Intee ku korortay daymaha guryaha lagu qaato (mortgages) wixii ka danbeeyay markii kororku bilowday?
- The Reserve Bank of Australia has lifted the official cash rate by 0.25 percentage point
- It is now sitting at 2.6 per cent.
Bangiga dhexe ee Australia (RBA) ayaa ku kordhiyay dulsaarka rasmiga ah ee la saaro daymaha bangiyada 0.25% sidaasna dulsaarka guud gaasiiyay 2.6%.
Waa markii lixaad oo 6 bilood oo isku xiga uu bangiga dhexe kordhiyay lacagaha dulsaarka si loo xakameeyo sicir bararka sii kordhaya oo hadda maraysa heerkii ugu sareeyay wixii ka danbeeyay bishii July 2013.
Agaasimaha guud ee RBA Philip Lowe ayaa tilmaamay maanta oo Talaado ah in bangiga dhexe uu aad u kordhiyay lacagaha dulsaarka mudo gaaban.
Sicir bararka ayaa hadda maraya 4.9% oo ka saraysa yoolka RBA ee ah inuu u dhexeeyo 2 iyo 3%.
Dr Lowe ayaa sheegay in kororka maanta uu qayb ka qaadanayo sidii yoolkaas loo gaari lahaa, iyadoo ay dhici karto in loo baahdo in la sii kordhiyo waqtiga soo socda.
Sidee ayay dadka daymaha guryaha ku qaata u saamaynayaa kororka dulsaarku?
Shacabka Australia ayaa boqolaal doolaar oo dheeraad ah ku bixinaya daymaha guryaha ay ku qaateen marka loo barbar dhigo bishan oo kale sanadkii la soo dhaafay, waxaan la filayaa inay ka sii darto.
Dulsaarka rasmiga ah ee dalka ayaa aad u hoseeyay oo ahaa 0.1% intii u dhaxaysay bishii Nofember 2020 iyo bishii May sanadkan 2022, markaas oo koror isku xiga lagu sameeyay dulsaarka.
Websiteka RateCity ayaa qiyaasay in qofka lagu leeyahay $500,000 oo dayn guri ah uu bixinayo $600 oo dheeraad ah bishiiba wixii ka danbeeyay bishii Abriil.

Interest rate increases so far in 2022. Source: SBS