Semonti gabar dhalinyar ayay ahayd markii u horeeyay oo ay taageero caafimaadka maskaxda ah ka doonatay xirfadle iskuulka ka shaqaynayay.
Haweentan reer Melbourne ah, oo hadda 20 jir ah ayaa sheegtay inay dhibaato ka soo martay cadaadiska uga imanayay waxbarashada iyo mustaqbalkeeda.
“Kalinimo ayaan dareemi jiray, waxaa igu adkaa sidaan isugu maarayn lahaa labada dhaqan ee Australia iyo kan Bangalishesh Hindi ah," ayay u sheegtay SBS News.
Laakiin markii mardanbe ayay u tagtay dhaqtarka maskaxda oo ka dhaqan duwan waxay ogaatay inaysan fahmi karin xaaladeeda.
“Waxaa dhici kara inay caqabado dhaqan jireen," ayay tiri.
“Waxaa igu fiicnaan lagaa qof ka soo jeeda Koofurta Aasiya oo Hindu ah oo iga caawin kara inaan ka baxo caqbadaha i haysta."
Waxaa la soo bandhigay macluumaad online ah Sabtida oo looga dan leeyahay in taas lagu gaaro. HearthChat waxay isku xiraysaa dadka dhaqamada kala duwan iyo xirfadlayaal xanuunada maskaxda oo ku hadla afkooda.
Mashruuca ayaa loogu talo galay inuu noqdo hal meel oo ay ku jiraan liiska xirfadlayda xanuunada maskaxda (counsellors, psychologist) ku hadla afka qofka bukaanka ama la wadaaga diin oo ay la balami karaan amaba ay dhanka online-ka kula kulmi karaan.

هارتچت حاوی معلوماتی چون زبان و باورهای مذهبی متخصصان نیز میباشد. Source: HeartChat.com.au
Mashruucan ayaa waxaa soo alifay Dr Judy Tang, oo xanuunada maskaxda ku taqasustay sidoo kalana xubin ka ah Gudiga Dhaqamada kala duwan ee Victoria oo ah hay'ada maalgalinaysa mashruucan.
Waxay fikradan ka keentay qibradeeda shaqo maadaama ay tahay qof ka soo jeeda Aasiya.
“IWaxaan arkay dad igu yiri, way nagu adkayd inaan helno qof adiga oo kale ah oo ku hadla afka oo yaqaan dhaqanka. waqti bay igu qaadatay inaan ku balan kugu helo," ayay turu Dr Tang oo ku hadasha luqada Mandarin.
“Waxay doonayay oo kaliya in dadku helaan taagero dhanka xanuunada maskaxda ah."
Culturally appropriate support
Mararka qaarkood inaad hesho aan u baahnayn inaad u sharaxdo arimaha dhaqanka, diinta waa wax wayn oo ay dhici karto inay naftaada badbaadiso.
Dr Tang ayaa ka sheekaysay dhaqtar kuwa maskaxda ah oo qof uu caawinayay oo ka soo jeeda Aasiya u sheegay "naftaada u samee" mar uu ku dhiiragalinayay qofka inuu noloshiisa wax ka badalo.
“Qofkii la caawinayay ayaase yiri, maadaama aan Aasiya ka soo jeedo, waxaa ka fiicnaan lahayd haddii uu igu yiraahdo qoyskaaga u samee," ayay tiri Dr Tang.
Waxay sidoo kale sheegtay hadalo jaahilnimo ah oo ay dhici karto in dhaqaatiirka cudurada maskaxda oo aan dadka dhaqamadooda aqoon ay dhahaan.

