Feature

Adeegyadee xanuunada dhimirka oo luqadaada ah yaa laga helaa Australia?

Dadka ku nool Australia oo ku hadla luqad kale oo aan ahayn English mararka qaar waxay u baahan yihiin inay helaan adeegyo looga caawiyo xanuunada dhimirka oo afkooda ku qoran. SBS waxay isku soo aruurisay adeegyada jira oo ka caawain kara bulshooyinka soo galootiga ah oo wajaha waqti adag una baahda taageero xanuunada dhimirka ah oo afkooda ku baxa.

Mental health

pensive woman in front of the window Source: Getty Images

Waxaa jira xaalado kala duwan oo loogu baahan karo oo ay ku jiraan in qofku qabo xanuun dhimirka ah oo ay ka dhashay coronavirus oo ay ka mid yihiin walaac, walbahaar, xanuuno dhimirka sida in qofku u dhexeeyo murugo iyo waali (Bipolar), dhibaato qofku soo maray oo uusan kasoo kabsan (PTSD), jahawareer shaqsiyadeed (Personality disorder) iyo waalida qofku uusan kala garaynayan saxda iyo qaladka (psychosis).

Adeegyada oo afaf kala duwa ah ayaa laga helaa dalka oo dhan, waxaan inta badan lagu maamulaa heer gobol.

Inta badan ururada iyo hay'adda maamula ma laha turjubaano iyaga u shaqeeya ee waxay isticmaalaan adeegyo turjubaano oo dawlada federalku maalgaliso oo TIS loo soo gaabiyo , oo adeegyada turjubaanida ku bixisa telefoon ama fool ka fool 150 luqadood.

Heer qaran Mental Health in Multicultural Australia (MHiMA) ayaa laga helayaa macluumaad ku qoran luqadaha qaar:  Adeegan oo ahaa mid dawalda federalku ka shaqaynaysay ayaa hadda howleheedu joogsadeen laakiin website-ka ayaa wali jira oo links macluumaad turjuman oo la kaydiyay iyo qaab loo qiimeeyo xanuunada dhimirka.

The Forum of Australian Services for Survivors of Torture and Trauma (FASSTT) waa shabakad ay ku midaysan yihiin 8 hay'addood oo ku taqasusay baxnaaninta iyo la shaqaynta dadka kasoo badbaaday jirdilka iyo dhaawaca oo Australia kasoo galay dalka dibadiisa. Dadka ugu badan ee ay caawiyaan hay'addaha ku midaysan FASSTT waa dad Australia ku soo galay binaa'aadanimo ama qaxootinimo.

Gobol walba waxaa ka jira hay'ad ka tirsan FASSTT: 

Non-government national mental help Lifelines and services (Adeegyada aan dawliga ahayn)

NEW South Wales

NSW Mental Health Line

Mental Health Line waa u diyaar qofkasta oo NSW deggan, waana lambar shaqeeya 24 saacaadood 7 maalmood ee asbuuca oo dhan 1800 011 511 

Transcultural Mental Health Centre (TMHC)

Waa adeeg lafu faafiyo sidii dadku u heli lahaayeen adeegyada loogu talo galay dadka dhaqamada iyo luqada kala duwan, wuxuuna adeegan bixiyaan talooyin, qiimayn iyo kor u qaadiida wacyi galinta caafimaadka maskaxda. Waxay sidoo kale bixisaa waxbarasho iyo tababaro. 

TMHC waxay siiyaan adeegyo lacag la'aan ah shaqsiyaadka iyo qoysaska ku xiran adeegyada caafimaadka dhimirka ee NSW iyagoo isticmaalaya dhaqaatiir luqado aan english ahayn ku hadla.

Turjubaanada TIS ayaa laga helaa /  haddii luqadaad aysan ku hadlin shaqaalaha TMHC.

Service for the Treatment and Rehabilitation of Torture and Trauma Survivors, STARTTS

STARTTS waxay bixisaa dhaqaatiirta dhanka maskaxda caafimaadka iyo taageero ku haboon dhaqanka qofka, iyo taageero bulsheed oo ka caawiya dadka sidii loo dhayi lahaa dhaawacyadii ka soo gaaray qaxootinimadii iyo siday dib ugu dhisan lahaayeen noloshooda Australia. 

Turjubaanada TIS ayaa laga helaa /  haddii luqadaad aysan ku hadlin shaqaalaha STARTTS.

Victoria

Foundation House for Survivors of Torture (Urur caawiya dadka kasoo badbaaday jirdil)

Ururkan wuxuu adeeg lacag la'aan ah siiyaa dadka qaxootiga ah ama xaalad qaxootinimo la mid ah soo maray oo ku hadla luqadahan  English, Arabic, Burmese, Hakha Chin, Dari, Dinka, Karen, Persian, Swahili, Tamil and Tigrinya. 

Halkan ka Fiiri inaad buuxisay sharuudaha lagu bixiyo adeegan:   

Turjubaanada TIS ayaa laga helaa /  haddii luqadaad aysan ku hadlin shaqaalahoodu.

Victoria waxay kaloo ay leedahay tusiye ay ku qoran yihiin macluumaad caafimaadka xanuunada dhimirada oo luqado kala duwan. 

Waa dadaal ka yimid dawlada Victoria oo ay maamusho xarunta Centre for Culture oo si sahlan looga helo maacluumaad caafimaad oo faro badan oo la turjumay:  

Labo urur oo Victorian ah ayaa bixiya tababaro xanuunada maskaxda laakiin ma bixiyaan taageero toos ah oo ay siiyaan shaqsiyaad:

Action on Disability in Ethnic Communities (ADEC)

ADEC waxaa ka mid ah Transcultural Mental Health Access Program (TMHAP) oo fududeeya siday adeegyo caafimaadka dhimirka u heli lahaayeen dadka dhaqamada kala duwan. Waxay la shaqeeyaan bulshooyinka jinsiyadaha si loogu wacyigaliyo dhibaatootinka xanuunada dhimirka iyo sida lagu helo caafimaadka dhimirka iyo adeegyada xanaano.

Waxay sidoo kale ka cawiyaan adeegyada caafimaadka dhimirka sidii loo abuuri lahaa qaabab iyo istaraatiijiyo loo caawiyo bulshooyinka jinsiyadaha. 

Victorian Transcultural Mental Health (VTMH)

Hay'addan ayaa hore loo yaqaanay Victorian Transcultural Psychiatry Unit (VTPU), VTMH waa qaybta Victoria oo taageerta adeegyada daawaynta caafimaadka dhimirka iyo taagerada la siiyo xirfadlayda la shaqeeya macaamiisha ka soo jeeda bulshooyinka dhaqamada kala duwan.

Waxay kaloo bixisaa adeegyo su'aalaha ay qabaan looga jawaabo dhaqaatiirta, horumarinta bulshada, waxbarashada, barnaamujyo ay ka qayb galaan macaamiishu laakiin adeegyo toos uma fidiso shaqsiyaadka:  

Queensland

Queensland Transcultural Mental Health Centre (QTMHC)

QTMCH waa adeeg dhaqaatiir xirfado kala duwan ku taqasusay oo ka jira gobolka oo dhan oo ka shaqaysa sidii loo hubin lahaa in dadka luqadaha iyo dhaqamada kala duwan ay helaan xanaano iyo taageero caafimaadk dhimir oo ku haboon dhaqamadooda.

Waxay bixisaa macluumaad turjuman:

Queensland Program of Assistance to Survivors of Torture and Trauma (QPASTT)

QPASTT waxay bixisaa adeegyo xasaasi u ah dhaqamada kala duwan oo kor loogu qaadayo caafimaadka iyo badqabka dadka lasoo jirdilay ama soo maray dhibaatooyin la xariira qaxootinimo ka hor inta aysan Australia soo galin.

Waxay bixiyaan taageerooyin bulsho iyo talooyin dhanka caafimaadka madkaxda oo la siiyo dadka kasoo badbaadaay jirdil ama dhibaatooyin la mid ah: 

World Wellness Group

World Wellness Group oo fadhigoodu yahay Brisbane waxay fidiyaan barnaamujyo badan oo loogu talo galay bulshooyinka dhaqamada kala duwan, waxaana ka mid ah:

