
- SBS waxaa ka go'an inay ku wargaliso bulshooyinka dhaqamada kala duwan ee Australia wararkii u danbeeyay ee COVID-19.