Key Points
- Waligaa gaarii ha ku dhex wadin biyo daad ah sababtoo ah waxay qaadataa 15 cm oo biyo in gaariga biyuhu qaadaan.
- Australia waxaa ka socda daadad dheeraad cimilada La Nina awgeed
- Wac hay'adda adeega degdega ee gobolkaaga (SES) oo laga helo 13 25 00. ama wac 000 haddii naftaadu qatar ku jirto.
Xafiiska Saadaasha Hawada BOM ayaa soo saaray digniino daadad ka dhaca inta badan bariga NSW iyo Koofur Bari Queensland iyadoo sabab looga dhigay cimilada La Nina oo dhalisay roobab ka badan kuwii caadiga ahaa.
18 Noocyada cimilada La Nina oo Australia ka dhacay wixii ka danbeeyay 1900, 12 ka mid ah ayaa qaybo Australia ka mid ah ku keenay daadad.
Sida laga soo xigtay xafiiska saadaasha hawada, La Nina caadiyan waa roobab badan ka da;aan dalkoo dhan, heer kulka oo maalintii qabow Koofurta Kulaalaha iyo tirada duufaanaha kulaalaha oo bata.
Daraasada ay soo saartay shirkada caymiska Allianz ayaa muujinaysa in shacabka Australia aysan sidii la rabay ugu diyaarsanayn daadadka maadaama aysan aqoon u lahayn cimilada La Nina. Marka O'Connor oo ka tirsan shirkadan caymiska Allianz ayaa sheegay in nasiib daro, dabaylaha iyo daadadku ay sababeen qasaare ku kacaya $2.4 bilyan oo doolar oo gaaray guryaha Australia sanadkii la soo dhaafay.

Source: Getty Images/Colin Anderson Productions
Qorshee, dhagayso, una diyaargarow xaalad degdeg ah
O’Connor ayaa ku talinaya inaad sii baarto oo dariska waydiiso hay'addaha gargaarka degdega ee xaafadaada. Wuxuu ku talinayaa inaad iska hubiso caymiskaagu inuu daboolayo qasaaraha daadaka iyo inaad leedahay qorshe aad ku baxdo haddii xaalad degdeg ah timaado aadna qorshahaas la wadaagto qoyskaaga.
Samayso boorso alaabta laga maarmaanka ah kuugu jiraan sida, xirmada xaaladda degdega (first aid kit) biyo, cunto iyo dabcan dab dhaliye la qaadan karo.
Haddii aad ogtahay in gurigaada biyuhu soo galayaan, Baker ayaa ku talinaya inaad hore u sii diyaar garowdo sida inaad alaabta qiimaha leh meel sare saarto inkastoo taxadarka ugu fiican uu yahay inaadan jooginba meel daadada u nugul.
Baker ayaa ku dhiiragalinaya dadka inay samaystaan haddii dab kaco ama xaalad daadad. Macluumaad ku saabsan sida gurigaaga loogu diyaariyo masiibo dhici karta waxaad ka heli kartaa website-ka SES-ta xaafadadaada.
Baker ayaa sidoo kale ku talinaya inaad xirto bulaacada oo aad kku xirto bacda alaabta lagu qaato intaad ka buuxiso ciid si aad uga hortagto in bulaacadu musqushaada ka soo baxdo.

Source: Getty Images/Charles Briscoe-Knight
Haddii gurigaa ka qaxayso, sii qorshee wadada aad marayso, sii fiirii wadooyin kale ee la mari karo, si aad u ogaato dariiqa si amaan ah aad u tagi karto meesha aad u socoto.
Mar walba waxaa fiican oo amaan badan inaad sida ugu dhaqsaha badan u baxdo marka daadadku socdaan.
Ha ku kaxayn gaari wado daad qaaday.
Baker ayaa ka digaya inaad gaari ku waddo biyo ka buuxaan marka uu socdo roob mahiigaan ah. Biyo lagu kexeeyay gaari ayaa ahaa sababta ugu badan ee dadku ugu dhintaan daadadka.
Haddii roob xoogan ku qabtsado, waxaa fiican inaad gaari ku joojiso meel amaan ah oo koraysa si daadku uusan kuu qaadin.
Waa qatar wayn. Gawaarida qaarkood waxay u baahan yihiin biyo 15 cm in daadku qaado, 15 cm waa dherarka qalin caadi ah.
Haddii aaddan gaariga ka bixi karin, oo qatar wayn ku soo wajahdo waa inaad wacdo 000 si aad caawimaad u hesho.
Stacey Pidgeon, oo ka tirsan Australia’s Royal Life Saving Society ayaa sheegtay in dadka lugaynaya sidoo kale looga baahan yahay inay markasta ka fogaadaan biyaha daadka ah.

Source: Getty Images/Tobias Titz
Haddii ay kuu suuro gali waydo inaad baxdo
Haddii biyo daad ah oo sii kordhaya ay ku qabsadaan oo aaddan ka baxsan karin, waxay noqon kartaa xaalad qatar noloshaada ku ah, markaas waa inaad raadsato gabaad ama meesha amaanka ah ee ugu sareeya ee aad heli karto kadibna wac 000.
Biyaha daadadka oo sii kordha waxay keeni kartaa in guryuhu ay go'doomaan, koronatadu tagto, bulaacaduhu shaqayn waayaan iyo dhibaatooyin kale.
Haddii aad bixi waydo, laakiin aad wali haysato biyo nadiif ah, caagado ka buuxso biyaha si aad u isticmaasho.
Waxaa muhiim ah in la xasuusto in inta badan cuntada ku jira talaajada ay noqdaan kuwo aan la cuni karin haddii korontadu baxdo.
Haddii aad go'doon noqoto daadadka awgood oo meel kasta kaa xirantay, ha isku dayin inaad baxdo sababtoo ah waxaa dhici karta in bixidu ka sii qatar badato inaad sugto gargaar.
Haddii daadku ku qaado
- Biyuha raac
- Gacantaada kor u taag si loo arko inaad caawimaad u baahan tahay
- Dhabar dhabar u dabaalo si aad madaxa biyaha uga ceshato
- Waxa aan quusayn ama heehaaba gacanta ku qabso sida caag maran, banooni ama alwaax
Sidoo kale waxaa muhiim ah in aaddan isku dayin inaad qof kale badbaadiso addoo biyaha galaya sababtoo ah dad badan ayaa biyuhu qarqiyaan iyaga oo isku dayay inay dad kale badbaadiyaan.
Sida ugu fiican waa inaad wacdo adeeg yada degdega ah, waxaad qofka ku caawin kartaa inaad u tuurto shay heeheeba si qofku biyaha uga koreeyo oo uusan u quusin.
Haddii xaalad degdega ah dhacdo, Baker ayaa sheegay nolosha dadku noqoto tan mudnaanta koowaad la siiyo.
Booqoo hay'adda adeega degdeg ee xaafadaada (SES) or si aad macluumaad dheeraad ah uga hesho sida looga diyaar garoobo daadadka.
Haddii aad gargaar uga baahan tahay goob daadad ka dheceen wac SES 13 25 00.
Wac 000 markiiba haddii noloshaadu ay qatar ku jirto.
Caawimaad luqadeed, wac adeega turjumidda 13 14 50 kadibna wadyii luqada aad ku hadasho.

Source: Getty Images/Rafael Ben-Ari