  • Barnaamujka daaweynta dhanka maskaxda ee dhaqamada kala duwan: waxaa loogu talo galay dad dhaqamada iyo luqadaha kala duwa ee deggan Brisbane iyo gobolada woqooyi iyo kuwa koofureed ee gobolka. Waxay bixiyaan talooyin caafimaadka maskaxda oo ku dhaqan ahaan ku haboon xasaasina ah oo loogu talogalay dadka qaba xanuunada dhimirka heerka fudud iyo heerka dhexe:
  •  Caafimaadka qaxootiga iyo magangalyodoonka: Wuxuu bixiyaa xanaano dhaqan ahaan ku haboon oo dhan loogu talo galay dadka nugul si loo yareeyo sinaan la'aanta caafimaad ee waqtiga dheer: 
  • Adeegyada caafimaad ee ardayda ajaaniibta ah: maadaama ay ku taqasustay caafimaadka dadka dhaqamada kala duwan, waxaa sidoo kale isticmaali kara ardayda ajaaniibta ah ee haysta caymiska caafimaadka Overseas Student Health Cover (OSHC), oo ka yimid dalalka dhaqamada kala duwan.
  • Culture in Mind waa barnaamuj bulsho oo taageero dhanka dhaqaatiirka caafimaadka maskaxda u fidiya dadka kasoo jeeda dhaqamada kala duwan ee da'doodu ka wayn tahay 18 sano oo ku nool Brisbane iyo xaafadaha ku dhaw dhaw.
Harmony Place

Harmony Place waa urur aan faa'iido doon ahayn oo bulshada dhaqamada kala duwan siisa adeegyo caafimaadka dhimirka oo dhaqankooda ku haboon. Waxay la shaqeeyaan dadka ka wayn 12 sano oo ay ku jiraan soo galootiga, caruurtoodam qaxootigam magangalyodoonka, soogalootiga xirfada leh iyo saygooda. Waxayna ka shaqeeyaan gabi ahaanba Queensland iyagoo diirada saara gobolada Koofur bari Queensland, Logan, Ipswich iyo Goldcoast oo ay ku badan yihiin dadka dhaqamada kala duwan.

Mental health line

1300 MH CALL (1300 642255) waa lambar aad ku heli karto macluumaad ku saabsan caafimaadka dhimirka oo qarsoodi ah( adoo magacaaga aan sheegayn) waxaana loogu talo galay inuu adeega caafimaadka dhimirka ee marka ugu horeeyaa dadku la hadlaan.

Turjubaanada TIS ayaa laga helaa /

Norther Territory

 MHACA (Central Australia)

MHACA waa adeeg ay heli karaan dadka da'doodu ka wayn tahay 18 sano oo lagu sheegay inay qabaan xanuun dhimirka ah. Turjubaan ayaad balansan kartaa, shaqaalahoodana waxaa ka mid ah dad ku hadla Chinese, Urdu, Irish iyo Hindi:

TeamHealth (Darwin)

TeamHealth waxay bixiyaan adegyo iyo taageero dadka deggan NT oo qaba walaacyo ku saabasan xanuunka dhimirka ama nugul iyo saboolka ah:  Turjubaanada TIS ayaa laga helaa. Website-ka waxaa laga helayaa macluumaad ku saabasan adeegyo ku turjumana inka badan 80 luqadood. 

Melaleuca Refugee Centre

Waa hay'ad aan faa'iido doon ahayn oo adeegyo binaadanimo ah siisa shaqsiyaadka iyo qoysaska kasoo jeeda qaxootiga iyo soo galootiga. Waxay adeegyo lacag la'aan ah siiyaan qoysaska, dadka qaangaarka ah, caruurta iyo dhalinyarada:  

The Northern Territory Mental Health Coalition (NTMHC)

NTMHC waa hay'ad ay ku kulmaan adeegyo caafimaadka dhimirka oo bulshadu maamusho oo ka howlgasha dhamaan Northern Territory 

Northern Territory Mental Health Line: 1800 682 288

Adeegyada caafimaadka dhimirka ee gobolka waxaa laga heli karaa qadka xanuunada dhimirka, adeegyadaasna waxay isticmaalaan turjubaano markii loo baahdo: 

Western Australia

Association for Services to Torture and Trauma Survivors (ASeTTS)

AseTTS waxay bixiyaan adeegyo guud oo lagu caawiyo dadka ka soo badbaaday jirdilka iyo dhibaatooyinka oo noloshooda dib u dhisaya, waxaana u shaqeeya dad ku hadla luqadaha Arabic, Dinka, Karen iyo Kirundi.  

