KEY POINTS:
- Anthony Albanese has unveiled the wording of the Voice referendum.
- Australians will head to the polls at the end of this year.
- Mr Albanese has revealed fresh details on how the body would function.
Dadka reer Australia hadda way ogyihiin erayada ay u codaynayaan marka la qabto aftida dadka dalka loogu yimid codka looga siinayo baarlamaanka.
Dadwaynaha ayaa u codayndoona aftidii u horaysay ku dhawaad mudo rubuc qarni ah, haddii lagu guulaystana, waxay noqonaysaa markii ugu horaysay oo shacabka Australia ay u codeeyaan inay wax ka badalaan Dastuurka wixii ka danbeeyay 1977.
Isaga oo la hadlaya koox loo xilsaaray aftida Codka qamiistii ayuu RW Anthony Albanese soo bandhigay su'aasha lagu daabacayo waraaqaha lagu codaynayo.
Hindise Sharciyeed: In la badalo Dastuurka si loogu aqoonsado Dadka Dalka Australia loogu yimid iyada oo la samaynayo Cod ay leeyihiin dadka Aboriginalka iyo Torres Strait Islanderka. Ma ogolaatay isbadalkan?
Hadda waxaa la horgaynayaa baarlamaanka si uu u ansixiyo ka hor inta aysan shacabka Australia u dareerin goobaha codaynta dhamaadka sanadkan.
Sidee ayuu u ekaanayaa Codku?
Codku wuxuu noqonayaa Hay'ad ama Urur dawlada kala talinaya arimaha dadka dalka loogu yimid saameeya. Ma yeelanayso hay'adani awood ay ku qaadacdo sharuuc.
Mr Albanese ayaa shaaca ka qaaday faahfaahin ku aaddan sida hay'addan ay u shaqayndoonto, wuxuuna yiri:
- Xubnaha ka tirsan hay'adan waqti cayiman ayay xilka haynayaan si loo xaqiijiyo isla xisaabtan.
- Waxay noqonaysaa hay'ad dadka oo dhan ku jiraan sida rag, haween iyo dhalinyaro.
- Xubnaha hay'adda waxaa laga soo xulayaa dalka oo dhan.
- Waxaa ku jiridoona xubno matalaya bulshooyinka fogfog.
Laakiin wuxuu ka gaabsaday in xubnahan si dimoqraadiyad ah loo dooranayo iyo in la magacaabayo.

The question is slightly different to the draft wording Mr Albanese unveiled at the Garma festival last year. Source: AAP / Aaaron Bunch / AAP Image
Maxay yihiin talaabooyika xiga?
Baarlamaanka oo u codeeya, kadibna dadweynaha oo u codeeya.
Si afti loo qaado, marka hore waa in sharciga baarlamaanka la mariyo.
Caadiyanse, hindise sharciyeedku uma baahna inay Aqalka Wakiilada iyo Senatku ansixiyaan. Waa macquul in laga ansixiyo Aqalka Wakiilada oo Laborku aqlabid ku haysto labo jeer, taas oo macneheedu yahay in la hubo in la ansixinayo.
Dadka qaangaarka ah ee Australia ayaa kadib laga doonayaa inay u codeeyaan "Haa" ama "Maya" su'aasha uu Mr Albanese soo bandhigay Khamiistii.
Aqlabiyada cod bixiyayaasha dalka oo dhan, iyo aqlabiyada gobolada dalka ayaa loo baahan yahay inay ogolaadaan si Codku u ansaxo oo loo hirgaliyo.
Haddii xadkaas laga gudbo, Mr Albanese ayaa sheegay in bulshooyinka dalka loogu yimid iyo shacab waynaha guud ayaa dejinaya naqshada Codka.
Markii taas dhacdana, waxaa la gaynayaa baarlamaanka si la mid ah hindise sharciyeedyada kale, waana laga doodayaa.
Goorma ayay u badan tahay in loo codeeyo?

Mr Albanese ayaa marar badan balanqaaday inuu aftida qabanayo dhamaadka sanadkan.
Wuxuu sii cayimay waqtiga aftida bishii la soo dhaafay, isaga oo sheegay in dadweynuhu ay goobaha codbixinta u dareeridoonaan inta u dhaxaysa bilaha October iyo December.
Aftiyaha ayaa la qabtaa maalmaha Sabtida ah, taas oo macneheedu yahay waxaa jira maalmo cayiman oo codayntu dhici karto.