COVID infection rate may be slowing, but the risk continues

This is your latest weekly update on COVID-19 in Australia.

NSW CORONAVIRUS COVID19

Infection rate maybe slowing down Source: AAP / DAN HIMBRECHTS/AAPIMAGE

Key Points
  • The rate of infection may be slowing
  • But the risk of infection continue
  • Victorian voters with COVID-19 will be able to cast their votes at a drive-through site

Gudaha New South Wales toddobaadkan, 27,750 qof ayaa laga helay COVID-19, waa sare ukac 17.6% ka sareeya usbuucii hore. Baaritaanka PCR ee COVID-19 sidoo kale wuxuu kordhay 16.8%.

Halka Victoria, 22,281 xaaladood oo cusub la diiwaangeliyay, taasoo ah koror 9.5 boqolkiiba ah xilligii warbixinta hore. Si kastaba ha ahaatee, tirada dhimashada ee gobolka ayaa kor u kacday oo ahayd 46 usbuucii hore halka 68 usbuucan ay noqotay.

Waaxda Caafimaadka NSW ayaa tiri in kasta oo tirada kiisaska iyo baaritaannada PCR ay sii kordhayaan, balse heerarka cudurku waxay u muuqdaan mid hoos udhac sameynaya..

sida ay sheegtay Waaxda Caafimaadka NSW "Tani waxay la socotaa isbeddelka qaranka,"

Kuxigaha Madaxa Caafimaadka Australia Professor Michael Kidd, oo la hadlay SBS bilowga todobaadkan ayaa ka digay in waxkasta oo tirada Caabuqu hoos u dhacdo, wadanku wali waxa uu wajahi doonaa tira aan yarayn in uu cudurku ku dhaco maalin kasta.
Masuulku waxa uu intaas ku daray in " Khatarta in cudurku dad haleelo wali wey taagantahay". waxuu kaloo ku daray " Cudurka Covidka waxa uu sii socon doonaa sanadka cusub wixii ka danbeeya.

You will need to provide evidence of either a positive rapid antigen test (RAT) or text from the Department of Health confirming a positive PCR test.
Sida laga soo xigtay ABC, Caabuqa COVID-ka waxa uu kusii fidayaa goobaha lagu daryeelo dadka waayeelka ah ee Western Australia, iyadoo tiradu ay sadex jibaarantay labadii bilood ee udanbeeyey.

Mar walba gacanta ku hayso afduubka, si aad u awoodid in aad ku xidhato meelaha cidhiidhiga ah ee dadku ku badanyahay ee xidhan, sida wiishashka, gaadiidka dadweynaha iyo meelaha kale ee dadku ku badanyahay. Ku talagal inaad xidhato marka aad booqaneyso meelaha khataraha badan, ama dadka khatarta adag ku sugan hadii caabuqu ku dhaco.

NSW gudaheeda af-xidhku waa in la xidhaa marka la joogo dhamaan goobaha caafimaadka.

Tirada Xaaladaha Caabuqa COVID-19 ee dunida hoos ayuu todobaadkan u dhacay 5 %, waa marka la barbar dhigo waqtigii warbixintii hore. Tirada geerida todobaadlaha ah sidoo kale hoos ayey u dhacdey 13 % , waa marka loo eego warbixinta WHO ee toddobaadlaha ah ee cudurada faafa.

Japan, Jamhuuriyadda Kuuriya, Mareykanka, Faransiiska, iyo Shiinaha ayaa soo sheegay kiisaska ugu sarreeya ee COVID-19 ee heer waddan.

Shiinaha ayaa diiwaangeliyay faafitaankiisii ugu weynaa ee COVID 6 bilood gudahood, iyada oo xannibaado gudaha ah lagu hayo.


Find a Long COVID clinic

Find a COVID-19 testing clinic

Register your RAT results here, if you're positive

Here is some help understanding
Read all COVID-19 information in your language on the

Share
Published 25 November 2022 7:48pm
By Yumi Oba
Source: SBS


Share this with family and friends