Dadka deggan magaalo waynta Sydney oo lagu amray inay xirtaan afduub markay ay ku jiraan meel xiran

Dadka deggan magaalo waynta Sydney (oo ay ku jiraan dadka deggan Wollongong, Central Coast iyo Blue Mountains) waxaa hadda lagu amray inay xirtaan afduub marka ay ku jiraan goob xiran (indoors) sida: Dukaamada waaweyn, xarumaha dukaamaysiga, tiyaarada, gaadiidka dadweynaha, goobaha la isku qurxiyo, timajaraha, goobaha wax lagu caabudo iyo meelaha leh kombuterada lagu cayaaro.

Father helps daughter with mask -  Getty Images - Morsa

Source: Getty Images - Morsa

Laga bilaabo Isniinta 4 Jnaayo, qofkii aan xiran afduubka (mask) waxaa lagu ganaaxayaa $200. Inkastoo caruurta ka yar 12 sano aysan ku qasbanayn, haddana waxay maamulayaasha NSW ku boorinayaan dadka oo dhan inay xirtaan hadday suuro gal tahay.

Dhamaan shaqaalaha meheradaha martisoorka (maqaayadaha, baararka, hoteelada) iyo kasiinooyinka waxaa laga doonayaa inay xirtaan afduubka.

Goobaha diimaha, aroosyada iyo aaska waxaa lagu xadiiday dadka ka qayb galaya 100 qof ayna raacaan sharciga hal qof 4 mitir oo isku wareeg ahba. Kalaabyada lagu tunto (night Clubs) gabi ahaanba waa la mamnuucay. Casharada jimicsiga dadka ka qaybgalaya waa ka yareeyay oo hadda waa 30 qof iyadoo hore u ahayd 50.

Xafladaha lagu qabto meel furan ama dibadda iyo mudaharaadyada waxaa ka qaybgali kara ugu badnaan 500 oo qof. Goobaha lagu qabto xaflado dadku fariisanayaan oo tigidho la gooyo, dibana ah waxaa isugu imaan karaa ilaa 2000 oo qof.

Fadlan kala soco isbadaladii u danbeeyay ee gobolka aad deggan tahay:

Australia, dadku waa inay isu jirsadaan ugu yaraan mirit iyo bar. 

Haddii aad isku aragto calaamadaha hargabka ama qabowga, gurigaaga joog, wac dhaqtar oo balan la samyso in lagaa baaro xanuunka ama la xariir lambarka macluumaadka coronavirus oo ah 1800 020 080.
Wararka oo 63 luqadood ah waxaad ka heli kartaa 


Share
Published 4 January 2021 3:54pm
Updated 4 January 2021 3:58pm
By SBS Radio
Source: SBS


Share this with family and friends