Dadka soo galaya Australia ayay dhici kartaa in loo ogolaado inay guryohooda isku karantiilaan. Tan ayaa ah hindise ay ka fakarayaan quburada caafimaadku.
Ra'iisul Wasaare Scott Morrison ayaa xaqiijiyay in Gudi Caafimaad ay ka fiirsanayaan in dadka ka imanaya dalal "amaan ah" guryohooda lagu karantiilo.
"Waxay ila tahay guri isku karantiilku uu suuro gal noqon karo mustaqbalka. Waana arin ay ka fiirsanataan gudiga caafimaadku, gaar ahaan markaan ka gudubno xaalada hadda aan ku jirno," ayuu ugu sheegay warbaahinta Canberra maanta oo ah Talaado.
"Waxaan eegaynaa inaan xadka u furi karno dalalka amaanka ah, ama ha noqoto New zealand ama qaybo ka mid ah dalalka Pacifiga ama Koofurta Korea iyo Japan amaba dalal kale oo ku guulaystay inay xakameeyaan caabuqa."
Haddadan la joogo dadka ka soo noqda dibada waxay ku qasban yihiin inay hoteel isku karantiilaan.
Mr Morrison ayaa intaa ku daray in dalal badan ay ogol yihiin in dadku guryohooda isku karantiilaan gaar ahaan kuwa ka yimaada dal uusan xanuunku ku badnayn isagoo gaar ahaan soo qaatay Denmark iyo Greega.
Hong Kong iyo Japan ayaa sidoo kale ka fiirsanaya inay qafiifiyaan xanibaadaha saaran dalalka qaar ee sida Australia.
Waxaan go'aanka ugu danbeeya ku gaaraynaa ayuu yiri talooyinka caafimaad ee ay na siiyaan quburadu.
"Laakiin waxaan rajaynaynaa inaan talaabadaas qaadno," ayuu yiri Mr Morrison.

Guests departing Sydney's Travelodge under police guard on 25 August, 2020. Source: Getty
People in Australia must stay at least 1.5 metres away from others. Check your jurisdiction's restrictions on gathering limits.
If you are experiencing cold or flu symptoms, stay home and arrange a test by calling your doctor or contact the Coronavirus Health Information Hotline on 1800 020 080.
Please check the relevant guidelines for your state or territory: , , , , , , .