Qofkasta uma baroordiiqayo Boqorada. Waa tan sababtu.

Inkasta oo aad loo jeclaa, geerida Boqorad Elizabeth dadka oo dhan uma baroordiiqayaan iyadoo qaarkood farta ku fiiqayaan doorkii ay ku lahayd gumaystihii.

Queen Elizabeth II and Prince Phillip watch an Aboriginal culture exhibition.

Queen Elizabeth II and the Duke of Edinburgh watching a culture show at Tjapukai Aboriginal Culture Park, in Cairns, Australia on 1 March 2002. Credit: Fiona Hanson

Iyadoo dad badan oo caalamka oo dhan ah ay sii wadaan ka tacsiyanta Boqorada, qof walbaa uma baroordiiqayo.

Nyadol Nyoun, waa qareemad, madax ka ah Harmony Alliance oo ah urur ay leeyihiin haweenka soogalootiga iyo qaxootiga ah ee Victoria, ayaa barta Twitterka ku qortay inay jiraan ragtiyo kala duwan oo laga qabo Boqorada.

Inkasta oo aysan dhib ku hayn in dad badani u baroordiiqayaan geerida Boqorada, waxay sheegtay in ay muhiim tahay in la xasuusnaado in qofkasta uusan u dabaaldegayn wixii laga dhaxlay Boqortooyada United Kingdom maadaama dad badani ku dhaliilaan doorkeedii iyadoo madax ka ah Barwaaqo Sooranka dalal badan aduunka ah la gumaystay.

"Qaybo badan oo aduunka ah lama wadaagaan waxa ay Reer Galbeedku taariiqda isugu sheegaan," ayay tiri.

Queen Elizabeth sits on a gold throne at the House of Lords
Britain's Queen Elizabeth delivers a speech in the House of Lords during the State Opening of Parliament at the Palace of Westminster in London on 11 May, 2021. Source: AAP / AP
Sandy O'Sullivan oo ka soo jeeda bulshada Wiradjuri ee dalka loogu yimid, culuunta dadka dalka loogu yimidna ka dhigta jaamacada Macquarie ayaa xasuusinaysa dadka in qaar badan oo ka mid dadka Aboriginalka iyo Torres Strait Islanderka wixii laga dhaxlay Boqorada Elizabeth II aysan ahayn mid xasuus mudan.

"Dadka leh waa inaan Boqorada geerideeda wax kasta u cafino, waa inay xasuustaan in Boqoradu farogalin ku samaysay nolosha dadka dalka loogu yimid marar badan," ayay Proff ku qortay Twitter.

"May ahayn qof korka uun ka fiirsanaysa oo kaliya saamayntii gumaysiga ee waxay ka door wayn.

"Qofkasta oo leh waxay ahayd ayeeyo naxariis badan, waxay iloobayaan inay haysay tobanaan sano shaqo ah inay dusha kala socotay talaabooyinka nolosha dadka dalka loogu yimid uga sii dartay."

Professorad O'Sullivan ayaa sheegtay in geerida Boqorada ay xasuus u tahay in boqortooyadu dib u eegto waxay samaysay.

"Waxay ahayd qoftii ilaalinaysay xukunkii gumaystaha, cagta ayayna nagu haysay."

Share
Published 13 September 2022 1:28pm
By Rayane Tamer
Source: SBS


Share this with family and friends