Koobka Adduunka ee FIFA 2022 ᵀᴹ wuxuu ka bilaabmi doonaa dalka Qatar maalinta Isniinta November 21, 2022. SBS waxay noqon doontaa tabin bilaashka oo SBS Australia oo dhan gaarsiindoonto.
Dhamaan 64 cayaarood si toos ah oo bilaash ah ayaad u dhagaysan kartaa.
- DAB Digital radio
- Online at
- The SBS Radio mobile app for |
Sida loo dhagaysto
Kala soco FIFA World Cup 2022™ Idaacadaha sida gaarka looga soo daynayo SBS Football 1, 2 and 3 DAB radio, , ama SBS Radio mobile app, oo bilaash ah si aad ugu dhagaysato cayaar kasta si toos oo ku baxaya 12 luqadood.
- SBS Football 1 (la heli karo hadda): cayaar kasta si toos ah lagu falanqaynayo af-ingiriis inta tartanku socdo, waqtiyada kalana waxaa ka baxa muusig World Cup quseeya.
- SBS Football 2 and 3 (bilaabanaya Nofember 14): Si toos ah lagu falanqaynayo haddba luqada kooxaha cayaaraya.
- SBS Arabic24: si toos ah loogu falanqaynayo cayaar kasta Af-carabi.
Falanqaynta waxaa bixinaya warbaahinta heshiiska la leh FIFA World Cup™ ee aduunka oo dhan waxaana laga soo daynayaa SBS iyagoo ku baxaya afafka Arabic, Spanish, Portuguese, French, German, Dutch, Croatian, Polish, Japanese, Korean, Persian, iyo English.
Inta tartanku socdo SBS Radio 3 wuxuu noqonayaa SBS Football 2 - oo cayaar walba lagu falanqaynayo luqad aan English ahayn. Si aad u sii wado inaad sii dhagaysato barnaamujyada BBC World Service, inta cayaaruhu socdaan booqo si aad toos ugala socoto website-ka.
Qiirada heesaha kubada cagta
Waqtiyada aysan cayaaruhu tooska u socon, kala soco heeso kubada cagta ka hadlaya oo aan kala go'ayn oo ay ku jiraan heesihii rasmiga ahaa ee tartamadii hore iyo qaar ka mid ah heesihii kooxaha dalalka ee ugu fiicnaa iyo kuwii ugu xumaa. Hore u sii bilow dareenkaaga World Cup oo si toos ah uga dhagayso SBS Football hadda, DAB radio ama .
FIFA World Cup 2022ᵀᴹ dates and times
Jadwalka idaacada falanqaynta luqadaha kale ku baxaya waxaa la cusboonaysiindoonaa marka bilowga tartanku soo dhawaado.
- Group Stage: November 21 - December 3
- Round of 16: December 4 - 7
- Quarter-Finals: December 10 - 11
- Semi-Finals: December 14 - 15
- 3rd vs 4th playoff: December 18
- World Cup Final: December 19
Warbaahinaha luqadaha ku baxaya ee SBS xiriirka la leedahay waxaa ka mid ah: BBC, Radio Nacional de España, Radio France Internationale, BAND, beIN, RTP, ARD, SRF, RNE, Radio Oriental Montevideo, HRT, RFI, NHK, NOS, VRT, Polskie Radio, Seoul Broadcasting System.