- Victoria dhaaftay bartilmaameedkeedii talllaalka koowaad ee ahaa 80%
- NSW oo iskuullada furaysa ha toddobaad ka hor muddadii loo qabtay
- ACT oo laga bilaabo saqda dhexe ee caawa khafiifin doonta xannibaadah.
- QLD oo laga diiwaan geliyey lix keys oo cusub oo bulshada la iska qaadsiiyey
Victoria
Victoria waxay diiwaangelisay 1,438 oo cusub, iyadoo in ka badan 500 lala xidhiidhiyey kullammo ka dambeeyey cayaartii koobka football-ka. Lix dhimasho ayaa iyagana la diiwaan geliyey.
Madaxa COVID-19 ee Victoria, Jeroen Weimar, ayaa ku tilmaamay keysaska korday inay yihiin dibudhac weyn ku yihiin dib-u-furitaanka gobolka.
Premier Daniel Andrews ayaa sheegay in muddada u dhexays a labada tallaal ee Pfizer-ka laga dhimi doono lixdii toddobaad ee ay hore u ahayd iyadoo laga dhigi doono saddex toddobaad, kaydka tallaalada oo kordhay awgeed. Bisha dambe ayaa bilaabmi doona is-beddelku.
New South Wales
NSW waxaa laga diiwaan geliyey 941 keys oo cusub oo COVID-19 ah oo bulshada la iska dhex qaadsiiyey iyo lix dhimasho ah.
Birimiyeeradda NSW, Gladdy Berejicklian ayaa sheegtay in carruurta kinder-gartenka, ardayda fasalka 1aad iyo ka 12aad ay schoollada dib ugu laaban doonaan laga bilaabo 18 October, hal toddobaad ka hore muddadii hore loogu qabtay.
Ardayda inta hadhay oo dhammina waxay iskuullada tegi doonaan labada toddobaad ee muddadaa ka dambeeya, 25ka October iyo 1da November.
Australian Capital Territory
ACT waxaa laga diiwaan geliye maanta 31 keys o cusub oo COVID-19 ah oo gudaha laga helay.
Laga bilaabo, Jimcaha 1da October, saacadda 12:01 AM, ayaa , iyadoo muddada madadaalada bannaanka la kordhin doono, seerayaasha qarankuna furmi doonaan, isla markaana ganacsatada qaarkood khafiifin dheeraad ah la siin doono iwm.
Dadka reer QLD da'doodu ka sarrayso 60 ayaa hadda heli kara nooca tallaalka Pfizer.
Last 24 hours around Australia
- Deegaannad dowladaha hoose ee, Brisbane, Gold Coast, Logan, Moreton Bay, Townsville and Palm Island ayaa bilaabi doona laga bilaabo Khamiista 30ka September.
- Dowladda Federaalka ayaa shaaca ka qaadday in marka heerka tallaalka buuxa laga gaadho 80%, la joojin doono gunnadii masiibada COVID-19 ee la siin jirey shaqaalaha shaqadii ka dhammaatay iyo gancsatadaba.
Karantiilka, Socdaalka, goobaha baadhitaanka iyo lacagta dhibaatada safmareenka
Karantiilidda iyo baadhidda caabuqaba waxaa maamula oo muquuniya dowlad-goboleedyada:
Haddii aad rabto inaad waddanka ka dhoofto, waxaad online ku dalban kartaa fasax si aad uga hesho shuruudaha ku xidhan ka dhoofitaanka Ausralia. Duullimyaadyada caalamiga waxaa ka jira tallaabooyin ku meel gaadh ah oo dowladdu si isdabo-joog ah dib ugu qiimayso, waxaana macluumkooda ugu dambeeya lagu daabacaa website-ka website.
- War iyo macluumaad ku qoran in ka badan 60 luqadood
- Hagayaasha ku khuseeya ee gobolkaaga: , , , , , , .
- Macluumaad ku saabsan .·
Booqo NSW Multicultural Health Communication Service's translated:
Goobaha tallaalka ee gobol walba:
Macluumaadka lacagta lagu bixiyo dhibaatada safmareenka ee gobolkaaga: