- Goobaha Covid-ku ku badan yahay ee Sydney, xanibaadaha hadda saaran waxaa ka mid ah bandow 9pm-5am iyo jimicsiga oo hal saac lagu xadiday.
- Victoria waxaa laga diiwaan galiyay 22 kays oo aan la aqoon halka ay kasoo bilowdeen
- ACT waxay talaalka PFizer u furtay dhalinta da'doodu u dhaxayso 16-29 sano.
- South Australia waxay bilowday tijaabinta karantiil guri.
New South Wales
NSW waxaa laga helay 818 kays oo gobolka gudihiisa la isku qaadsiiyay oo 42 ka mid ah ay bulshada ku dhex jireen iyagoo xanuunka qaba oo fidin kara. Sadex qof 80 meeyo jiro ah ayaa u dhintay laakiin dhamaantood xanuuno kale qabeen.
Laga bilaabo maanta sharuuc cusub ayaa dhaqan galaya halka shaqaalaha deggan gole deegaanada Canterbury-Bankstown, Cumberland iyo Fairfield aan looga baahnayn inay COVID-19 iska baaraan haddii ay u shaqa tagayaan goob ka baxsan deegaankaas.
Victoria
Victoria waxaa laga diiwaan galiyay 71 kays oo cusub oo gobolka gudihiisa la isku qaadsiiyay oo 22 ka mid ah aysan la xariirin kaysas hore loo ogaa. 55 kays ayaa iyagoo xanuunka qaba bulshada ku dhex jiray.
Kaysas aan la aqoon meesha laga soo qaaday ayaa laga helay xaafadaha Essendon West, Camberwell, Thornbury, Fitzroy North, Maidstone iyo Sorrento.
Australian Capital Territory
ACT waxaa laga diiwaan galiyay 16 kays oo cusub oo gobolka gidihiisa la isku qaadsiiyay oo sadex ka mid ah la baarayo halka laga soo qaaday. Sadex kays ayaa iyagoo xanuunka qaba bulshada ku dhex jiray.
Dadka da'doodu u dhaxayso 16 ilaa 29 ayaa isu diiwaan galin kara inay qaataan talaalka PFizer hadday booqdaan bogga .
Halkan ka raadso , halkana ka fiiri inaad xaq u leedahay .
24-kii saacadood ee u danbeeyay iyo Australia oo dhan
- Queensland waxaa laga helay hal kays oo gudaha lagu kala qaaday oo guri ku karantiilnaa.
- South Australia waxay bilowday tijaabo ah in dadka guryaha lagu karantiilo oo lagu badalo hoteelada iyagoo lagula soconayo qalab iyo qalabka wajiga qofka lagu garto.
Karantiilka, Socdaalka, goobaha baadhitaanka iyo lacagta dhibaatada safmareenka
Karantiilidda iyo baadhidda caabuqaba waxaa maamula oo muquuniya dowlad-goboleedyada:
Haddii aad rabto inaad waddanka ka dhoofto, waxaad online ku dalban kartaa fasax si aad uga hesho shuruudaha ku xidhan ka dhoofitaanka Ausralia. Duullimyaadyada caalamiga waxaa ka jira tallaabooyin ku meel gaadh ah oo dowladdu si isdabo-joog ah dib ugu qiimayso, waxaana macluumkooda ugu dambeeya lagu daabacaa website-ka website.
- War iyo macluumaad ku qoran in ka badan 60 luqadood
- Hagayaasha ku khuseeya ee gobolkaaga: , , , , , , .
- Macluumaad ku saabsan .
Booqo NSW Multicultural Health Communication Service's translated:
.
Goobaha tallaalka ee gobol walba:
Macluumaadka lacagta lagu bixiyo dhibaatada safmareenka ee gobolkaaga: