Tani waa waxa aan ilaa hada ka ognahay COVID uurka iyo tallaalada.

Australian Department of Health says vaccines are safe and don't increase the chances of pregnancy complications such as premature delivery, stillbirth and congenital disabilities.

Gynecologist with digital tablet comforting pregnant patient

Credit: Jose Luis Pelaez Inc/Getty Images

Key Points
  • Pregnant women can take a COVID-19 vaccine at any time during pregnancy
  • Antibodies created through vaccination can cross the placenta and benefit babies in their first few months
  • The rate of miscarriage was higher in pregnant women with COVID-19: a Korean study
Annabel oo ah shaqaale fadhigeedu yahay Canberra ayaa waqtiga laga umulinayo ay Bishan tahay.

Annabel aad ayay u faraxsantahay, laakiin waxay ka walwalsanayd inay qaado COVID-19 iyo saamaynta ay ku yeelan karto ilmaheeda inta ay uurka leedahay.

Waxay raacday dhammaan tallaabooyinka badbaadada ee COVID-19, iyadoo qaadatay dhammaan saddexda talaal ee lagu taliyey si ay uga fogaato qaadista caabuqa Covid-19.
Laakin fikradda waxyeelada tallaalka ayaa iyaduna walwal ku keentay.

Annabel ayaa ku tiri SBS "Waxaan si isku mid ah uga walaacsanahay waxyeelada aan la garanayn ee tallaallada COVID-19,".

Waaxda Caafimaadka ee Australia iyo Daryeelka dadka da'da ah waxay leedahay tallaaladu waa amaan oo ma kordhiyaan dhibaatooyinka uurka sida dhicinta, ilmaha oo mayd ku dhasha iyo naafonimada lagu dhasho.


Pregnant women testing positive to COVID-19 have a higher risk of certain complications
Waaxdu waxa ay tiri "Habka ugu wanaagsan ee lagu dhimi karo khatartan waa in aad la socoto tallaalladaada COVID-19,"

Maxay muujinaysaa daraasadihii ugu dambeeyay?

Daraasad Canada lagu sameeyey oo lagu daabacay BMJ bishii hore ayaa xaqiijisay in tallaalada mRNA (Pfizer iyo Moderna) aysan wax khatara la xiriirin oo kordineysa sababida dhalma dhicis ah ama dhimasho.

Daraasadu waxay ku salaysan tahay 85,162 dhalasho oo Ontaariyo ah intii u dhaxaysay 1 May iyo 31 December 2021.

Daraasad kale oo Canada kasoo baxday lana xaqiijiyey oo lagu daabacay The Lancet 11 August, ayaa muujisay haweenka uurka leh ee la tallaalay in khatarta in ay wajahaan xaalad caafimaad oo daran ay aad u hooseyso marka la barbar dhigo dumarka aan uurka lahayn ee la talaalay.

Daraasad Israa'iil lagu sameeyey, oo la daabacay bishii July ayaa muujisay haweenka uurka leh ee uu ku dhacay cudurka 'coronavirus' saddexda bilood ee ugu danbeeya uurka, gaar ahaan 34 toddobaad kadib, waxay leeyihiin khatar sare oo ah dhalmada dhicinta ahna sababta caabuqa COVID-19.

Daraasad Kuuriyaan ah ayaa ogaatay in heerka dhicinta uu ku badanyahay haweenka uurka leh ee qaba COVID-19, marka loo eego kuwa aan qabin COVID-19.

Waa maxay talada ugu danbeysa ee ku saabsan tallaalada haweenka uurka leh?

Haweenka uurka leh waxay qaadan karaan tallaalka COVID-19 wakhti kasta oo ay uurka leeyihiin.

Waaxda Caafimaadka iyo Daryeelka Da'da ayaa sheegtay in khatarta cudurada daran ay hooseyso marka tira talaala la qaato..

Waxay leedahay "Daraasad cusub ayaa muujisay in haweenka uurka leh ee qaatay saddex talaal in ay yartahay khatartooda in uu haleelo Covid-19 daran ee nooca Omicronka.,".

Kooxda La-talinta Farsamada ee Australiya ee Tallaalka (ATAGI) waxay ku talisay in saddex talaal lasiiyo haweenka uurka leh.

Talaal afaraad ayaa lagula talinayaa haweenka uurka leh ee da'doodu tahay 16 iyo wixii ka weyn oo leh khataro caafimaad oo dheeraad ah.

Haweenka uurka leh ee da'doodu tahay 30 iyo ka weyn waxay xaq u leeyihiin in la siiyo talaal afraad. Si kastaba ha ahaatee, waxaa lagu dhiirigelinayaa inay marka hore kala tashadaan dhakhtarkooda baahidooda caafimaad iyo faa'iidooyinka qiyaasta.

Sidee loola tacaalaa macluumaadka khaldan?

Dhakhtarada dhalmada iyo haweenka ee fadhigeedu yahay Melbourne Dr Nisha Khot ayaa kula talisay dadka deegaanka inay ka fogaadaan baaritaanka macluumaadka Google.

"Waxaa jira macluumaad khaldan oo badan oo ku xeeran tallaalada internetka. Markaa si toos ah u booqo mareegaha waaxda caafimaadka si aad xog dhab ah u hesho," ayey tiri Dr Khot.

Dr Khot aad ayey uga walwashay markii ay maqashay macluumaad khaldan oo bukaankeedu la wadaagay. Tusaale ahaan, bukaannada qaarkood waxay sheegeen in tallaalku saamaynayo awooda dhalmada hooyada iyo ilmaheeda uurka ku jira.

Dr Khot waxey intaas ku dartay "Mar walba kala hadal dhakhtarkaaga GP-gaaga ama bixiyaha daryeelka caafimaadka wixii macluumaad ah ee dhabta ah,"

Dr Khot waxey ku dhiirigelineysaa haweenka uurka leh inay qaataan sadex talaal.

Waxeyna tiri "In kasta oo dhammaan haweenka uurka leh ay ka faa'iideysan doonaan talaalka afaraad, hadda, haweenka uurka leh ee leh arrimo halis ah sida sonkorowga iyo xaaladaha kale ee caafimaadka ayaa la beegsanayaa,".

Waaxda caafimaadka iyo daryeelka dadka da'da ah ayaa leh ma jiraan macluumaad badan oo ku saabsan talaalka afaraad ee uurka, laakiin ma jiraan walaacyo gaar ah oo dhanka amaankiisa ah.

Faa'iidooyinka tallaallada COVID-19 ee ubadka aan dhalan

Waaxda caafimaadka iyo daryeelka dadka da'da ah ayaa sheegtay in cilmi-baaristu ay muujinayso in unugyada difaaca jirka ee la abuuray xilliga uurka ka dib markii la qaato tallaalka COVID-19 ay ka gudbi karaan mandheerta.

"Tani waxay ku dhacday haweenka helay talaalkoodii ugu horeeyey goor hore ee uurka oo si buuxda loo tallaalay ka hor intaanay ilmahoodu dhalan," ayay tidhi.

"Unugyadaan difaaca jirka waxa ay ka ilaalin karaan ilmaha COVID-19 bilaha ugu horeeya nolosha."

SBS waxaa ka go'an in ay siiso dhammaan wararka COVID-19 bulshooyinka dhaqamada iyo luuqadaha kala duwan ee Australia. Ku badbaad xogtana hel adigoo si joogto ah u booqanaya bogga SBS Coronavirus, adoo ka helaya xogihii ugu danbeeyey kuna helaya luqadaada.

Share
Published 30 September 2022 7:26pm
By Yumi Oba
Source: SBS


Share this with family and friends