Create your to stream all 64 matches of the FIFA World Cup 2022ᵀᴹ live and free any time on your favourite device.
Markii rashku ka qarxay garoonka, 80 kun oo qofna hal mar qayliyeen, Lionel Messi wuu dhoola cadeeyay.
Funaanadiisa kooxda Argentine ayaa waxaa qariyay qamiis uu u galiyay Amiirka Qatar, waa maro ay gashadaan oo kaliya saraakiisha sarsare, shuyuukhdu. Messi oo dhoolacadaynaya ay hakaday kadibna kor u qaaday Koobka Kubada Cagta Aduunka, sidaasna waxaa ku rumoobay riyo uu noloshiisha oo dhan hamiyayay.
Inkasta oo uu helay bilado, shahaadooyin, abaalmarino, lacag, koob iyo magac waxa kaliya ee ka maqnaa liiska taariiqdiisa kubada wuxuu koobka aduunka, taasna maanta ayuu ku daray taariiqda habeenkan oo ahaa mid mucjiso cayaaraha aduunka iyo Argentine.
"Waa wax ilmo kasta ku riyoodaan," ayuu yiri Messi. "Nasiib ayaan u yeeshay inaan gaaray wax kasta oo aan ka doonayay taariiqda kubada cagta..tan ayaana iga maqnayd."
Argentina ayaa 2-0 ku hogaaminaysay France laakiin 10 daqiiqo ee u danbeeyay ayaa la bareejeeyay, wuxuuse markale gool ku hormariyay kooxdiisa markii waqti dheeraad ah lagu daray, wuxuuna sidoo kale dhaliyay goolkii koowaad ee Argentine markii gool ku laad ayay cayaartii noqotay.
Tobanaan kun oo Argentiniyiin ahaa oo buuxiyay garoonka febrile stadium ayaa boodboodayay, hab isa siinayay qaarkoodna ilmadu ka daadanaysay.
8 sano ka hor cayaartii u danbaysay ee Cayaarihii Aduunka ee lagu qabtay Rio de Janeiro, Messi wuu aamusnaa, mana soo bandhigin cayaar cajiib ah, waxaana ka guulaystay Germany.
Guushan ayaa soo afjaraysa taariiqda kubada cagta ee Messi oo loogu codeeyay inuu yahay cayaartoyga ugu fiican aduunka 7 jeer.
Wuxuu ku guulaystay Copa America, 11 koob kooxeed, afar koob oo Champions League. Haddana wuxuu helay koobkii ugu waynaa oo ah kan aduunka.