COVID-19 updat: 2 qof oo COVID-19 ugu dhintay NSW iyo QLD oo baajisay fasaxii dadweynaha ee Ekka.

Waa warkii ugu cusbaa ee Coronavirus-ta Australia - 4 August 2021

NSW Premier Gladys Berejiklian arrives to speak to the media during a press conference in Sydney, Wednesday, August 4, 2021. (AAP Image/Joel Carrett) NO ARCHIVING

Source: AAP Image/Joel Carrett

  • Virus badan oo laga helay bullaacadda gobolka Newcastle
  • Brisbane oo laga baajiyey faxasii dadweynahay ee Ekka
  • South Australia oo bulshada laga dhex helay hal keys oo cusub
Victoria oo aan wax keysas cusub ah laga helin


New South Wales
 
NSW waxaa laga xaqiijiyey 233 keys oo cusub oo COVID-19 ah, kuwaaas oo 47 ka mid ahi bulshada ku dhex jireen iyagoo caabuqa qaba. Labo qof ayaa iyaguna ku dhintay. Mid ka mid ah labada qof ee dhintay ayaa qof labaataneeyo jir ah oo  degganaa Southwest Sydney, qofkaasoo xaaladdiis caafimaad si lama filaan ah u xumaatay.
 
Sarkaalladda caafimaadka ee NSW, Dr Keryy Chant, bulshada deggaanka Newcastle ugu baaqday inay is baadhaan, ka dib markii Virus badan laga helay bullaacadda deegaankaas.
 
Deegaannada si gaar ah loogasii walaacsanyaha waxa ka mid ah: Birmingham Gardens, Shortland, Maryland, Fletcher, Minmi, Cameron Park, Mayfield, Stockton, iyo Fern Bay.
 
 
Quensland
 
Queenslad waxaa laga xaqiijiyey 17 keys oo cusub oo 16 ka mid ah lala xidhiidhiy meelihii hore looga helay virus-ta. Laakiin keyska 17 aad aya laga soo sheegay Cairns duhurkii bishu August ahayd 3.
 
Maalinka sida caadiga fasaxa dadweyne ka ah Brisbane, oo sabtidan bilaabmi lahaa ayaa la baajiyey iyadoo dib loogu dhigi doono waqti ka mid ah sannadkan dabayaaqadiisa. 
 
Sarkaaladda caafimaadka,  Jeannette Young, ayaa bulshada ku boorrisay inay waxay iibsanayaan ku dalbadaan online ahaan, ama ay dib u dhigtaan, intii ay bulshada la dhex geli lahaayeen.
 
Halkan ka raadi Find here the
 
24kii saacadood ee ugu  dambeeyey Australia
  • South Ausrlia oo hal keys oo qudha laga helay, kaasoo ah nin labaataneeyo jir ah oo karantiil ku jirey
  • Victoria oo aan keysas cusub laga helin markii ugu horraysey muddo saddex toddobaad ah.  

Karantiilka, Socdaalka, goobaha baadhitaanka iyo lacagta dhibaatada safmareenka

Karantiilidda iyo baadhidda caabuqaba waxaa maamula oo muquuniya dowlad-goboleedyada:


TAS   iyo 
 

Haddii aad rabto inaad waddanka ka dhoofto, waxaad online ku dalban kartaa fasax  si aad uga hesho shuruudaha ku xidhan ka dhoofitaanka Ausralia. Duullimyaadyada caalamiga waxaa ka jira tallaabooyin ku meel gaadh ah oo dowladdu si isdabo-joog ah dib ugu qiimayso, waxaana macluumkooda ugu dambeeya lagu daabacaa website-ka   website.

 





 


Share
Published 4 August 2021 5:21pm
By SBS/ALC Content
Presented by Abdinur Ismail
Source: SBS


Share this with family and friends