- Victoria oo qafiifisay xanibaadaha xadka ay la leedahay NSW
- NSW oo dib u bilaabaysa qaliimada aan degdega ahayn oo hore loo hakiyay si loo daaweeyo dadka COVID-19 qaba
- ACT oo diiwaan galisay 24 kays oo cusub oo coronavirus ah
Victoria
Victoria ayaa diwaan galisay 1,841 kays oo cusub oo COVID-19 gobolka gudihiisa la isku qaadsiiyay, taas oo tirada guud ee dadka xanuunka qaba ee gobolka gaarsiisay 22, 598 qof. 12 qof ayaa u dhintay xanuunka.
Laga bilaabo maanta, dadka labada jeer tallaalka qaatay ee u soo safraya Victoria loogama baahna inay is karantiilaan marka ay yimaadaan Victoria.
Dadka ka soo safraya Magaalo waynta Sydney oo ay ku jiraan Blue Mountains, Central Coast, Shellharbour iyo Wollongong, ayaa wali u baahan ogolaansho si ay u soo galaan Victoria.
Dadka aan labada jeer tallaalka qaadan ayaa laga doonayaa inay is karantiilaan isna baaraan 72 saacadood gudohood marka ay soo galaan Victoria ilaa laga waayayo xanuunka.
New South Wales
NSW ayaa diiwaan galisay 283 kays oo cusub oo gobolka la isku qaadsiiyay iyadoo 7 qofna u geeriyoodeen xanuunka.
Waxaa laga bilaabo todobaadka soo socda dib looga bilaabayaa Magaalo waynta Sydney qaliimada aan degdeg ahayn kadib 2 bilood oo hakad la galiyay si loola tacaalo faafka COVID-19 gobolka ka dilaacay.
Qaliimadan ayaa lagu xadaynayaa 75% cibsitaalada dawlada iyo kuwa gaarka loo lee yahay ee Magaalo waynta Sydney oo ay ku jiraan Nepean iyo Blue Mountains laga bilaabo Isniinta.
Last 24 hours around Australia
- ACT ayaa ku dhawaaqday in dadka la shaqeeya dadka naafada ah, waayeelka ee Canberra lagu qasbi doono inay qaataan tallaalka.
- Wasiirka caafimaadka dawlada federalka Greg Hunt ayaa sheegay in Australia gaartay taariiq muhiim ah markay noqoto dib u furida dalka iyadoo in ka badan 70% dadka qaangaarka ah ee Australia ay labada jeer tallaalka qaateen.
Karantiilka, Socdaalka, goobaha baadhitaanka iyo lacagta dhibaatada safmareenka
Karantiilidda iyo baadhidda caabuqaba waxaa maamula oo muquuniya dowlad-goboleedyada:
Haddii aad rabto inaad waddanka ka dhoofto, waxaad online ku dalban kartaa fasax si aad uga hesho shuruudaha ku xidhan ka dhoofitaanka Ausralia. Duullimyaadyada caalamiga waxaa ka jira tallaabooyin ku meel gaadh ah oo dowladdu si isdabo-joog ah dib ugu qiimayso, waxaana macluumkooda ugu dambeeya lagu daabacaa website-ka website.
- War iyo macluumaad ku qoran in ka badan 60 luqadood
- Hagayaasha ku khuseeya ee gobolkaaga: , , , , , , .
- Macluumaad ku saabsan .
Booqo NSW Multicultural Health Communication Service's translated:
Goobaha tallaalka ee gobol walba:
Macluumaadka lacagta lagu bixiyo dhibaatada safmareenka ee gobolkaaga: