Warbaahinta Dawlada Ethiopia ayaa sheegay in ciidanka dawladu qabsadeen magaalada Chifra oo ay haysteen fallagada Tigreegu, laakiin dawlada ayaa dafirtay weerar askar ku dhimatay oo ay ku qaaday goob xarun ciidanka Sudan leeyihiin.
Ciidanka xooga Suudaan ayaa sheegay in lix askari looga dilay weerar ay ciidanka Ethiopia ku soo qaadeen goob ciidankoodu deganaa oo ku taal xadka labada dal.
Ethiopia ayaa dafirtay weerarkaas.
Ciidanka Suudaan ayaa bartooda facebool ku qoray "Kooxo ciidanka Ethiopia iyo maleeshiyooyin ayaa weerar ku qaaday ciidankooda deggan Al-Fashaga Al-sughra, taas oo dhalisay dhimasho. ciidankeena ayaa si geesinimo ah isaga caabiyay weerarka qasaare nafteed iyo mid maalna gaarsiiyay ciidanka soo weeraray."
Qoraalka ciidanka ayaan lagu bixin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan tirada dhimasho laakiin ilo milatari oo la hadlay hay'adda warbaahinta Reuters ayaa mar danbe sheegay in 6 askari laga dilay ciidanka Sudan.
Afahayeen u hadlay dawlada Ethiopia, Legesse Tulu ayaa sheegay in milatariga Ethiopia aysan wax weerar ku qaadin Suudaan.
"Waa war aan sal iyo raad lahayn oo ay faafiyeen dhowr warbaahin oo sheegay in ciidankeenu weeraray Suudaan. Ciidanka xooga Ethiopia ma jirto dano ay ku weeraraan dal kale oo xor ah," ayaa lagu yiri hadal laga sii daayay Warbaahinta Dawlada Ethiopia.
Dhanka kalana Warbaahinta Dawlada Ethiopia ayaa sheegtay in ciidankkodu ay dib u qabsadeen magaalada Chifra ee gobolka Canfarta, taas oo noqonaysa guul wayn oo ka dhan ah ciidanka Tigreega wixii ka danbeeyay markii Ra'iisul Wasaare Abiy Ahmed uu ka soo muuqday jiidda hore ee dagaalka labo maalmood ka hor.

Portrait of Afar tribe women with their children on 21 January, 2017 in Chifra, Ethiopia. Source: Corbis News
TPLF ayaa hore u qabsatay Chifra oo ku taal xadka gobolka Canfarta iyo gobolka Amxaarada kadib markii dagaal culus bishii la soo dhaafay uu ku dhexmaray ciidanka dawlada Ethiopia iyo ciidan daacad u ah TPLF.
"Ciidanka xooga Ethiopia iyo ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Canfarta ayaa la wareegay Chifra," ayaa lagu yiri barta twitterka ay ku leedahay warbaahinta dawlada Ethiopia.
Mase bixin faahfaahin dheeraad ah
Axadiina, dawlada Isreal ayaa ku dhawaaqday inay ansixisay in kumanaan Yuhuuda ku nool Ethiopia ay Isreal qaadanayso, taas oo ah talaabo ay ku midaynayso qoysas balaaran oo kala maqnaa.
Ku dhawaad 140,000 Yuhuud Ethiopian ah ayaa ku nool Isreal iyadoo madaxda jaaliyadaas ay qiyaasayaan in ku dhawaad 6 kun oo kale ay wali ku nool yihiin Ethiopia.
Inkasta oo ay qoysaskan yihiin dad asal ahaan Yuhuud ah, qaar badana ay diinta Yuhuuda ku dhaqmaan laakiin Isreal ayaan u qaadanayn diintooda wageed ee ay qayb ka tahay barnaamuj la isugu keenayo qoysas kala maqnaa.