Jimicsiga jirka iyo inaad cunto isu dheeli tiran cunto ayaa ah labo waxyaalood oo aad maalin walba samayn karto si aad caafimaadkaaga u ilaaliso, siday sheegtay Professorad Anne Tiedeman oo ku taqasustay jimicsiga jirka iyo caafimaadka.
Arimaha kale waxaa ka mid ah inaad xadido isticmaalka qamriga, inaad joojiso sigaarka iyo in aaddan kali noqon oo bulshada aad ku xiran tahay.
1. Jimicsiga Jirka
Profwssorad Tiedeman ayaa sheegtay inay jiraan cadaymo badan oo muujinaya in jimicsiga jirku uusan u fiicnayn oo kaliya jirka, caafimaadka maskaxeed iyo kan bulsho, laakiin uu ka hortagi karo cuduro bilowda marka qofku duqoobo.
Waxa qofku maanta sameeyo ama todobaadkan ayaa mustaqbalka faa'iido u noqon kara, sida uu sharaxayo qabiir ka tirsan jaamacada Sydney.
Marka laga hadlayo imisa jimicsi jireed ayaa qofka laga rabaa, Professorada Tiedman ayaa tilmaamtay oo ku talinaya inay hadba ku xiran tahay da'da qofka iyo in qofku qabo xanuun aan bixin ama naafo yahay.
“fariinta wayn ee la xariirta jimicsiga jirku waa in qofwalba ay u fiican tahay, da'duu doonaba ha jiro ama heerkasta oo naafanimo oo qabo."
“Haddii xataa aaddan samayn karin jimicsiga jirka ee lagugula taliyay sida tilmaamaha Ururka Caafimaadka ku qoran, waxaan kaloo si cad uga ogaanay daraasado la sameeyay in jimicsi kasta oo aad samayso intuu doonaba ha le'ekaadee uu faa'iido leeyahay oo wax yar ka badan intii hore ay faa''iido caafimaad kuu leedahay."
LISTEN TO

Mind your health
11:33
Waxay sheegtay in jimicsiga ama dhaqdhaqaaqa jirka uu dhowr nooc ku imaan karo, uusana u baahnayn inuu noqdo qaab isboorti ama jimicsi ay kooxi wada samayso.
“Wuxuu noqon karaa adiga oo waqtiga aad firaaqada tahay lugeeya ama waxay noqon kartaa howlaha gurigaaga aad qabato, marka shaqooyinka gurigaaga sida inaad cawske guriga jarto, dhamaan waxyaalahaasi kor ayay qaadayaan caafimaadkaaga."
2. Cunto isu dheeli tiran cun
Professorad Tiedeman ayaa sheegtay inay lagama maarmaan tahay in cunto isu dheeli tiran la cuno si loo yareeyo waxyaalaha keeno xanuun, loona yareeyo qatarta cayil qofka baruur badani fuusho.
Cunto nafaqo fiican leh waxay shidaal fiican u tahay jirka iyo qofku yeesho lafo xoogan uuna dareemo tamar dheeraad ah.
“Dhamaan waxyaalahaasi waa kuwo aad runtii muhiim u ah, inaan cunto cuno isu dheerli tiran, in aaddan badsan cuntada warshadaysan sida kuwo qasacadaha ku jira, in aaddan badsan sonkorta oo dhib wayn ku haysa bulshadeen waqtigan."
The ayaa bixisa macluumaad la xariira noocyada cuntada, inta laga cuni karo cunto walba, iyo qaybaha cuntadu u kala baxdo.
Waxay ku dhiiragalinaysaa shacabka Australia inay cunaan noocyada kala duwan ee cuntada nafaqada leh oo ka kooban shanta nooc ee cuntada, adiga oo iska yaraynaya in aad cunto dufanka baruurta, cusbada dheeraadka ah, sonkorta dheeraadka ah iyo qamriga.
3. Xadid qamriga, iskana jooji sigaarka
“Waan ognahay in arimhaas yihiin kuwo hab nololeed muhiim ah oo wata qataro caafimaad iyo cuduro," sida ay sheegtay Prof Tiedman mar ay ka hadlaysay xadidida qamriga iyo joojinta sigaarka.
Isticmaalka qamriga ayaa qayb ka qaata dhimashada 3 milyan oo qof caalamka oo dhan, wuxuu sidoo kale qayb ka yahay naafonimada iyo caafimad xumada malaayiin kale sida laga soo xigtay Ururka Caafimaadka Aduunka.
Daraasad ay samaysay Australian Institute of Health and Welfare (AIHW) ayaa muujinaysa in la diiwaan galiyay 1,452 qof oo qamri u dhintay sanadkii 2020, oo intooda badan (73%) ay ahaayeen rag.
