COVID-19 Update: Victoria records deadliest day of latest outbreak, NSW looks to next reopening target

The Royal Children's Hospital in Melbourne is dealing with a coronavirus scare in its NICU unit, which cares for vulnerable newborns.

The Royal Children's Hospital in Melbourne is dealing with a coronavirus scare in its NICU unit, which cares for vulnerable newborns. Source: AAP

  • Victoria ayaa gashay maalintii ugu dhimashada badnayd ee COVID-ka dib u dillaacay.

  • NSW ayaa kusii dhow inay gaadho boqolkiiba 80 buuxa ah dhammaadka toddoobaadkan

  • Boqolaal goobood oo halista coronavirus lala xidhiidhiye ayaa laga diiwaan geliyeyACT


     

Victoria

Fiktooriya ayaadiiwaangelisay 1,571 oo keys oo cusub oo COVID-19 iyo 13 dhimasho ah,

Qalitaannada aan mudnaanta hore lahayn ayaa laga hakiyey cisbtiaalka caruurta ee Royal Childrens Hospital ee Melbourne, ka dib markii ay waalidiin laga yaabo inay coronavirus qaabaan soo booqdeen, qaybta gargaarka degdegga ah ee carrurta dhalatay, iyadoo dadka soo-booqdayaasha ah la marin doono baadhidda dhakhsaha badan ee Rapid Antigen Testing.
Wasiirka Caafimaadka ee Gobolka Martin Foley ayaa sheegay in Mitchell Shire, oo ka tirsan Gobolka Hume, uu ka soo bixi doono xannibaadda laga bilaabo caawa.

New South Wales

NSW waxay diiwaangelisay 444 kiis oo COVID-19 oo oo gudaha laga helay iyo afar dhimasho ah. Gobolka ayaa la filayaa inuu gaadho 80 boqolkiiba tallaalka buuxda ah maalin Axadda. Premier,Dominic Perrottet, yaa ka carrab dhebe in wax laga beddelay qorshaha dib-u-furidda, ka dib kulanka golihiisa wasiirrada ay berri yeelan doonaan, si ay uga wada hadlaan fududeynta xayiraadaha toddobaadka soo socda. Ku dhawaaqid ayaa la filayaa maalinka Jimcaha. In ka badan 75.2 boqolkiiba dadka deegaanka ee ka weyn 16 ayaa si buuxda loo tallaaley, in ka badan 90 boqolkiibana, ugu yaraan hal tallaal ayay qaateen.

Halkan ka raadi ee kuugu dhow.

Australian Capital Territory
ACT waxaa laga diiwaan geliyey 51 keys oo COVID-19 ah oo cusub. 16 bukaan oo ku jira isbitaalka, sideed ayaa ku jira xaalad gar-garaar degdeg ah, iyadoo shan ay u baahan yihiin in laga caawayiyo hawo-qaadashada. Waxaa jira in ka badan 370 goobood oo exposure sites ah, reer Canberra-na waxaa laga codsanayaa inay kala socdaan goobaha cusub websaydka ACT COVID-19



Last 24 hours around Ausralia


 

  • Victoria ayaa debedda Australia kasoo qoranaysa ilaa 1000 shaqaale oo daryeel caafimaad ah oo si ay uga caawiyaan xoojinta nidaamka caafimaad coronvirusta sii kordheysa awgeed..

  • ACT ayaa kusii dhow inay noqota meel ka mid ah meelaha adduunka ugu tallaal badan, iyadoo la filay in boqolkiiba 99 dadku si buuxda isu tallaalaan dhammaadka November.

 

Karantiilka, Socdaalka, goobaha baadhitaanka iyo lacagta dhibaatada safmareenka

Karantiilidda iyo baadhidda caabuqaba waxaa maamula oo muquuniya dowlad-goboleedyada:

TAS   iyo 
 

Haddii aad rabto inaad waddanka ka dhoofto, waxaad online ku dalban kartaa fasax  si aad uga hesho shuruudaha ku xidhan ka dhoofitaanka Ausralia. Duullimyaadyada caalamiga waxaa ka jira tallaabooyin ku meel gaadh ah oo dowladdu si isdabo-joog ah dib ugu qiimayso, waxaana macluumkooda ugu dambeeya lagu daabacaa website-ka   website.





Booqo NSW Multicultural Health Communication Service's translated:


Goobaha tallaalka ee gobol walba:
Macluumaadka lacagta lagu bixiyo dhibaatada safmareenka ee gobolkaaga:

 
 















Share
Published 13 October 2021 4:18pm
By SBS/ALC Content
Presented by Abdinur Ismail
Source: SBS


Share this with family and friends