How to vote at the 2023 NSW election

Cod bixiyayaasha NSW ayaa goobaha cod bixinta u dareeraya maalinta Sabtida, 25 Maarso, si ay u doortaan xildhibaanada Baarlamaanka soo socda. Inaad codayso waa ku qasab qofkasta oo u diiwaangashan doorashada.

ELECTION22 REID

More than 5.4 million people are eligible to vote in NSW. Source: AAP / DEAN LEWINS/AAPIMAGE

Key Points
  • In NSW, those who are eligible to vote, must enrol and vote in all federal and state elections, as well as local government elections.
  • Aside from English, the NSW Electoral Commission provides information about elections in more than 20 languages.
  • The online voting system iVote will not be utilised this election.
Dawlada Isbahaysiga ee uu hogaamiyo premier Dominic Perrottet ayaa doonaysa inay mudo xileedkii 4 aad oo isku xiga ku guulaysato xafiiska.

Mucaaradka ugu ee Mr Perrottet kula tartamaya xilka sare waa hogaamiyaha xisbiga Laborka Chris Minns, oo u tartamaya xilkan markii ugu horaysay kadib markuu hogaanka xisbiga qabtay bishii June 2021.

Baarlamaanka NSW ayaa isticmaala nidaamka labada aqal oo kala ah aqalka hoose (Legislative Aseembly) iyo aqalka sare (Legislative Council).

Doorashada gobolka ayay cod bixiyayaasha degan 93 deegaan doorasho ay dooranayaan xildhibaanada u matalaya aqalka hoose.

Aqalka sare ayaa ka koobana 42 xubnood, doorasha kastana waa la doortaa 21 xubnood oo xilka haya labo mudo xileed oo ah ugu badnaan 8 sano.

Haddii daruufo awgood uu qofku goobta cod bixinta tagi waayo, waxay xaq u leeyihiin inay cod sadaan inay boostada ku diraan codkooda.

Codsiga inaad ku codayso boostada waa in uu gaaro gudiga doorashada NSW ka hor 5 galabnimo 20 Maarso.

Waraaqda codbixinta oo la buuxiyay iyo shahaadada codbixnta boostada waa inuu gudiga doorashadu helo ka hor 6pm 6 bisha Abriil.
NSW LABOR POLICE KEY ELECTION ASKS
Chris Minns took on the NSW Labor leadership in June 2021. Source: AAP / BIANCA DE MARCHI/AAPIMAGE
Nidaamka codaynta online-ka ee iVote, looma isticmaalayo doorashadan.

Codaynta maalinta doorashada – 25 Maarso

In ka badan 2450 goobood codayn ayaa laga furayaa kaniisadaha, iskuulada, xarumaha bulshada iyo goobo kale oo gobolka oo dhan ah.

Goobaha codbixinta ayaa furmaya 8 subaxnimo maalinta doorashada, waxayna furnaanayaan illaa 6pm.

Faahfaahinta goobaha lagu codaynayo waxaa laga heli karaa .

Marka aad gasho goobta codaynta, shaqaalaha ayaa cod bixiyaha waydiinaya magiciisa, cinwaanka uu degan yahay, goob codayntiisa iyo inuu qofku hore uga codeeyay doorashadan.

Markii xogta ama macluumaadka qofka la xaqiijiyo, waxaa la siinayaa waraaqaha codaynta.

Haddii shaqaaluhu cod bixiyaha magiciisa laga waayo diiwaanka, waxaa laga buuxinayaa warqad uu saxiixayo oo lagu hubinayo inuu yahay qofka uu sheeganayo.
NSW Premier Dominic Perrottet
NSW Premier Dominic Perrottet. Source: AAP / Bianca De Marchi

Codayntu waa qasab

Gobolka NSW, codbixiyayaasha xaqa u leh ee diiwaan gashan waxaa laga doonayaa inay ka codeeyaan doorashooyinka gobolka, federalka iyo golaha deegaanada.

Cidii samaynwaydana waxay mutaysanayaan

Sida loo codeeyo marka qof yahay hoy la'aan, naafo, gobol kale ama dibadda ku sugan yahay

Haddii shaqsiyaadka daruufahaas ku jira ay codayn kari waayaan, lama ganaaxayo.

Haddii cod-bixiyayaasha naafada ah ay gargaar u baahan yihiin, waxay soo kaxaysan karaan saaxiib ama qof qaraabo ah oo ka caawiya inuu codka dhiibto ama waxay caawimaad waydiisan karaan shaqaalaha doorashada.

Haddii ay kugu adkaato inaad qof ahaan goobta codaynta tagto, waxaad dalan kartaa inaad hore u sii codayso ama aad boostada ku codayso ama telefoon ku codayso.

Haddii cod-bixiyuhu gobol kale joogo, hore ayuu u codayn karaa ama boostada ayay ku codayn kartaa.

Cod-bixiyayaasha ka diiwaan gashan NSW laakiin fasax ku maqan ama dalka dibadiisa ku nool xiliga doorashada waxaa looga baahan yahay inay boostada ku codeeyaan.

Macluumaad luqado badan ku qoran

Gudiga Doorashada NSW waxay bixisaa macluumaad ku saabsan sida la isu diiwaan galiyo iyo sida loo codeeyo iyo macluumaadka musharixiinta oo ku qoran

Waxaa goobta doorashada jooga shaqaale luqado kale ku hadla oo wata calaamado muujinaya luqada kale ee ay ku hadlaan.

Gudiga doorashada ayaa sidoo kale bixiya turjumaad telefoon oo bilaash ah ee luqadaha aan liiska ku jirin.

Shaqaalaha doorashadu waxay kugu xiri karaan TIS oo ah hay'adda turjumaada haddii aad u baahan tahay taageero luqadeed.

Si wax looga qabto qatarta macluumaad been abuur ah ee bulshada lagu dhex wado, Gudiga Doorashada NSW ayaa wada been abuurka oo lagula socdo loona beeniyo wararka beenta a ee ku saabsan nidaamka doorashada.

Find out more about how to vote at or call 1300 135 736.

Share
Published 13 March 2023 2:09pm
By Nikki Alfonso-Gregorio
Source: SBS


Share this with family and friends