Falanqaynta cayaaraha World Cup maalinta 2aad: England oo ku tumatay Iran

Catch up on all the matches and teams from Day 2: Senegal v Netherlands, England v Iran, and USA v Wales – watch replays, see statistics, squad info and more on SBS Sport.

Untitled design (15).png

L-R: England's Bukayo Saka, Cody Gakpo of the Netherlands and Wales' Gareth Bales celebrate goals at the FIFA World Cup.

Match 2

Senegal v Netherlands

Labo gool oo ay dhalisay qaybtii danbe ee cayaarta ayay Holland uga adkaatay Senegal oo uu ka maqan yahay cayaartow Sadio Mane.

Cayaartan oo qaybteedii hore ay xiiso badnayd ayaan labada kooxood midkoodna gool dhalin iyadoo Senegal ay fursado badani soo mareen laakiin ay marka ay gool u dhawaadaan qasaarinayeen fursadahaas.

Cheikhou Kouyaté oo dhexda uga cayaara Senegal ayaa dhaawac soo gaaray awgiis garoonka isagoo la sido laga qaaday. Taas oo dhalisay in cayaarta la joojiyo in waqti ah.
Watch replays • SBS On Demand

Senegal V Netherlands (Group A)


Match 3

England v Iran

England ayaa ololeheeda cayaaraha aduunka si fiican ku bilowday Talaadadii marka garaacday Iran oo ay 6 iyo 2 kaga adkaatay cayaar ka dhacday garoonka wayn Khalifa International Stadium.

Kooxda England oo uu hogaaminayo Gareth Southgate ayaa 6 cayaarood ka hor cayaaraha aduunka laga adkaaday laakiin 3 iyo eber ayay qaybtii hore ee cayaarta ku dhufteen Iran markii ay goolashaas u dhaliyeen Jude Bellingham, Bukayo Saka iyo Raheem Sterling.

Saka slalomed, Mehdi Taremi iyo Grealish ayaa 3 gool oo kale u dhaliyay England qaybtii labaad ee cayaarta. Waxay cayaarta danbe la kulmayaan USA.
Watch replays • SBS On Demand

England V Iran (Group B)


Match 4

USA v Wales

Rigoore mar danbe la dhigay oo uu dhaliyay Gareth Bale ayay Wales ku bareejaysay USA cayaartii u horaysay Group B.

Qaybtii hore ee cayaarta ayaa aad u kululayd iyadoo labada kooxoodba ay heleen fursado laakiin Timothy Weah ayaa USA u dhaliyay goolkii ugu horeeyay cayaarta.

Wales ayaase cadaadis culus saartay USA iyada oo gool haye Matt Turner uu badbaadiyay gool kadib markii Ben Davies uu isku dayay inuu teesto kaga dhaliyo goolka. Hase yeeshee markii Walker Zimmerman uu goobta rigoorada laga dhigo dhexdeeda ku jabiyay Gareth bale ayaa rigooro loo dhigay waxaana u dhaliyay isla Gareth bale sidaasna ku bareejeeyay USA.




Share
Published 22 November 2022 12:57pm
By SBS Sport
Source: SBS


Share this with family and friends