Qofkii ugu horeeyay oo Maraykan ah ayay dhici kartaa in lagu duro talaalka COVID-19, 24 saacadood kadib marka Haya'dda Maamusha Daawooyinka Maraykanka ee loo soo gaabiyoFDA ay ansixiso isticmaalka talaalka, taasoo bilow u noqondoonta ololihii talaal oo ugu balaarnaa oo taariiqda Maraykanka soo mara, kaasoo bilaabayay bisha December.
“24 saacadood gudohood marka la ansixiyo, talaalka waxaa la gaynayaa goobaha ay gobolada dalka noo sheegeen inaan gayno," ayuu Dr Moncef Slaoui oo ah sarkaal sare u sheegay warbaahinta NBC.
Dadaalka lagu gaarsiinayo talaalka dad gaaraya 330 malyan oo dalkoo dhan ah ayaa imanaya iyadoo Madaxweyne Donald Trump uu xanibay xil wareejintii caadiga ahayd ka hor inta aan la gaarin caleema saarka Madaxweynaha la doortay Joe Biden 20 Janaayo.

Operation Warp Speed chief advisor Dr Moncef Slaoui. Source: AAP
Shirkada kale ee Moderna ayaa la filayaa inay iyaduna codsato in loo ansixiyo isticmaalka talaalkeeda dhamaadka bishan December.
Talaalka ayaa loo qaybinayaa iyadoo la eegayo tirada shacabka deggan gobol kasta, kadibna gobol kasta isagaa go'aansanaya cida marka hore ay siinayaan talaalka iyadoo lagu taliyay in shaqaalaha caafimaadka la siiyo mudnaanta koowaad iyo dadka waayeelka ah ee u nugul in caabuqu dilo.
Ku dhawaad 70% shacabka waa in la talaalo si loo gaaro heer uusan xanuunku ku fidi karin bulshada, yoolkaas oo dalku doonayo inuu gaaro bisha May sida ay sheegeen saraakiisha caafimaadku.
Dalka ayaa waxaa ku yaraaday qalabka dadka xanuunka looga baaro iyadoo dad badan ay doonayaan in isbaaraan ka hor fasaxa Thanskgiving.
Asbuucii la soo dhaafay Joe Biden ayaa sheegay in baranaamujka dadka lagu talaalayo ay tahay howlgal balaaran kana mid ah howlihii ugu adkaa ee dalkan soo mara.
Maraykanka ayaa qaybinaysa tobanaan milyan oo talaal ah iyadoo sidoo kale dagaal kula jira been abuur laga bixinayo talaalka oo lagu baahinayo warbaahinta bulshada iyadoo daraasad la qaaday lagu ogaaday in 58% shacabka Maraykanku ay sheegeen inay qaadanayaan talaalka taasoo ah koror yar marka loo barbardhigo 50% bishii Sebtember.
Madaxa shaqaalaha ee uu magaacabay Joe Biden Ron Klain ayaa sheegay inay lagama maarmaan tahay inay si sahlan macluumaadka ula kala wareegaan quburada coronavirus ee Trump iyo kuwa Biden si looga baaqsado dibu dhac ku yimaada sida loo qaybinayo talaalka marka Biden uu xilka la wareego 20 Janaayo.
Mr Biden ayaa asbuucii la soo dhaafay ka digay in "dad badan ay dhimanayaan haddii aynaan iskaashi yeelan."
Tirada dadka xanuunku ku dhacay dalka Maraykanka ayaa hadda dhaafay 12 milyan, tiradaas oo in ka badan hal milyan korortay waqti ka yar hal asbuuc.

Melissa Harting of Harpersville, New York participates in a study of the vaccine for COVID-19 developed by the National Institutes of Health and Moderna. Source: AAP
Dadka u dhintay xanuunka ayaa dhaafay 255 kun oo qof iyadoo quburo badan oo caafimaad ay ka digeen in tiradaasi ay sii badanayso oo gaari karo 2 kun oo dhimasho ah maalin kasta asbuucyada soo socda.