Ra'iisul Wasaare Anthony Albanese ayaa daboolka ka qaaday erayada lagu qorayo aftida loo qaadayo cod ay shacabka dalka loogu yimid ku yeeshaan dastuurka iyo isbadalka lagu samaynayo dastuurka.
Koox ka soo shaqaysay aftida ayaa la kulmay Ra'iisul Wasaaraha iyo wasiirada muhiimka ah xalay si ay taladoodii u danbaysay ee erayada lagu qorayo su'aasha shacabka Australia la waydiinayo dabayaaqada sanadkan iyo erayada gudiga ka talainaya arimaha dadka dalka loogu yimid oo lagu qorayo dastuurka.
Golaha wasiirada ayaa saaka dhamaystiray erayada iyadoo RW Anthony Albanase oo la taagan wasiirada arimaha dadka dalka loogu yimid Linda Burney, xeer ilaaliyaha guud Mark Dreyfus iyo Senatorada indigenous-ka ah Pat Dodson iyo Malarndiri McCarthy si loogu dhawaaqo erayada aftida.
Su'aasha aftida ayaa sidan loo qorayaa: 'Sharciga la hindisayo: Waa in ka badalo dastuurka si loogu aqoonsado dadka ugu soo horeeyay Australia (indigenous) iyada oo la asaasayo xod ay leeyihiin dadka Aboriginalka iyo Torres Strait. Ma ansixisay isbadalka la hindisay?
Mr Albanese ayaa sheegay in erayadu ay yihiin kuwo sahlan laakiin sharciyan sax ah.
Mr Albanese ayaa sidoo kale ku dhawaaqay erayada la hindisayo in lagu daro dastuurka. Erayadan ayaa la horgaynayaa baarlamaanka si looga doodo.