Sida degdega ah ee talaalka loo soo saaray ayaa aduunka intiisa badan la yaab ku noqotay.
Britain iyo Maraykanka ayaa ansixiyay isticmaalka talaalka ay soo saareen shirkadaha Pfizer/BioNTech haddana waxaa Maraykanka laga ansixiyay talaalka shirkada Moderna iyadoo dadka nugul ee bulshada markiiba lagu bilaabay in la talaalo.
Iyadoo kaysaska COVID-19 ay mar kale ku sii kordhayaan Australia, waxaa la is waydiinayaa goorta laga bilaabayo talaalka dalkan.
Dawlada Federalka ayaa u xaqiisiyay shacabka in talaalku soo socdo ayna bilowday qorshe balaaran oo lagu qaybinayo sadexda bilood ee u horeeya sanadka 2021, laakiin aan la balanqaadi karin.
Maxay tahay sababta aan Australia wali looga ansixin talaalka?
Professor Adrian Esterman wuxuu ku taqasusay cudurada faafa kana tirsan Jaamacada SA ayaa sheegay in jawaabtu sahlan tahay: looma baahna in la degdego.
Wuxuu sheegay inay muhiim tahay in la xasuusto in talaalka Pfizer/BioNTech ee UK iyo Maraykankaba ansixintoodu tahay xaalad degdeg ah oo kaliya ama "emergency approval", taas oo macneheedy yahay in sadexda tijaabo ee caadiyan talaalku maro aysan wali dhamayn, laakiin baahida loo qabo aad u badan u badan awgeed aan la sugi karin.

Allergic reactions to the Pfizer/BioNtech vaccine are said to be incredibly rare. Source: Photonews
“Caadi ma ah in si degdeg ah loo isticmaalo laakiin maadaama dalalka UK iyo Maraykanku ay ku jiraan xaalad COVID-19 ah oo aad u daran, ma sugi karaan waqti dheer...waana wax la fahmi karo," ayuu yiri.
Goormuu talaalku ka bilaabanayaa Australia?
“Hay'adeen maamusha talaalka iyo daawooyinka [the Therapeutic Goods Administration] inay sugtaa fiican natiijada tijaabooyinka ayna si taxadar leh u qiimeeyaan markaasna ay ansixiyaan oo la bilaabo talaalka," ayuu yiri Professor Esterman, ka hor inta uusaan xanuunku mar kale ka dilaacin Sydney.
Wuxuuna saadaalinayaa in taasi ku dhici doonto talaalka Pfizer/BioNTech marka la gaaro Maarso 2021.
Who will get the vaccine first?
Sii hayaha xilka sarkaalka caafimaadka ugu sareeya Australia Paul Kelly ayaa xaqiijiyay in talaalka lagu bilaabi doono kooxaha nugul oo ay ku jiraan dadka waayeelka ah iyo kuwa qaba xanuuno kale.
Wuxuu intaa ku daray in dadka qatarta ugu jira inuu caabuqu ku dhaco sida shaqaalaha caafimaadka iyo kuwa ka shaqeeya xarumaha dadka waayeelka ah lagu hayo ay noqon doonaan kuwa ku xiga, ayna ku sii xigaan shaqaalaha adeegyada degdega ah iyo shaqaalaha daruuriga ah.
Talaaladee ayay Australia maal gashatay oo ay helaysaa?
Kadib markii la joojiyay talaal ay waday Jaamacada Queensland ayay dawlada Australia hadda heshiis la leedahay sadex shirkadood oo talaal samaynaya. Dhamaan sadexda talaal ah nooca labo jeer oo kala duwan qofka lagu durayo, loona baahan yahay in la gaarsiiyo 25 malayn oo Australianka ah.
AstraZeneca

Source: SBS News
“Talaalkan waa nooca loo yaqaan viral vector. Wuxuu isticmaalaa caabuqa daanyeerka loo yaqaan chimpanze oo aan dhibaato lahayn," ayuu yiri professor Esterman.
