New South Wales ayaa laga diiwaan galiyay 5 kays oo cusub oo COVID-19 oo gobolka gudihiisa la isku qaadsiiyay 24 saacadood ee u danbeeyay. 5 taas qof ayaa labo ka mid ah shalay lagu dhawaaqay.
Wasaaradda caafimaadka ayaa sidoo kale loo sheegay 7 kays oo kale oo lagu dari doono tirada barito.
Waxaa xanuunka iska baaray 28,645 oo qof wixii ka danbeeyay 8 fiidkii xalay, iyadoo maalintii ka horaysay ay is baareen 25, 252 oo qof.
Taas ayaa macneheedu yahay in kaysaska guud ee lala xariirinayo Bondi ay hadda gaartay 21 qof.
Premierada NSW Gladys Berejiklian ayaa sheegtay in afdaboolka (mask) hadda lagu soo rogay dhamaan Magaalo waynta Sydney oo socon doona todobaad dheeraad ah.
"Dhamaan shacabka reer Sydney waxaa laga doonayaa inay raacaan awaamiirta qasabka ka dhigaysa in la xirto afduubka marka meel gudaha la joogo sida marka dukaamada la galayo," ayay tiri Ms Berejiklian.