Meghan Markle ayaa sheegtay in Boqortooyadu ka walaacsanayd midabka wiilkeeda Archie

Waraysi ay Oprah Winfrey la yeelatay Duchess of Sussex ayaa ku bilowday Meghan oo sharaxaysa sida aysan waxba badan uga ogayn nolosha boqortooyada kadiba arimo badan qarxisay.

Meghan Markle, the Duchess of Sussex.

Meghan Markle says the royal family were 'worried' about the colour of her son Archie's skin. Source: STRMX

Meghan Merkel oo ah gabadha uu guursaday wiilka Boqorada UK, Harry ayaa sheegtay in reer boqorku ay ka walaac sanaayeen midabka maqaarka wiilkeeda Archie ka hor inta uusan dhalan, taasina ay sabab u tahay inaan wiilka yar la siin darajada Prince.

Meghan, oo hooyadeed ay tahay madow, aabeheedna yahay cadaan ayaa sheegtay inaysan waxba badan kala socon nolosha qoyska boqortooyada ka hor inta aysan wiilkooda guursan 2018.

Mar ay uurka Archie lahayd ayaa qof ka mid ah reer boqor oo aysan magaca sheegin uu walaac uga muujiyay midabka ama sida uu u madoobaan doono cunugeedu markuu dhasho.

Meghan ayaa hadalka ka sheegtay waraysi labo saacadood socday oo ay la yeelatay Oprah Winfrey oo laga sii daayay TV CBS ee dalka Maraykanka habeenkii Axada.

Ms Winfrey oo ku celcelisay inay u sheegto qofka hadalka ku yiri, balse Meghan waa ay diiday iyadoo intaa ku dartay in taasi dhaawac culus oo gaysan karto qofkaas.
Meghan, oo 39 sano jir ah ayaa sheegtay in Harry uu doonayay in Archie la siiyo darajada prince si uu u helo difaac oo amaankiisa loo ilaaiyo.
Prince Harry, left, and Meghan, Duchess of Sussex.
Prince Harry, left, and Meghan, Duchess of Sussex, speak about expecting their second child during an interview with Oprah Winfrey. Source: Harpo Productions
Mar la waydiiyay inay iyadu iska aamusnayd ama in la amuusiyay, waxay ku jawaabtay tan danbe oo ay ula jeeday waa la i aamusiyay.

Waraysigan oo aad loo sugayay ayaa kana bixi doona Australia subaxa Isniinta ayaa imanaya iyadoo muran badan u dhexeeyo Meghan iyo Harry oo dhinac ah iyo boqortooyada Britan oo dhinac ah.

Meghan ayaa sheegtay inay ka fakartay inay nafteeda goyso ayna caawimaad codsatay laakiin loo sheegay inaysan sawir fiican ka bixinayn boqortooyada.

"Ma rabin inaan sii noolaado," ayay tiri.

Meghan ayaa sheegtay in dadka ka shaqeeya gudaha boqortooyada ay ku guul daraysteen inay ka difaacaan waxyaalo been ah uu suuqa loo mariyay.
The Duke & Duchess Of Sussex with their son Archie in September 2019.
Meghan Markle says the Royal Family were 'worried' about the colour of her son Archie's skin. Source: WireImage
"Markaan is guursanay ayay wax walba ka sii dareen, aniga in la difaaco iska dhaafe waxay bilaabeen inay been sheegaan si ay u difaacaan xubnaha kale ee qoyska," ayay tiri Meghan.

Meghan ayaa dafirtay warar jaraa'idadu qoreen oo sheegayay inay ka oohisay Kate oo ah gabdha uu qabo prince William iyadoo sheegtay in iyada lafteeda laga oohiyay.

Meghan ayaa u sheegtay Ms Winfrey inay aroos keeda ka hor aysan wax badan la socon oo ay miskiin iska ahayd oo aysan fahan sanayn qoyskan ay ka guursanayso.

"Waxaan oran karaa si aqoon la'aan ah ayaa ku gulay reer boqorka," ayay tiri.

Waxay kaloo ku shaacisay waraysiga in ilmaha ay hadda uurkiisa leedahay uu yahay gabar.

"Waa gabar" ayuu yiri  Prince Harry, oo 36 jir ah markuu ku soo biiray waraysiga xaskiisa.

15 Febaraayo, Meghan iyo Harry ayaa ku dhawaaqay in qoyskooda ilmo kale ku soo biirayaan.

Harry iyo Meghan ayaa ku dhawaaqay Janaayo 2020 inay ka fariisanayaan howlaha boqortooyada. 

Buckingham Palace oo ah qasriga looga taliyo boqortooyada ayaa dhankooda ku dhawaaqay inay lamaanahan ay isaga baxeen boqortooyada.

Meghan ayaa sheegtay inaan lacag lagu siin waraysigan.

Readers seeking support can contact Lifeline crisis support on 13 11 14, Suicide Call Back Service on 1300 659 467 and Kids Helpline on 1800 55 1800 (for young people aged 5 to 25). More information is available at Beyond  and 


Share
Published 8 March 2021 4:29pm
Updated 8 March 2021 4:33pm
Source: AAP, SBS


Share this with family and friends