Iyadoo maalmo kaliya ka hartay Christmas-ka, madaxda gobolada ayaa si degdeg ah xanibaado socdaal ku soo rogay dadka ka imanaya xeebaha woqooyi ee Sydney iyo Magaalo waynta Sydney, halkaas oo coronavirus oo ka dilaacay uu ka sii darayo.
Sabtidii ayay Premierada ku dhawaaqday in xaafadaha ku yaal xeebaha woqooyi ee Sydney bandow lagu soo rogay 5 galabnimo Sabtida ilaa habeenka Arbacada ah.
"Taas ayaa macneheedu yahay inay xaafadahaasi dib ugu noqonayaan xanibaado la mid ah kuwii la saaray bishii Maarso ee la soo dhaafay," ayay tiri.
Tirada kaysaska oo si lama filaan ah ayaa dhalisay in sharuucdan cusub lagu soo rogo reer Sydney iyo dadka deggan NSW oo rajaynayay inay gobolada kale fasax ku tagaan.
Waa kuwaan macluumaadka aad u baahan tahay inaad ogaato.
Victoria
Dadka deggan Magaalo waynta Sydney oo ay ku jiraan Central Coast iyo the Blue Mountains, ayaa laga mamnuucay inay u soo safraan Victoria iyadoo Premier Daniel Andrews uu ku dhawaaqa in gobolka oo dhan uu yahay "Aag qatar ah"
Dadka reer Victoria ee soo laabanaya ayaa la siiyay ilaa habeen barka Isniinta inay ku soo noqdaan, markaas oo ay guriga isku karantiilayaan 14 maalmood.
Dadkii soo gala markaas kadibna waxay galayaan karantiil hoteel.
Mr Andrews ayaa sheegay in go'aankan muhiimka ah uu ahaa mid adag laakiin uu yahay kan ugu haboon.

Source: AAP
Wuxuuna sheegay in xadku uu xirnaan doono ilaa intii loo baahdo oo aan la qaadi dooni marka xanibaadaha saaran xeebaha woqooyi la qaado habeenka Arbacada.
Nidaamka la mid ah kan gawaarida lagu kala hago ee loo yaqaan trafic lights, ayaa qaybaha kale ee NSW ee ka baxsan magaalo waynta Sydney la galiyay 'green zone' oo macneheedy yahay inay soo gali karaan Victoria laakiin dadkaas dhamaantood waa inay codsi ogolaan soo buuxiyaan si ay u soo galaan Victoria.
Dadka hore u joogay Victoria oo soo maray ama ka yimid xeebaha woqooyi ee Sydney 11 Disember ama wixii ka danbeeyay waa inay iskarantiilaan ayna iska baaraan xanuunka.
Queensland
Maamulayaasha caafimaadka Queensland ayaa iyaguna ku dhawaaqay in gobolku xadkiisa ka xirayo dadka deggan magaalo waynta Sydney kadib markay ku tilmaameen meel xanuunku ka dilaacay.
Premierada Queensland Annastacia Palaszczuk ayaa sheegtay in galabtii Isniinta la qabtay dad isku dayay inay Queensland soo galaan iyagoo aan iskarantiilin sidaas awgeed xadka NSW la xirayo laga bilaabo 6 subaxnimo Talaadada.
"Haddii ka timid magaalo waynta Sydney, hadda lama joogo waqtigaad u soo safri lahayd Queensland," ayay tiri Ms Palaszczuk Axadii.
Dadka reer Queensland ee ku sugan caasimada NSW ayaa loo qabtay ilaa 1 subaxnimo Talaadada inay ku soo laabtaan, ayna iska baaraan COVID-19 isna karantiilaan markay soo noqdaan.

Queensland Premier Annastacia Palaszczuk speaks during a press conference in Brisbane, Sunday, 20 December, 2020. Source: AAP
ACT
ACT ayaa ka doonaysa dadka ka soo safraya Sydney, Central Coast iyo Blue Mountains aya 14 maalmood iskratiilaan.
"Haddii aaddan ahayn reer ACT oo aad goobahaas soo martay, fariintayadu waa mid cad... ha imaan ACT," ayay u sheegtay warbaahinta madaxa caafimaadka Kerryn Coleman Axadii.
Qofkasta oo la deggan qofka soo safray waa inuu iskarantiilaa.
