waxay caddaysaa shacabka mudnaanta leh, iyo goobaha waddanka ee ay ka heli karaan tallaallka. Shaqaalaha safka hore, shaqaalaha karantiilka iyo xuduudaha, iyo dadka deggan goobaha daryeelka dadka da'da weyn iyo dadka naafada ah iyo shaqaalohooduba waa dadka leh mudnaanta hore ee tallaalka.
Si aad u ogaato inaad heli karto tallaalka COVID-19 iyo in kale iyo meesha aad ka carbuunan karto booqo
Haddii aad tahay 40 jir ama ka weyn, xaq baad u leedahay tallaalka. Dadka qaarkood da'doodu u dhexeyso 16 jir illaa 39 jir, ayaa iyugna xaq uu yeelan kara tallaalka.
Haddii aadan weli xaq u lahayn, da'daaduna tahay 18 jir ama ka sare, waxaad codsan kartaa in lagusoo ogaysiiyo xilliga aad xaq u yeelato.
Dadka da'doodu ka yartahay 16 jir, weli xaq uma laha tallaalka Australia gudeheeda.
Waxaad kaloo tallaalka ka carbuunan kartaa dhakhtarkaaga xaafadda, macluumaad luqaddaada ku qoran oo tallaalka ku saabsanna waxaad ka heli kartaa:
Waa kuwee tallaallada dadka lagula talinayaa?
Guddiga la yidhaahdo 'The Australian Technical Advisory Group on Immunisation' [ATAGI], waxay ku talinayaan in nooca tallaalka Comirnaty (Pfizer) loo dooro dadka da'doodu u dhexayso 16 jir illaa 59 jir.
Sidoo kale, nooca tallaalka AstraZeneca ee COVID-19, waxaa la siin karaa dadka da'doodu tahay 18 jir illaa 59 jir.

Barnaamija tallaalada Coronavirus ee Australia Australian Department of Health Source: SBS

Dadweynaha Australia ee mudan hore u leh tallaalka Coronavirus Australian Department of Health Source: SBS
Xogta tallaalkaaga waxaa lagu kaydinayaa diiwaan dadweyne.
Dowladdu waxay qayb ka mid ah macluumaadkooda dadka ku kaydisaa diiwaan dadweyne, si loo kala ogaado qofka tallaalka qaatay iyo qofkii kale. Waa waajib saaran adeeg-bixiyeyaasha barnaamijka tallaalku, inay diiwaanka dadweynaha geliyaan duritaan kasta oo la sameeyo.
Macluumaadka in qofku tallaal qaatay iyo in kale, waxaa la filayaa in laga heli doono My Health Record, Medicare (Immunisation Hisory Statement) ama shahaado lagu qoray waqtiga durritaanka iyo weliba iyadoo nuqul kale emailka lagusoo dirayo.
Heerka waxtarka tallaalka wuu kala duwaanaan doonaa
Jidhka labo toddobaad bay ku qaadataa inuu samaysto antibodies si uu isaga difaaco fayrasta, laakiin difaac, macneheedu ma aha difaacid waarta. Dr Kylie Quinn oo ka tirsan RMIT, kuna takhasustay difaaca cudurrada ayaa SBS u sharraxday heerarka kala duwan ee waxtarka tallaalka:
Heerka 1aad - Ka hortagaa caabuqa oo dhan
Heerka 2aad - Kama hortago caabuqa, laakiin wuxuu joojiyaa in caabuqu gaadho heer jirro
Heerka 3aad - Kama hortegi karo cudurka, laakiin cudurku uma gudbo inuu noqdo mid aad u daran.
Tallaallada COVID-19 oo dhammi waa bilaash
Tallaalladu waa u bilaasha waddaniyiinta Australia oo dhan, dadka si abada' ah u deggan, iyo kuwa fiisaha ku jooga. Waxaa kale oo tallaalka COVID-19 xaq u leh, qof kasta oo kale oo ah: Arday, shaqaale xirfadle ah, qoys, lammaane, qaxoonti, magan-gelyo doon, qofkii ku jooga fiise ku-meel-gaadh ah, qofkii ku jooga arrimo bani'aadninimo, qofka gobollo hoosaadka deggan iyo qof ku jooga fiisaha bridging-ka ama Special Visa.
Waxaa kale oo xaq u leh, shakhsiyaadka ku jira xeryaha tarxiil-sugayaasha oo ay ku jiraan kuwa fiiseyaashoodii la joojiey.
Coronavirus ee SBS, oo luqaddaada ku dhigan
- Department of Health - COVID-19 Macluumaadka tallaalka .
- Department of Home Affairs - COVID-19 Macluumaad .
- Dadka reer Australia waa inay isu jirsadaan fogaan ah 1.5 meter
- Haddii aad isku aragto calaamadaha hargebka ama qabowga, guriga joog diyaarso baadhitaan.
- Min-fadlak, la soco hagayaasha ku khuseeya ee gobolka aad joogto: , , , , , , .