The , oo ah hay'ad bixisa talooyin la xariira isticmaalka qamriga ayaa talooyinkeeda oo ay dibu eegid ku samaysay sanadkii 2020 waxay isku duba riday talooyinka isticmaalka qamriga si loo yareeyo qataraha ka dhalan kara cabidda qamriga.
Dhanka kalana, Cancer Councilqamriga oo ay ku jiraan in aad samaysato maalmo aad qamriga ka caagan tahay iyo biyo ku jabiso oonka.
Sigaar cabidda ayaa lagu qiyaasay inuu
Wuxuu sidoo kale sigaarku yareeyaa cimriga qofka iyo tayada nololeed isaga oo sii kordhinaya qatarta cuduro badan iyo in qofku cimri degdego oo uu dhinto.
4. In aad bulshadaada ku xirnaato
Profwssorad Tiedeman ayaa sheegtay in "kaliginimadu ay 'dhibaato wayn' ku hayso bulshada, ayan taasi dhici karto xataa marka qofka ay dad badani ku hareeraysan yihiin laakiin xiriir uusan jirin."
“Waa inuu jiraa dareen ah inuu qofku xiran yahay dadka ku wareegsan, uuna dareemayo inuu bulshada uu dhex nool yahay ku xiran yahay."
“Waxayna ugu danbaynta tahay in qofku dareemayo inuu qiimo dadka kale u leeyahay, uuna muujiyo inuu dadka kale ka naxayo dhibkooda. Dhamaan xiriirka binaadanku runtii waa muhiim."
Waxay sheegtay in xiriirkaas dhowr qaab lagu gaari karo oo ay ka mid yihiin in aad shaqo iskaa wax u qabso ah samayso oo aad xubin firfircoon ka noqoto bulshada dhexdeeda.
“Iskaa wax u qabso waa dariiq ka mid ah siyaalaha kor loogu qaadi karo xiriirka bulshada dadku la yeeshaan oo kooxo kale aad isku dan noqotaan, waxaana aad ugu fiican arimaha isbortiga."
“Haddii aad ka mid tahay koox isboorti, dhamaantiin isku ujeedo ayaad leedaihiin taas oo ah inaad isku xirnaataan."
Hase yeeshee waxay sharaxaysaa in dadka qaarkood ay jecel yihiin inay kaligood noqdaan.
“Haddii xataa shaqsiyaadkaas ay kaligood yihiin, qaabab kale ayay xiriir ku helayaan."
Beyond Blue oo ah hay'ad ka shaqaysa caafimaakd maskaxda ayaa ku talinaysa qorshayaal bulshada ku xiraya qofka sida isticmaalka farsamooyinka cusub oo ay ka mid yihiin Skype, Zoom, FaceTime iyo apps kale sida House Party oo u ogolaanaya dadku inay koox ahaan ku xariiraan iyaga oo muuqaal foge isku arkaya kuna wada hadlaya.
Hay'adan ayaa sidoo kale ku talinaysa jadwal kulamo joogto ah oo bulshadu ku kulanto sida kalaab buugaag, habeenka kadiska, casho qoysku aaddo, xaflado qoob ka ciyaar iyo habeeno saaxibadaa aad iskala sheekaysato.
5. In aad iska war qabto aadba ka war hayso dadka aad jecishahay
Xanibaadihii jiray intii lagu jiray faafkii COVID-19 ayaa tusaale fiican u ah sababta dadka ay tahay inay iska war hayaan ayna ka war hayaan dadka ay jecel yihiin sida ay sheegtay Professorada Tiedman.
“Waxay ila tahay inay aad muhiim u tahay. Aniga haddii aan tusaale ahaan iska soo qaado, walaac badan ayaan ka qabay waalidkay oo da' ah intii lagu jiray xanibaadaha, in aan hubiyo inay haystaan wax kasta oo ay u baahan yihiin.
“Laakiin inta badan ma garaowsanaysid in walaac iyo walbahaar badan ku saaran yihiin. Marka in isla socoto oo aad hubiso in aad samaynayso wax u fiican bad qabkaaga runtii waa muhiim."
Dadka maqaalkan aqrinaya ee doonaya taageero waxay la xariiri karaan Lifeline for 24-7 crisis support on 13 11 14, Suicide Call Back Service on 1300 659 467 and Kids Helpline on 1800 55 1800 (for young people aged 5 to 25). Macluumaad dheeraad ah waxa aad ka heli kartaa and
waxay caawisaa dadka dhaqamada iyo luqadaha kala duwan.