Key Points
- Labor has won at least 49 seats - enough to govern in its own right.
- Premier Daniel Andrews says the results show "hope always defeats hate".
- He vowed to deliver a "positive plan" of free kinder, more hospitals and expanded free TAFE courses.
Premier Daniel Andrews ayaa ku tilmaamay guushii waynayd ee ay ka gaareen doorashadii Victoria mid rajo ay ka adkaatay nacayb isagoo hadda qarka u saaran inuu taariiqda galohas hailed Labor's convincing Victorian election win as a triumph of hope over hate as h.
Waxaa Premierka lagu salaamay hooyadiis iyo walaashiis oo hab siiyay iyo taageerayaal ku dhawaaqayay hal ku dhagyo ay ka mid yihiin "4 sano oo kale" iyadoo Laborku helay aqlabiy aqalka hoose ee baarlamaanka.
Laborka ayaa lagu wadaa inuu ugu yaraan ku guulaysto 49 kuraasta aqalka hoose taas oo ka saraysa 45 kuraas ee laga doonayo inay dawlad ku soo dhisaan halka isbahaysigu helay 24 kuraas iydoo Greenku helay ugu yaraan 4 kursi.
11 kuraas ayaan wali dhinac u dhicin oo la tirinayaa codadkii iyadoo 7 ka mid ah uu Laborku ku horeeyo.
Dawlad u ah qofkasta oo reer Victoria ah
Mr Andrews ayaa balanqaaday inuu u sinaanayo dhamaan shacabka reer Victoria oo ay ku jiraan kuwii aan u codayn isagoo ku tilmaamay guushiisa 'rajadii oo ka adkaatay nacaybkii".
Wuxuu habeenkii doorashada u sheegay taageerayaashiisa in in doorashadii Victoria uu ahaa mid si cad loogu codeeyay dawlada adag, xasiloon, aqlabiyad ah oo Labor ah.
"Paul Keating oo RW sumcad wayn ku leh Laborka ayaa waa igu yiri, 'wiilkaygow, 'Hogaanku ma ah inaad samayso waxa la jecel yahay, ee hogaamiyenimadu waa inaad samayso waxa saxda ah' ayaa yiri Mr Andrews.
Mr Andrews ayaa dib u eegay caqabadihii adkaa ee gobolku ka soo maray faafkii COVID-19 ka.

Labor party supporters cheer after the ABC projected a Labour party win on 26 November 2022 in Melbourne, Australia. Source: Getty / Asanka Ratnayake

Voters at St Anthony's Catholic Church voting centre in Melbourne are among two million who cast their ballots on election day. Source: AAP / James Ross
'
Kadib guul daradii Sabtida ayuu Mr Guy qoraal ka soo baxay wuxuu ku xaqiijiyay inuusan sii noqon doonin hogaamiyaha xisbiga.
"Sida ugu dhaqsaha badan markii ay soo baxaan xildhibaanada xisbiga Liberalku waxaan isugu yeeridoonaa si ay u doortaan hogaan cusub," ayuu yiri subixii Axada.
"aniguna isuma sharaxayo hogaanka xisbiga."
Mr Guy ayaa iska casilay xilka hogaamiyaha mucaaradka markii si xun looga adkaaday doorashadii 2018 laakiin waxaa xilkaas dib loogu doortay sebtember 2021.

Victorian Opposition Leader Matthew Guy at the Liberal Party reception in Melbourne on Saturday, 26 November 2022. Source: AAP / JOEL CARRETT
Ra'iisul Wasaare Anthony Albanese ayaa u hambalyeeyay guusha Laborka mar uu fariin ku qoray bartiisa Twitterka.
"What a great win," ayuu ku qoray isagoo raaciyay sawirkiisa iyo kan Mr Andrews oo ku sugan meel hilibka lagu shiilo (barbeque).
Laborka ayaa haystay 49 kuraas markii habeenkii doorashada la hakiyay cod tirintii.
Waxaana la saadaalinayaa inay ku guulaystaan kursiga Glen Waverley ee bariga Melbourne kaas oo u gudaya Nepean oo Liberalku ka qaaday iyo Richmond oo Greenku ka qaaday.
Inkasta oo habeenkii doorashada laga horeeyay Kat Theophanous oo ah xildhibaanad Labor ah ayaa 865 cod ku hogaaminaysan musharaxa Greenka Campbell Gome kursiga Northcote iyadoo 70% codadka la tiriyay.
Premierada Queensland Annastacia Palaszczuk ayaa sidoo kale barteeda twitterka ugu hambalyaysay guusha Laborka.
Hogaamiyaha Greenka Adam Bandt ayaa sheegay in xisbigaa Victoria oo qarka u saaran yahay guushii ugu waynayd ee uu ka gaaro doorasho gobol.