Scott Morrison oo ku dhawaaqay talaabooyin safar oo adag, kuna dhawaaqay in Brisbane tahay goob 'coronavirus ka dilaacay'

RW Scott Morrison ayaa sheegay difaaca la kordhinayo si looga hortago faafka nooca cusub ee coronavirus ee aadka u fida ee ka soo bilowday dalka UK.

National Cabinet will meet again.

Source: AAP

Golaha Qaranka ayaa taageeray qorshayaal cusub oo lagu xoojinayo difaaca COVID-19 laguna xakamaynayo duulimaadyada dibadda iyo gudaha Australia. Qorshayaashan cusub ayaa looga jawaabayaa qatarta sii kordhaysa ee ka imanaysa nooca cusub ee aadka u fida ee coronavirus ee ka soo bilowday UK.

Magaalo waynta Brisbane ayaa lagu dhawaaqay inay tahay goob xanuunku ka dilaacay (hotspot) kadib markii shaqaale nadaafad laga helay nooca cusub ee COVID-19- sidaasna magaalada bandow sadex maalmood ah lagu galiyay.

Isbadalada cusub ee Golaha qaranku ku dhawaaqay ayaa waxaa ka mid ah in rakaabka u soo duulaya Australia laga doonayo inay marka hore iska baaraan COVID-19 lagana waayo ka hor inta aysan u soo duulin Australia. Sidoo kale waxaa la yareeyay tirada dadka dalka ku soo noqon kara.

Rakaabka ka soo duulaya UK waxaa si gaar ah looga baarayaa nooca coronavirus cusub ka hor inta aysan diyaarada soo raacin.

Afduubka (Masks) ayaa lagu qasbayaa dhamaan rakaabka raaca diyaaradaha dalka gudihiisa iyo kuwa dibaddaba marka laga reebo caruurta da'doodu ka yar tahay 12 sano.
"Caabuqu sharci gaar ah ma raaco, taas macneheedu waa inaan sii wadno in markuu isbadalaba aan anaguna isbadalno si aan ula dagaalano," ayuu yiri Mr Morrison.

Waxaa jira dad laga dhaafayo inay coronavirus iska baaraa, waxaana ka mid ah shaqaalaha beeraha inay ka shaqeeyaan dalka u yimaada uu ka yimaada dal aan xanuunku ku badnayn, waxayse raacayaan baaritaano u gaar ah oo iyaga loogu talo galay.

Dadka dalka soo galaya oo la yaraynayo ilaa Febaraayo.

Waxaa 50%  la jaray tirada dadka ka soo degaya gobolada NSW, WA iyo QNL.

New South Wales ayaa waxaa ka soo degaya 1,505 oo qof asbuuciiba, Western Australia 512 asbuuciiba halka Queensland 500 oo qof ay asbuuciiba ka soo degayaan.



Victoria ayaa waxaa ka soo degaya 490 qof asbuuciiba kadib markii hore loo dhimay markii gobolka uu ka dilaacay mowjadii labaad ee coronavirus.

Golaha Qaranka ayaa isku raacay in rakaabka la yareeyo ilaa 15 bisha Febaraayo kadib kulan ay yeesheen madaxa gobolada iyo kuwa federalku Jimcadii.

Mr Morrison ayaa sheegay in 80% shacabka Australianka ah ee iska diiwaan galiyay inay dalka dibadiisa ay ku xaniban yihiin ay ku sugan yihiin dalal uu ka jiro nooca COVID-19 ee cusub ee aadka u fida.

"Waxaa jira waxyaalo badan oo aan laga ogayn noocan cusub ee cornavirus waana sababtaas taan talaabooyinkan taxadarka ah aan u aaminsan nahay inay yihiin kuwo macquul ah," ayuu yiri.
Sarkaal Caafimaadka ugu sareeya Australia Paul Kelly ayaa sheegay jawaab adag ee degdeg ah looga danleeyahay in laga hortago qatarta ka imanaysa coronavirus aadka u fida.

"Ujeedadeena ugu wayn waa inaan ilaalino amaanka shacabka Australia oo aynu hubino in noocan cusub ee coronavirus uusan noqon kan dalka ku jira," ayuu yiri.

"Sababtu aan talaabooyinkan u qaadayno waa haddii aynaan hadda ka hortagin way adkaanaysaa inaan xakamayno."The reason is because it will be much more difficult to control."

Dhamaan shaqaalaha ka shaqeeya karantiilka ayaa sidoo kale maalin kasta la baarayaa.

Shaqaalaha ka shaqeeya diyaarada caalamiga ah ee Australia u soo duula waa inay 7 maalmood oo kasta ay isbaaraan ayna goobo gaar ah oo cayiman isku karantiilaan inta u dhaxaysa duulimaadyadooda.

Ku dhawaad 38,000 oo qof ayaa hadda ka diiwaan gashan Wasaarada Arimaha Dibadda iyo Ganacsiga inay doonayaan inay dalka dib ugu soo noqdaan.


Share
Published 9 January 2021 8:42pm
Updated 11 January 2021 1:51pm
By Tom Stayner


Share this with family and friends