Key Points
- Millions of households will get help with their electricity costs in this year's federal budget, Treasurer Jim Chalmers confirmed.
- An increase in Jobseeker unemployment payment could be on the cards.
- The government plans to pay for the new spending by collecting extra revenue from oil and gas companies.
Malaayiin qof oo Australian ah ayaa loo balanqaaday in laga caawiyo qiimaha korontada ee sii kordhaya tan oo qayb ka ah qorshayaal dadka looga caawinaya maciishada oo lagu darayao miisaaniyada federalka ee Tallaadada la soo bandhigayo..
Qasnajiga Federalka Jim Chalmers ayaa SBA News u xaqiijiyay in 5.5 milyan oo guri iyo milyan ganacsiyo yar yar laga caawin doono qiimaha korontada.
Imisa ayaa qarasha koronatda iyo gaaska lagaa bixinayaa?
Waxaa jiray hadalo aan la hubin oo sheegayay inay gaari karto illaa $500, laakiin Mr Chalmers ayaan xaqiijin cadadda saxda ah oo uusaan ka hor dhacayn miisaaniyadda.
Wuxuu sheegay inay boqolaal doolar noqonayso ayna dadka ku kala duwanaanayaan iyada oo ku xiran hadba gobolka aad ku nooshahay.
Wuxuu intaa ku daray inay ku xirnaandoonto hadba sida dawlada gobolku uga qayb gasho ama inta ay ku biiriso.
“Waxay noqondoontaa boqolaal doolar oo lagu caawinayo dadka si culayska looga qaado qiimaha badan ee koronatada," ayuu yiri Qasnaji Chalmers.
“Qaybaha kala duwan ee dalku way ku kala duwanaanayaan iyada oo ku xiran hadba caadiska tamareed ee haysta iyo inta ay maamulada goboladu diyaar u yihiin inay ku biiriyaan."
Yaa ka faa'iidaya caawimaada korontada?
Ma jiraan faahfaahimo badan ee ku saabsan cida ka faa''iidaysa\, laakiin Qasnajiga ayaa farta ku fiiqay dadka howlgabka qaata iyo ganacsatada yar yar ee cadaadiska gaarka ahi haysto.
Mar lagu cadaadiyay inuu faahfaahin bixiyo Mr Chalmers ayaa yiri " dadku waa inay la socdaan oo daawadaan miisaaniyada Tallaadada" markaas oo miisaaniyada la sii daynayo.
Intii ololaha doorashadu socday Laborka ayaa balanqaaday in marka la gaaro 2025 dadka ay u baaqan doonaan $275 qarashka koronatada sanadkiiba.
Laakiin tani waa in laga caawinayo qarasha korontada ee ma ah in la dhimayo qiimihii koronatda.
Waa maxay caawimaadda dadka qaata lacagaha shaqo la'aanta?
Waxaa soo baxayay warar ka isla dhexmarayo oo sheegayay inay dhici karto in la kordhiyo lacagta la siiyo dadka shaqo doonka ah ee da'doodu ka wayn tahay 55 sano, laakiin lama xaqiijin.
Dawlada ayaa sidoo kale lagu cadaadinayay inay dadka ka caawiso kirada iyo caawimooyin kale oo dadka lagaga caawiyo qarashaadka.
Marka xagee laga keenayaa lacagahan?
Qasnada dawlada ayay u badan tahay inay lacag dheeraad ah ka hesho isbadalka lagu sameeyay canshuuraha laga qaado shirkadaha macdanta oo keenaysa in lacago dheeraad ah laga qaado shirkadaha gaaska iyo batroolka.
Hindisaha dawlada ayaa ku qasbaysa mashaariicda gaaska badda laga soo saaro inay canshuur dheeraad ah bixiyaan, taasoo dawlada soo galinaysa $2.4 bilyan oo miisaaniyada gasha 4 sano ee soo socda.
“Waxaan badalaynaa canshuuraha laga qaado mashaariicda gaaska badda laga soo saaro," ayuu yir Mr Chalmers.
Daqligu ma ka badanayaa qarasha dawlada (surplus) ?
Waxaa inta badan la isku raacsan yahay inay dhici karto, siyaasad ahaan haddii uu daqligu bato oo miisaanadu noqoto mid surplus ah, taasi waxay ka difaacaysaa dawlada weerarada mucaaradka oo ku dhaliila in Laborku uusan lahayn xirfada maaraynta dhaqaalaha dalka.
Laakiin iyada oo cadaadiska bulshadu sii kordhayso, kooxaha ku doodayaa in dadka gargaar dheraad ah la siiyo ayaa ku doodaya in shacabka guud aysan u cuntamayn in dawladu lacagaha dheeraadka ah bangiga dhigato iyadoo dadka cadaadis dhaqaale haysto.
Caawa oo Tallaada ah ayaa la sugayaa faahfaahinta miisaaniyadda.