Maamulayaasha ACT ayaan aqbalayn ogolaansho gaar ah oo la siiyo dadka aan deganayn ACT ee ka imanayaa goobaha la mamnuucay haddii aysan jirin daruufo adag ayay tiri Dr Coleman.
"Waa faham sanahay in go'aankan uu dhibaato ku yahay dad badan laakiin ma aha go'aan aan si sahlan isaga qaadanay."
"Inkastoo xanibaadaha aynaa sii wadayn haddii loo baahnayn, waxaa doonaynaa in bulshadu u diyaar garowdo inay sii socon karaan Chrismas-ka oo sii dhaafi karno oo socon karaan sanadka cusub."
Talooyinkii hore ee Wasaarada Caafimaadka ACT ayaa sheegtay in xanibaadaha ay ku jiraan dadka deggan Shoalhaven NSW laakiin maamulayaasha ayaa mar danbe sheegay inuusan gobolkaasi ku jirin xanibaadaha.
Western Australia
Premier-ka WA Mark McGowan ayaa ku dhawaaqay in WA dib u soo celinayso xadkii ka xirnaa dhamaan shacabka NSW maadaama uu xanuunka ka dilaacay Xeebaha Woqooyi ee Sydney.
Sabtidii ayuu gobolku heerkii 'qatar yar' oo NSW ay ku jirtay kor loo qaaday oo la gaarsiiyay 'qatar dhexe' taas oo macneheedu yahay inay dib u soo celinayso xanibaadihii adkaa ee bilowgii sanadka.
Dadka kaliya ee NSW ka soo duulaya wixii ka danbeeya 20 Disember waa dadka haysta ogolaansho gaar ah.
Mr McGowan ayaa sheegay in go'aankan uu ahaa mid adag marka la eego waqtiga lagu jiro oo ah xiliga fasaxyada.
"Waa fahmi karaa in go'aankan uu dhibaato wayn ku yahay dadka doonayay inay waqti la qaataan qoyskooda iyo qaraabadooda ciida Chrismas-ka," ayuu yiri.
The Northern Territory
Northern Territory waxay gabi ahaanba xadkeeda ka xirtay dadka ka soo safraya magaalo waynta Sydney.
Dadka ka imanaya Sydney, Blue Mountains, Central Coast iyo Illawarra ayaa laga doonayaa inay 14 maalmood iskarantiilaan markay soo galaan NT.
"Waxaan leenahay waxaan mudnaanta koowaad siinaynaa difaacida nolosha shacabka NT, hadday dantu nagu qasabtana go'aanka ugu adag ayaan qaadanaynaa sida ugu dhaqsaha badan, taas ayaan samaynay maanta," ayuu yiri sii hayaha Wasiirka Koowaad ee ACT Nicole Manison galabkii Axadda.
Tasmania
Maamulayaasha caafimaadka ayaa ka dhigay xaafadaha Xeebaha Woqooyi aag 'qatar ah' kana mamnuucay qofkasta oo soo maray wixii ka danbeeyay 11 Disember inay soo galaan Tasmania haddii aysan ahayn dad ku jira safar daruuri ah.
Qaybaha kale ee magaalo waynta Sydney waxaa laga dhigay aag "qatar dhexe" iyadoo dadkii halkaa ka soo safra laga doonayo inay 14 maalmood iskarantiilaan markay TAS soo galaan.
Waxaa la kansalay tartanka doonyaha ee loo yaqaan , taas oo ah markii ugu horaysay taariiqda oo la kansalo tartankan.
South Australia
South Australia waxay xadkeeda ka xirtay magaalo waynta Sydney Axadii iyadoo goobo dadka looga baaro COVID-19 laga sameeyay xadka NSW iyo garoonka diyaaradaha Adelaide.
Dhamaan dadka ka imanaya magaalo waynta Sydney ayaa la galinayaa 14 maalmood oo karantiil ah markay soo galaan SA., halka qofkii soo maray xeebaha woqooyi ee Sydney la celinayo haddii aysan ahayn qof reer SA ah oo soo laabtay.
With additional reporting by AAP.
People in Australia must stay at least 1.5 metres away from others. Check your jurisdiction's restrictions on gathering limits.
If you are experiencing cold or flu symptoms, stay home and arrange a test by calling your doctor or contact the Coronavirus Health Information Hotline on 1800 020 080.
News and information is available in 63 languages at Please check the relevant guidelines for your state or territory: , , , , , , ,