West Australian Transcultural Mental Health Centre

Adeegan wuxuu ku dhexyaalaa gudaha cisbitaalka Royal Perth Hospital waxaana 3 jeer oo kaliya lagu arkaa bukaanka cisbitaalka ka baxay. Waxaa jira turjubaan ama laguu keenayo ama telfoonka kuugu turjumaya 

Tasmania

Phoenix Centre

Phoenix Centre waxay ku dhex shaqaysaa Migrant Resource Centre oo bixisa adeegyo gaar ahaan loogu talo galay dadka ka soo badbaaday jirdilka iyo dhaawaca. Waxay bixisaa talooyin iyo tababaro kala duwan iyo mashaariic taageerta caafimaadka iyo ladnaanta shaqsiyaadka iyo bulshada. Phoenix Centre waxay shaqaale u joogaan Hobart iyo Launceston wuxuuse adeegooduu gaaraaa gobolka oo dhan:

Adeegyada caafimaadka dhimirka ee dawlada Tasmania ayaa xanaaneeya dadka qaba xanuunada dhimirka oo aadka u daran oo ku jira xarumaha lagu hayo iyo kuwa dibada jooga ee bulshada ku dhexnool iyadoo shaqada ay qabanayaan xarumo caafimaad oo dawladu maamusho ama dhaqaatiir taqasus leh iyo dhaqaatiirta xaafadaha. 

Macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan sida loo helo adeegyada caafimaadka dhimirka booqo:  Waxaad kaloo wici kartaa 1800 332 388 si xaaladaada loo qiimeeyo ama meel kale laguugu sii gudbiyo.

Australian Capital Territory (ACT)

Companion House, Assisting Survivors of Torture and Trauma

Waxay bixisaa adeegyo talooyin caafimaad iyo shaqaale caawiya magangalyodoonka iyo qaxootiga, Companion House waxaa ujeedadiidu tahay inuu ka caawiyo sidii dadku noloshooda Australia dib ugu soo dhisi lahaayeen oo ay u maarayn lahaayeen xaaladaha adag ee noloshooda soo wajaha ayna ula tacaalaan saamaynta ka dhalatay dhaawaxyadii hore.

La taliayaasha caafimaad ayaa la shaqeeya dadka dhawaan dalka soo galay iyo kuwa waqtiga dheer joogay waxayna leeyihiin dhaqaatiir taqsuus gaar ah u leh caruurta, dhalinyarada iyo dadka qaangaarka ah:

Dawlada ACT ayaa sidoo kale leh adeega caafimaadka dhimirka ee xaaladaha degdega ah oo lagu heli karo telefoonadan (1800 629 354 ama 0262051065) ama booqo website: 

South Australia

Relationships Australia

Adeega Personal Education and Community Empowerment (PEACE) waa mid diirada saara sidii loogu shaqayn laha bulshooyinka dhaqamada kala duwan. Qofku fiisada uu doonaba ha haystee PEACE waxay siinaysaa adeegyo lagu caawinayo shaqsiga, qoyska iyo bulshada:  

Survivors of Torture and Trauma Assistance and Rehabilitation Service, STTARS

QPASTT waa adeeg talooyin caafimaad siiya dada kasoo jeeda qaxootiga oo ka taagera siday ugasoo kaban lahaayeen dhibaatooyinkii soo maray. Adeegan waa lacag la'aan waxaana heli karta qofkasta intuu doono Australia ha degganaadee. Waxaa liis dadka sugaya adeegyada STTARS laakiin waxaa loo maamulaa qaab hadba dhibaatada qof ay ku xiran tahay in liiska horey looga daro ama gadaal looga daro iyadoo dadka ugu baahida badan mudnaanta koowaad la siiyo.

Adeegyada STTARS waa lacag la'aan, shaqaaluhu waa tabarucaad, macluumaadka qofka lama shaaciyo waxaana howsha fuliya dhaqaatiir quburo ah iyo tujubaano.

Waxay sidoo kale hayaan barnaamujyo kale oo loogu talo galay caruurta, dhalinyarada, qoysaska iyo magangalyo doonka: 


 

  • Australia, dadku waa inay isu jirsadaan ugu yaraan mirit iyo bar. Hubi xayiraadaha gobolkaagu ku soo rogay inta qof ee kulmi karta.
  • In la iska baaro coronavirus hadda wadanka oo dhan waa laga helayaa. Haddii aad isku aragto calaamadaha hargabka ama qabowga, wac dhaqtar oo balan la samyso in lagaa baaro xanuunka ama la xariir lambarka macluumaadka coronavirus oo ah 1800 020 080.
  • Appka lagu raad raaco xanuunka ee dawladu soo bandhigtay ayaa hadda dadka ka soo dagsan karaan app store-ka.
  • SBS waxaa ka go'an inay ku wargaliso bulshooyinka dhaqamada kala duwan ee Australia wararkii u danbeeyay ee COVID-19. 
 Wararka oo 63 luqadood ah waxaad ka heli kartaa 

 

 


Share
Published 11 June 2020 1:05pm
Updated 11 June 2020 1:30pm
By SBS/ALC Content
Source: SBS


Share this with family and friends