COVID-19 Update: Queensland ayaa shuruuddii PCR test-ga maalinka 5aad ka reebtay socdaalayaasha gobollada

Waa warbixintaadii ugu dambeeysey ee coronavirus-ta Australia - 29 December 2021

Rapid antigen tests are available in supermarkets and pharmacies across Australia

Rapid antigen tests are available in supermarkets and pharmacies across Australia. Source: AAP/Lukas Coch

  • Birimiyeer Annastacia Palaszczuk, ayaa shaacisay in ay Queensland joojin doonta baadhitaanka maalinka shanaad Janaayo 1deeda iyadoo u beddelaysa baadhitaanka Rabid Antigen Test.

  • Golaha Wasiirrada Qaranka ayaa yeelan doona shir degdeg ah maalinka Khamiista si ay uga wada hadlaan shuruudha baadhitaanka COVID-19 ee waddanka oo dhan inta lagu jiro kusoo dhowaadka dabbaaldegga sannadka cusub.

  • Tirada keysaska ee NSW ayaa ku dhowaadey laban-laab 24 saacadood gudohood - 11,201.

  • Dadweynaha reer Victoria ayaa la siin doonaa Rapid Antigen Tests bilaa lacag aha laga bilaabo Jannaanyo, iyadoo gobolka laga diiwaan geliyey tiradii ugu badnayd ee keysas cusub ah.

  • Rapid Antigen Tests-kii yaa laga dhammaystey magaalooyinka xudduudda ee Victoria, ka dib markii wax laga beddelay shuruudihii gelitaanka South Australia.

  • Hay'adda caafimaadka ee ACT ayaa awood dhimis ku samaysay dhowr goobood oo exposure sites ah iyadoo ay dabo-galka iyo agabka baadhitaankuba itaal darraadeen.

  • Maraykana, madaxda caafimaad ayaa kala-badh dhimay muddadii xannibaadda ee dadka aan calaamadaha lahayn. Shan maalmood ayaa laga dhigay shaqaale yaraan awgeed.
Tirooyinka COVID-19

New South Wales waxaa laga diiwaan geliyey 11,201 keys iyo 3 dhimasho ah, halka Victoriyana laga helay 3,767 iyo 5 dhimasho ah.

Queensland waxaa laga diiwaan geliyey 1,589 keys, South Ausrtralia-na 1,471 iyo ACT oo ah 252 keys.

Tasmania-na waxaa laga diiwaan geliyey maanta 55 keys.

Tallaabooyink xilligan laga qaadayo COVID-19 oo luqaddaada ku qoran ka hel 


Xannibaadaha Karantiilka ee Gobollada

Socdaalka

Halkan ka hel  iyo COVID-19 iyo macluumaadka socdaalka oo kuu qoran

Kaalmo dhaqaale

Is-beddel baa lagu samaynayaa lacagta taageerada masiibada COVID-19 tallaalka buuxa ee gobolladu gaadho 70 iyo 80 boqoliiba. 


 



 


Goobaha Tallaalada ee gobol kasta:

 
 
 


Share
Published 29 December 2021 2:01pm
Presented by Abdinur Ismail


Share this with family and friends