Shirka daawooyinka samaysa ee CSL oo Australian ah ayaa Melbourne ku samaynaysa 50 milyan oo talaalka AstraZeneca, waxayna biloqday samaynta talaalka laakiin waxay sugaysaa in la ansixiyo ka hor inta aan la isticmaalin.
Novavax

Source: SBS News
Professor Esterman ayaa sheegay inay talaalkan yahay nooca ka samaysan borotiinka “protein vaccine”: oo ah nooc marar badan la tijaabiyay lana filayo in sanadka cusub la ansixiyo.
“Bishii Sebtember ayay bilaabeen tijaabada," ayuu yiri.
“Marka uma badna inay diyaar noqoto ugu yaraan ka hor bisha May ama June sanadka soo socda."
Pfizer/BioNTech

Source: SBS News
Laakiin xataa haddii talaalkan la ogaado inuu wax tar yahay 5 milyan oo qof oo kaliya ayaa heli kara.
Ku xigeenka madaxa Ururka Dhaqaatiirta Australia Dr Chris Moy ayaa sheegay in istaraatiijiyada ay dawlada federalku ku xaqiijisay heshiisyo talaalo kala duwan ay lagama maarmaan ahayd.
"Runtii, arintu waxay ahayd inaan dal ahaan aan ku nasiibsano helida talaalada ugu rajada fiican in lagu guulaysto," ayuu yiri. "Macquul ma ahayn inaan hal shirkad oo kaliya la heshiino."
Laakiin xisbiga Laborka ayaa sheegay in sadex talaal aysan nagu filnayn caadiyan ay ku fiicnayd inaan 5 ama 6 heshiis galno.
Miyaysan adkayn kaydinta talaalka Pfizer?
Haa. Waa in lagu hayo qabow ka hooseeya minus 70 degrees celsius mar kasta taasoo qaybintiisa ka dhigaysa mid adag.
“Waa in lagu hayo weel. Sida kan barafka lagu hayo ee esky loo yaqaan, si uu qabow aad ah ugu jiro," ayuu yiri professor Esterman.
Mar la waydiiyay in howshaas adag ay Australia xamili karto, ayuu yiri: "haa waa la samyn karaa".

The Pfizer/BioNTech vaccine must be kept at very cold temperatures. Source: Getty
“Talaalka Pfizer waxaa loo dirayaa dalka oo dhan iyadoo lagu qaadayo qaboojiyayaal. Inkastoo ay adag tahay maadaama qabow dheeraad ah loo baahan yahay, laakiin si sahlan ayaa Australia looga maarayn karaa shaqadaas."
Talaalka nooca mRNA sida tan shirkada Pfizer/BioNTech laguma samayn karo Australia sababta oo ah farsamada cusub ee loo baahan yahay Australia ma laha.
“Waxaa laga hadlaa in la helo awooda Australia ku samayn karto talaalka mRNA, waana fikrad ku fiican faafka mustaqbalka dhici doona," ayuu yiri professor Esterman.
Maxaa ku dhacay talaakiin Jaamacada Queensland iyo shirkada CSL?
Iyadoo dharbaaxo ku ahayd talaal lagu sameeyo Australia, Jaamacada Queensland iyo shirkada CSL ayaa lagu qasbay inay isaga baxaan tartanka talaalka bishan kadib markii dhamaan dadkii ka qayb qaatay tijaabada oo talaalka qaatay dhiig laga qaaday uu si been u sheegay inay qabaan HIV.
“Ma jirin qatar ah in talaalku keeno HIV," ayuu yiri professor Robert Booy oo qabiir ku ah cudurada faafa kana tirsan Jaamacada Sydney.
Laakiin sayntiistayaasha ayaa ka walaacsanaa in xataa haddii talaalku amaan yahay in natiijada beenta ah ee sheegaysa in qofku qabo HIV ay faragalin ku samaynayso barnaamujka baaritaanka HIV ee Australia iyo waliba dhiiga dadku ku deeqaan iyo waliba kalsoonida shacabka.
Maxay shacabka Australia ka aaminsan yihiin inay is talaalaan?
Si olole talaal loogu guulaysto, waa in aqlabiyada shacabka loo baahan yahay inay wacyi gashan yihiin ayna diyaar u yihiin inay is talaalaan.
Dr Abhishek Verma oo ah dhaqtarka xaafadaha (GP) fadhigiisuna yahay Melbourne ayaa sheegay inuu waqti badan ku bixiyay sanadkan siduu uga qancin lahaa bukaan badan walaaca ay ka qabeen COVID-19, haddana uu la dagaalamyo quraafaadka la xariira talaalka.
"Su'aalo badan ayaa nalaga waydiiyaa talaalada; amaan ma yihiin? ma la isku qasbayaa? qatar miyay leeyihiin?" ayuu yiri.
Cabsida laga qaba inaan sidii la rabay loo hubin maanka talaalada iyadoo tartan loo jiro soo saaarida ayaa dad badan oo ka mid bukaanka dhaqatarkan maskaxdooda ku jira.
“Waxaan samaynaa waa inaan wadahadal furan la galno bukaanka oo aan ka qancino walaaca ay qabaan," ayuu yiri.
“Waxaan isku daynaa inaan ka faaidaysano fursada ah inaan isticmaalno macluumaadka wasaarada caafimaadka iyo natiijooyinka tijaabooyinka talaalada, ayaan isku daynaa anagoo haysana cadaymahaas oo dhan inaan u sheegno in talaalku amaan yahay sidoo kalana wax tar yahay."
Bishii Nofember ayay daraasada ay samaysay Jaamacada Australian National University oo ay su'aalo ku waydiisay dad gaaraya 3,061 oo Australian lagu ogaaday in 58.5% ay qaadaan lahaayeen talaalka. Halka 6% ay sheegeen inay qaadanayn.
Bulshada Australia oo dhan ma ka qayb qaadanayaan qaybinta?
Dr Verma ayaa sheegay in qaar ka mid ah kooxaha soo galootiga ah ee cusub, luqada oo ku adag iyo adeegyo caafimaad oo dhaqankooda ku haboon oo aan jirin macneheedu yahay inaan laga qayb galin arimaha talaalka.
"Waxay caadiyan ahaayeen dad xaquuqdooda aan helin oo ay adag tahay in lagala tashado arimaha caafimaadka," ayuu yiri DR Verma. "Marka waxay ila tahay in caqabado haystaan sababtoo ah waxaa dhici karta inay u nugul yihiin in warar been ah loo sheego ama aysan wararka ka helin ilo aan sax ahayn."
Dawladaha gobolada iyo tan federalka ayaa lagu dhaliilay intii lagu jiray faafka coronavirus qaladaad ah sida ay ula xariireen bulshooyin dhaqamada kala duwan. Macluumaad si xun loo turjumay oo loo qaybiyay iyo inaan lala tashan wakiiladooda taaso dhalisay in qaarkood ah wararka ku saabsan caabuqa ay ka raadsadaan ilo aan wararkooda lagu kalsoonayn.
Adel Salman, oo ah afhayeenka Golaha Muslimiinta Victoria ayaa sheegay in "warar badan oo been abuur ah oo ku saabsan talaalka la isku dhaafsado internetka" Sidii loola dagaalami lahaa quraafaadkan aysan caqabad ku ahayn bulshooyinka laga tirada badan yahay oo kaliya ee ay saamayso shacabka oo dhan.
