Sarkaalka ugu sareeya caafimaadka gobolka NSW ayaa sheegay inay ugu yaraan qaadanayso 7 maalmood ka hor inta ay quburada caafimaadku ka qiimaynayaan in lagu guulaystay xanibaadihii balaarnaa ee dalkoo dhan lagusoo rogay si wax looga qabto xanuunka COVID-19.
Laakiin Premierada ayaa sheegtay inay diyaar u tahay inay ku dhawaaqi doonto haddii loo baahdo in gobolka oo dhan ay bandow kusoo rogto dhamaadka asbuuca iyadoo aan sugin dawlada federalka.
Tirada dadka uu ku dhacay coronavirus ee gobolka NSW ayaa kor u kacay oo gaaray Khamiistii 1219 taasoo 190 qof korortay marka loo eego maalintii ka horeysay. Booliska ayaa maanliintii Arbacada la siiyay awood dheeraad ah oo ay wax uga qabtaan dadka aan hogaansamayn awaamiirta caafimaadka dadweynaha.
In ka badan 15 qof oo u buka COVID-19 ayaa ku jira qaybta xaalada degdega ah ee cisbitaalada.
Premierad Gladys Berejiklian ayaa sheegtay in boolisku kordhindoono howlgaladooda iyo inay ka muuqdaan goobaha dadweynaha sidoo kalana aan loo ogolaan doonin rakaabka maraakiibta dalxiiska inay kasoo degaan NSW illaa amar danbe.
Waxay sheegtay in nidaamka dadku ku soo degaan loo baahan yahay in la adkeeyo iyadoo qorshayaal cusub kala shaqaynaysa ciidanka difaaca Australia.
Markabka dalxiiska Ruby Princess cruise ship - oo iyadoo aan si fiican loo baarin dadka kasoo degay kusoo xirtay Sydney ayaa ka masuul ah 121 qof oo xanuunka COVID-19 uu ku dhacay.
Ms Berejiklian ayaa sidoo kale sheegtay inay si dhow ula soconayso saamaynta goobihii la xiray Isniintii sida shalemooyinka ay yeelanayaan, haddiise aysan ku filnayn ay talaabooyin kale qaadi doonaan.
"Waxaan ku leeyahay bulshada haddii aynaan guushaan rabnay gaarin, NSW waa inay talaabooyin dheeraad ah qaado, waana taan bilowgiiba cadeeyay," ayay tiri Ms Berejiklian.
Laakiin sarkaalka ugu sareeya gobolka Dr Kerry Chant ayaa sheegtay in natiijada wajigii labaad ee xanibaadiha aan la ogaandoonin in mudo ah.
"Waxay qaadanaysaa ugu yaraan 7 maalmood amaba 14 malmood si sawirka saxdaa loo helo," ayay tir Dr Chant.
Booliska NSW ayaa la siiyaya awood ay 1000 Doolar ku ganaxi karaan shaqsigii jabiya sharuucda caafimaadka dadweynaha, shirkadahana la ganaaxi karo $5000 haddii ay jabiyaan awaamiirta.
Ms Berejiklian ayaa qirtay in fariimaha iyo macluumaadka kasoo baxaya dawlada loo baahan yahay in la hagaajiyo laakiin waxay ka codsatay in dadku raacaan talooyinka caafimaad.
7 qof ayaa NSW ugu dhintay xanuunka COVID-19.