Some of the professionals listed on HeartChat. Source: HeartChat.com.au
“Qof ka soo jeeda dadka dalka loogu yimid ayaa lagu yiri "orod baadiyaha aad oo dadkaaga u tag" waxaana dhici karta in qofkaas uusan baadiye waxba ka aqoon," ayay tiri.
“Waa nasiib daro in mararka qaar xirfadlayda xanuunada maskaxdu ay iska dhaadhciyeen ay kasoo baxaan marka laga hadlayo dhaqanka iyo diinta qofka ay daawaynayaan."
Dr Tang ayaa sheegtay in marar badan caqabado dhaqan iyo kuwo luqadeed ay dadka ka joojiyaan inay caawinaad raadsadaan.
“Marka xirfadlaydu qalad gasho, waa marka qofku joojiyo oo naco inuu doonto adeegyada xanuunada dhimirka, mana doonayno in taasi dhacdo oo bulshooyinka dhaqamada kala duwan aysan kulankaas ku qancin."
'Waa ogahay waxay dareemayaan'
Bulshooyinka dhaqamada kala duwan ee Australia waqti dheer ayay dhibaato ka haysatay siday adeegyo ku heli lahaayeen, sababtu ama ha noqoto caqabado dhaqan ama kuwo luqadeed, ama dhaleecayn lala xariiriyo xanuunada dhimirka oo bulshadooda uga timaada amaba aysan xataa aqoon halka ay ka bilaabaan oo taageero ka raadsadaa.
Inta lagu jiray faafka COVID-19 oo dadka wacaya adeegyada xanuunada dhimirku ay aad u kordheen, waxaa sidoo kale kordhay waqtiga la sugayo dhaqaatiirta, mana jiro waqti uga muhiimsanaa dadka inay caawimaad doontaan.
“Cidwalba ayay saamaysay gaar ahaan bulshooyinka dhaqamada kala duwan oo laga xanibay inay qoysaskooda booqdaan, taasoo aad muhiim ugu ah nolosha dadka dhaqamo badan," ayay tiri Dr Tang.
Mid ka mid ah dhaqaatiirka xanuunaka maskaxda oo ku biirtay HeartChat waa Jelena Zeleskov oo Sydney fadhigeedu yahay oo ka soo jeeda Serbia.
Dr Doric - oo ku hadasha 5 luqadood oo looga hadlo gobolka Balkans ee Yurub iyo waliba luqada Bulgaria ayay soo wacaan dad badan oo doonaya inay la hadlaan qof luqadooda ku hadla.

یکی از روانشناسانی که نامش را درج هارتچت کرده، جِلِنا زلسکوف دوریک است. Source: Supplied
“Qaarkood kuma hadlaan Af-englishka, ma dhihi karaan waxay rabaan inay sheegaan," ayay tiri Dr Doric.
“Gaar ahaan dhaqaatiir ahaan markaad rabto inay ka hadlaan dareenkooda, iyo xiriirkooda waa mid runtii ku adag."
“Aniga way ii sahlan tahay inaan fahmo sababtoo ah waxaan garan karaa waxay ula jeedaan," ayay tiri.
“Waad aqriyi kartaa dhaqanka qofka, laakiin haddii aaddan dhaqankaas ka soo jeedin, waligaa ma fahmi kartid dhibaatada dadkaas ay dareemayaan."
Dr Doric ayaa sidoo kale caawisa dad ka soo jeeda Aasiya oo u sheegay inay u sahlan tahay inay la hadlaan dhaqtar soo galooti ah.
“Anay ii yimaadaan sababtoo ah waxay doonayaan inay ka hadlaan arimaha haybta dhaqanka sababtoo ah waxaan laftigaygu ka imid dhaqan kale, halkan ayaan ku noolahay, halkan ayaan ku koray, marka kala duwaanshaha waxbaan la aqaan."
Visit for the full directory of mental health professionals, or to register as one.
also lists a range of in-language mental health support services available in Australia.
Readers seeking crisis support can contact Lifeline on 13 11 14, Suicide Call Back Service on 1300 659 467 and Kids Helpline on 1800 55 1800 (for young people aged 5 to 25). More information is available at and .
also supports people from culturally and linguistically diverse backgrounds.