Queen Elizabeth's funeral guest list sparks controversy
- About 500 royals, politicians and world leaders will attend Queen Elizabeth’s funeral in London on Monday.
- But two names on the guestlist are raising eyebrows.
Iyadoo madaxda caalamaka, boqortooyooyin iyo Asutralian shacab oo uu ka mid yahay Ben Robert oo ah askari hore ayaa London soo gaaray ka hor aaska Boqorad Elizabeth, dhaqal sugaha ahna taliyaha Saudi Arabia Mohammed Bin Salman ayaan ka soo qayb galidoonin aaska.
Saudi Arabia waxaa badalkiisa matalaya Prince Turki bin Mohammed al Saud, sida Axadii laga soo xigtay ilo wareedyo wasaarada arimaha dibadda Britan.
Prince Turki waa wasiiru dawle, golaha wasiirada ku soo jiray wixii ka danbeeyay 2018.
Waxaana awoowe u ah Boqor Fahad wuxuuna qayb ka yahay jiilka cusub ee awooda uu siiyay Dhaxal suge Mohammed.
Ilo wareedyo ayaa sheegay in isbadalkan ay Sacuudigu samaysay.
Britain ayaa casuuntay madaxda dalalka ay saaxiibada yihiin inay ka qayb galaan aaska Boqoradda, laakiin dalalka ay xaq u leh inay magacaabaan cida uga qayb galaysa.
Cidda uga qayb galaysa Sacuudiga ayaa isha si gaar ah loogu hayay iyadoo laga eegayay sida uu yahay xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Sacuudiga iyo dalalka Reer Galbeedka oo xumaada kadib dilkii suxufi Jamal Khashogi oo ahaa nin ka soo horjeeda nidaamka Sacuudiga. Dilkiisa ayay sirdoonka reer Galbeedku aaminsan yihiin inuu ogolaaday dhaxal suguhu.
Wuuse dafiray inuu lug ku lahaa dilkaas.
2020 ayay Sacuudi Carabiya 8 qof xabsi u dhexeeya 7 ilaa 20 sano ku xukuntay dilkii Khashoggi.
Horeyna waxaa qarxay muran ku saabsan marti qaadka Sacuudiga ee ka qaybgalka asska Boqoradda.
Hatice Cengiz, oo u doonanayd suxufiga Sacuudiga u dhashay, ayaa sheegay inaysan ahayn in Prince Salman loo ogolaado inuu 'bar madow' ku noqdo xuska boqorad Elizabeth.
Yaa kale oo lagu casuumay aaska?
RW Anthony Albanese ayaa tagay London si uu uga qaybgalo aaska. Wuxuuna markiiba la kulmay boqor Charles III iyo RW cusub ee UK LIza Trus.
Madaxda kale ee ka soo qayb galaysa waxaa ka mid ah Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden, Madaxweynaha Fransiiska Emmanuel Macron, Ra'iisul Wasaaraha Canada Justin Trudeau, Madaxa midowga Yurub Ursula von der Leyen iyo RW New Zealand Jacinda Ardern oo dhamaantood xaqiijiyay inay ka soo qayb galayaan aaska.
Inkasta oo madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy uusan ka soo qayb galidoonin, xaaskiisa Olena Zelenska ayaa ka qayb galaysa.
Madaxda aan ka qayb gakayn waxaa ugu horeeya madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, oo aan la casuumin duulaanka uu ku qaaday Ukraine darteed.

Russian President Vladimir Putin has not been invited to Queen Elizabeth's funeral in London. Source: AFP / Sergie Guneyev / Sputnik / Getty Images
"Waxaan qabnaa in isku dayga UK ay uga faa'iidaysanayso masiibada qaran ee taabatay qalbiga malaayiin qof oo aduunka oo dhan ah inay aargoosi u badasho inta lagu jiro baroordiiqda ay tahay mid anshax xumo ah," ayaa lagu qoraal.
Madaxda Belarus oo taageeray duulaankii Ruusku ku qaaday Ulraine iyo Myanmar oo iyadana lagu eedeeyay tacadiyo ay kula kacday shacabka Rohingya ayaan sidoo kale la casuumin.