"Runtii waxay ila tahay inay lagama maarmaan tahay in fariin sax ah si hufan loo gudbiyo sababtoo ah waxaa socda cabsi galin balaaran iyo quraafaad badan oo la faafinayo," ayuu yiri. "Waa lagama maarmaan in fariimeheenu waxaas oo dhan ka sareeyaan. Oo aan leenahay ilo lagu kalsoonaan karo oo fariimahaas sida ugu haboon dadka u gaarsiiya."
Wuxuu ugu baaqayaa dawlada federalka inay bilowdo olole wacyi galin ah oo laga hor mariyo inta aan la bilaabin talaalka.
Afhayeen u hadlay Wasiirka Caafimaadka Greg Hunt ayaa SBS News u sheegay in dawladu sii wadi doonto inay la tashato, talooyina waydiisato ururada matala bulshooyinka dhaqamada kala duwan si looga jawaabo COVID-19 oo ay ku jirto qaybinta talaalka.
Dawlada ayaa dhawaan asaastay koox ka tirsan bulshooyinka luqadaha iyo dhaqamada kala duwan oo kala taliya arimaha COVID-19. Kooxdan ayaa markii koowaad kulantay.
Maxaa dhibaato ah oo ka dhalan kara talaalka?
Professor Paul Griffin, oo ah qabiir ku taqasusay cudurada faafa ayaa sheegay in qaybninta talaalku tahay how adag.
"Waxay ila thay in qaybinta, iyo waliba talaalka oo laga caga jiido ay yihiin labada arimood oo ugu waaweyn ee caqabadaha noqon kara. Mana hubo inaan samaynay dadaal ku filan oo labadaas arimood wax looga qabanayo," ayuu yiri.
"Howlaha gaarsiinta iyo qaybinta talaalku waa howl aad u adag. Waa wax aynaan waligeen hore u samayn."
“Waxaan samaynaa inaan dad ka talaalno hargabka laakiin talaalka coronavirus waa ka duwan yahay, qaabka dadka lagu gaarsiinayo talaalka, tirada aan rabno inaan talaalno ma ah tiro aan waligeen hore u gaarnay," ayuu yiri.
“Talaalada aan ku bilaabayno waa kuwo ugu yaraan labo jeer oo kala duwan dadka lagu durayo, haddii marka qofku uusan marka labaad soo noqon markaas waxaa yaraanaya waxnimada talaalka."
Talaalku ma shaqaynayaa?
Dr Moy ayaa sheegay in sidoo kale loo baahan yahay in la kala cadeeyo ujeedooyinka waqtiga dhow iyo kuwa waqtiga dheer ee barnaamujka talaalka.
"Talaalada waxbay taraan markay noqoto inay ka hortagyaan in qofku xanuunsado laakiin xiligan la joogo ma hubno in talaalku qofka ka celinayo in cudurku ku dhaco iyo inuu qofka talaalan hadduu ku dhaco uu sii gudbin karo. Marka waxaa dhici karta in wax ku fiican yihiin waxna aysan ku fiicnayn," ayuu yiri.
“Ma aha inaan isku dayayno inaan shaqsiga difaacno oo kaliya ee waxaan joojinaynaa inuu bulshada ku fido. Guud ahaan talaal oo dhan waxay leeyihiin faa'ido iyo qasaaro, waxaana jira waxyaaloo aan wali la ogayn sida waqti intee le'eg ayuu talaal wax tarayaa qofka."
When will we know more?
Professor Kelly ayaa sheegay in faahfaahino buuxa oo ku saabsan talaalka dadweynaha lala wadaagi doono Janaayo.
Dadku Australia waa inay isu jirsadaan ugu yaraan 1.5 metres. La soco xanibaadaha ka jira maamulka meesha aad degan tahay. Haddii aad dareemayso caalamadaha hargabka, guriga joog, wac oo balanso dhaqtar si aad isaga baarto coronavirus ama la xariir Coronavirus Health Information Hotline on 1800 020 080.
Please check the relevant guidelines for your state or territory: , , , , , , , .