Latest

Bulshooyinka cusub iyo ardayda ajaanibta ah ayuu kudhacay culayska ugu badanaa ee masiibada COVID-19.

This is your latest weekly update on COVID-19 in Australia.

NSW CORONAVIRUS COVID19

A worker wearing a mask wipes down a public bench at a train station in Sydney. Source: AAP / PAUL BRAVEN/AAPIMAGE

Key Points
  • TGA approves booster dose in individuals aged 12-17
  • Western Australia to close four PCR testing clinics by month end
  • Global weekly COVID-19 cases declined for the eighth week in a row

Dib-u-eegis madax-bannaan oo lagu sameeyay sida ay Australia wax uga qabatay dhibaatada COVID-19, ayaa lagu xusay in shaqaalaha safka hore, haweenka, carruurta, dadka deggan daryeelka waayeelka, dadka naafada ah, in bulshooyinka qowmiyadaha iyo ardayda caalamiga ah (ajaanibta) "ay ku dhacday dhibaatada ugu weyn" ee masiibada Covid-19.

"Dawladaha iyo shaqaalaha dawladdu waxay go'aannada ku qaadanayeen mugdi aan la hubin. Mid ka mid ah guddiga (xubnaha) kuma kalsoonaan karo inay go'aamo si fiican u qaadan lahaayeen wakhtiga," ayaa lagu yidhi warbixinta.

"Laakiin, dib u eegis, waxaan ku qanacsanahay in khaladaad waaweyn la sameeyay."

Warbixintu waxa ay tiri dawlada iyo ganacsiyadu waxa ay ahaeyd inay si cadaalada oo siman u bixiyaan taageerada dhaqaale, xayiraadii iyo xuduud-xidhkana waxey aheyd in si kooban loo isticmaalo, dugsiyada waxey aheyd inay furaadaan, dadka waayeelka ah ee Australiyaanka ah wxey aheyd in si wanaagsan loo ilaaliyo.

Ka reebista muhaajiriinta iyo ardayda caalamiga ah taageerada dhaqaale waxay dadka gelisay khatar," ayaa lagu xusay warbixinta.

"Kusii dhex dayntii bilayska iyo militariga bulshada dhexdeeda waxay ahayd mid aan faa'iido u lahayn dadka Aboriginalka ah ee miyiga ku nool iyo bulshooyinka Torres Strait Islander iyo meelaha magaalooyinka oo ay ku nool yihiin tiro badan oo muhaajiriin ah iyo magangalyo-doon ka yimid dalal ay dagaalladu aafeeyeen.

iyadoo January 2022 ku eg, Waxay sheegtay daraasadu in heerka dhimashada COVID-19 ee dadka waayeelka ah ee Australia dibadeeda ku dhashay in ay ku dhawaad saddex laab ka badan tahay kuwa ku dhashay Australia.

Daraasadu waxey intaas raacisay "Dadka ku dhashay UK waxay lahaayeen heerar dhimasho oo la mid ah kuwa ku dhashay Australia. Laakiin kuwa ku dhashay Bariga Dhexe, waxay ka badan tahay 12 jeer,"


Raiisel wasaare Anthony Albanese ayaa sheegay in warbixintu ay kor u qaadayso welwelka ayna quudin doonto baaritaan kasta oo heer qaran ah oo ay dowlada Shaqaaluhu qaadi doonto mustaqbalka.

"Waxaan u baahanahay inaan casharro ka barano cudurka Covid-19," ayuu u sheegay suxufiyiinta.

Warbixinta waxaa maalgeliyay Andrew Forrest's Minderoo Foundation, Paul Ramsay Foundation iyo John iyo Miriam Wylie Foundation.


Dadka Australiyaanka ah ee laga helay COVID-19 waxay sii wadi karaan inay helaan lacag-celinta Medicare ee adeegyada caafimaadka ee uu bixiyo GP kasta ama dhakhaatiir kale ilaa 31 Diseembar, Ururka Caafimaadka Australia ayaa yidhi.

The Therapeutic Goods Administration, ayaa si ku meel gaar ah u ansixiyay Moderna's COVID-19 tallaalka si loogu isticmaalo qiyaas xoojin ah shaqsiyaadka da'doodu tahay 12-17.

The Australian Technical Advisory Group on Immunisation ayaa qiimeyn doona faa'iidada qiyaasta xoojisa ka hor inta aysan u jeedin wasiirka caafimaadka federaalka si uu u ansixiyo kama dambaysta



Agaasimaha Guud ee WHO Dr Tedros Adhanom Ghebreyesus ayaa sheegay in kiisaska COVID-19 ee caalamiga ah ay hoos u dhaceen siddeed toddobaad oo isku xigta, laakiin COVID-ku wuxuu sii ahaanayaa xaalad degdeg ah oo caafimaad dadweyne oo walaac caalami ah leh.

Jarmalka, Faransiiska, Shiinaha, Talyaaniga, iyo Mareykanka ayaa soo sheegay kiisaska ugu sarreeya adduunka.


Find a Long COVID clinic

Find a COVID-19 testing clinic

Register your RAT results here, if you're positive

Before you head overseas, Here is some help understanding Read all COVID-19 information in your language on the

Share
Published 28 October 2022 9:26pm
Source: SBS


Share this with family and friends