Fully vaccinated Australians will soon be able to leave the country without an exemption

Dadka qaatay tallaalka labo jeer uma baahna ogolaansho ay wadanka uga baxaan iyadoo dhawaan xadka caalamiga ah ee Australia la furayo.

A file photo of a couple holding hands whilst wearing protective gloves and masks in the departures area at the Sydney International Airport.

A file photo of a couple holding hands whilst wearing protective gloves and masks in the departures area at the Sydney International Airport. Source: AAP

Dadka reer Australia ee labada tallaal qaatay ayaan u baahnayn inay codsadaan inay dalka ka baxaan iyadoo la furayo xadka caalamiga ah ee Australia.

Ra'iisul Wasaare Scott Morrison ayaa xaqiijiyay in nidaamkii ogolaansho doonida la joojinayo bisha Nofember 1 deeda markaas oo dullimaadyada caalamiga ah ay dib u bilaabanayaan.

Dhanka kalana dalka Singapore ayaa ku dhawaaqday inay dalkeeda u ogolaanayso in muwaadiniinta Australianku ay soo galaan iyagoo aan u baahnayn inay karantiil galaaan laga bilaabo 8 Nofember.

"Dad ka badan nus milyan shacabka Australia ayaa illaa iyo hadda soo dejistay shahaadada tallaalka,' ayuu Mr Morrison u sheegay Seven Network.

"Waxaan qarka u saaranahay heshiis labada shacab ay isu dhoofi karaan inaan la gaarno Singapore."
International COVID-19 Vaccination Certificate
You'll need to use an International COVID-19 Vaccination Certificate to travel overseas. Source: Getty Images/ d3sign
Wasiirka caafimaadka dawlada federalka ah Greg Hunt ayaa sheegay in isbadaladan la sameeyay ay la jaan qaadayaan tirada dadka tallaalan ee dalka oo dhan.

"Waxaan doonaynaa in shacabka Australia ay la midoobi karaan qoyska iyo qaraabada, ama ha noqoto inay ku kulmaan xuska dhalasho, aroos ama booqasho caadi ah," ayuu yiri Mr Hunt.

Dadka ayaa looga baahan yahay inay cadeeyaan inay labada tallaalba qaateen, noocaa tallaalka ay qaateena yahay mid la aqoonsan yahay.

Waana in qofku tallaalka labaad qaatay ugu yaraan hal todobaad ka hor safarka.

Inkastoo tallaalka loo ogolaaday inay qaataan dadka da'doodu ka wayn tahay 12 sano, haddana caruurta ka yar 12 sano ee aan tallaalnayn way safri karaan.
Dadka aan tallaalnayn ayaa wali u baahandoona inay ogolaansho helaan si dibadda ay ugu safraan. Tirada loo ogol yahayna way xadidan tahay.

Muwaadiniinta Australia, dadka haysta deganaanshaha dalka iyo qoysaskooda ayaa marka hore loo ogolaanayaa inay dalka soo galaan.

Wasiirada arimaha gudaha Australia Karen Andrews ayaa sheegtay in dawladu filayso in shaqaalaha xirfadlayda ah iyo ardayda ajaaniibta ah ay soo laabtaan dhamaadka sanadka.

"Waxaan filaynaa inaan sii qafiifino xanibaadaha todobaadyada iyo bilaha soo socda maadaama dad badani ay labada tallaal qaadanayaan," ayay tiri.
Tan ayaa imanaysa iyadoo Ra'iisul Wasaaruhu sheegay in dadka tallaalka koowaad qaatay ay hadda kor u dhaafeen tirada dadka tallaalka koowaad qaatay ee Maraykanka, marka laga xisaabo tirada shacabka guud.

"Qorshaha qaranku waa shaqaynayaa. Qorshuhu waa in Australia la furo sababtoo ah tirada tallaalku aad ayay u kordhaysaa," ayuu yiri Mr Morrison.


Share
Published 27 October 2021 4:02pm
Updated 27 October 2021 4:06pm
Source: AAP, SBS


Share this with family and friends