Victoria oo laga diiwaan galiyay kaysaskii ugu yaraa mudo 3 bilood ah.

Another eight people have died from COVID-19 in Victoria, as the daily case number drops dramatically.

Victorian Premier Daniel Andrews

Source: Getty

Tirada kaysaska coronavirus-ka laga helay Victoria ayaa hoos u sii dhacaysa iyadoo 28 kays oo cusub la diiwaan galiyay 24 saacadood ee u danbeeyay.

Sideed qof oo kale ayaa u geeriyooday xanuunka, taasoo tirada guud ee dadka ugu dhintay coronavirus gobolka gaarsiisay 745. Lix ka mid ah dadka dhintay ayaa lala xariirinayaa xarumaha dadka waayeelka ah lagu hayo oo xanuunka ka dilaacay.

Tirada kaysaka maanta oo Khamiis ah ayaa ah tii ugu yarayd mudo sadex bilood ah, taasoo tirada 14 maalmood ee u danbeeyay celcelis ahaan ka dhigaysa 44.4 kays, iyadoo sharuuda lagu qafiifinayo xanibaadaha ay ahayd in tiraadaas gaarto 50 ilaa 30 kays si loo qafiifiyo xanibaadaha.

Markii u danbaysay oo tiradan ay sidaas u hoosaysay waxay ahayd 24 June, markaas oo kaysasku gaareen 29.
"Istaraatiijiyadu way shaqaynaysaa, kaysasku hoos ayay u dhacayaan, waana inaan halkaa howsha ka sii wadno," ayuu yiri Premier Daniel Andrews maanta oo ah Khamiis.

Share
Published 17 September 2020 1:10pm
Updated 17 September 2020 1:17pm
By Maani Truu


Share this with family and friends