Ciidanka FBI Maraykanka ayaa ka digtay inay dibadbaxyo hubaysan oo la qorshaynayo inay ka dhacaan caasimada Washington DC iyo dhamaan 50 gobol ee dalka ka hor caleema saarka Madaxweynaha la doortay Joe Biden 20 Janaayo sida lagu sheegay ilo wareed la soo baxay hay'adaha amaanka.
Taageerayaasha Madaxweynaha xilka ka sii degaya oo ku hanjabaya dibad baxyo kale kadib maray weerareen baarlamaanka maalintii Arbacada ahayd ayay FBI soo saartay digniino rabshadaho la filayo inay dhacaan laga bilaabo dhamaadka asbuucan ilaa maalinta caleema saarka, sida ilo wareed laga soo xigtay.
Sida laga soo xigtay qoraal FBI qortay oo ay warbaahintu heshay ayaa lagu sheegay in FBI heshay warar ku saabsan koox ku baaqaysa inay 'weerarayaan' maxkamadaha gobolada kuwa degmooyinka iyo kuwa caasimada haddii Madaxweyne Donald Trump xilka laga qaado ka hor 20 Janaayo.
Kooxdan ayaa ka digtay in haddii Congressku isku dayo inuu Madaxweynaha xilka iyadoo la isticmaalayo qodobka 25aad ee dastuurka, in dibadbaxyo waaweyn dhici doonaa.
Si loo difaaco dhismaha baarlamaanka ee loo yaqaan the capitol ayaa la ogolaaday in la keeno 15 kun oo askar ah Washington, waxaana sidoo kale mamnuucay inay booqdaan dalxiisayaashu taalada Washington ilaa 24 Janaayo.

Pro-Trump supporters and far-right forces flooded Washington DC to protest Donald Trump's election loss. on 6 January, 2021. Source: Michael Nigro/Sipa USA
Madaxa xafiiska looga taliyo ciidanka National Guardka, General Daniel Hokanson, ayaa warbahinta u sheegay inuu filayo ku dhawaad 10 kun oo askar ah in la keeno Washingtin Sabtida si ay uga qayb qaataan sugidda amaanka.
Wuxuu sheegay in tiradaas ay gaari karto 15 kun haddii loo baahdo.
Qaar ka mid ah xildhibaanada ayaa codsi gaarsiiyay wasaarada gaashaandhiga inay ka qayb qaataan amaanka.
Gudiga caleema saarka Mr Biden ayaa sheegay Isniintii in hal ku dhaga xaflada 20 Janaayo ay tahay "Maraykanka oo midaysan."
Mr Trump ayaa sheegay asbuucii la soo dhaafay inuusan ka qayb galayn xaflada caleema saarka, go'aankaas oo madaxweynaha la doortay uu taageeray.

Members of the New York National Guard in front of the US Capitol in Washington, DC, USA, 11 January 2021. Source: AAP
Taalada Washington oo la xiray
Waxaa la joojiyay safaradii dalxiiska ee lagu tagi jiray Washington Monument, oo ah taalo lagu xuso madaxweynihii koowaad ee dalka. Talaabadan ayaa loo qaaday kadib walaac ka dhashay amaanka caleema saarka.

Protesters gathering inside the US Capitol Building on 6 January, 2021 in Washington, DC. Source: Getty
Inkastoo ay cadayd in doorasho xalaal ah dhacday, madaxweyne Trump ay ka dooday saxnimada guusha Mr Biden.
Demoqraadiyiinta ayaa bilaabay qorshe ay xilka uga qaadayaan Mr Trump iyagoo qoraya maqaal lagu diyaarinayo dacwo xilka looga qaado isagoo lagu eedeeyay inuu ka danbeeyay kacdoonka.
Gudiga calaama saarka iyo duqa magaalada Washington ayaa u sheegay shacabka Maraykanka inaysan u safrin oo tagin caleema saarka.
Caleema saarka ayaa cadiyan soo jiidan jiray kumanaan qof oo soo booqda Washington laakiin xafladan ayaa ka duwan kuwii hore xanuunka COVID-19 awgiis.