COVID-19 Update: NSW oo hakisay qalliinnada dib loo dhigi karo

Waa wargelintaadii ugu dambeysey ee coronavirus-ta Australia

Perrottet presser

NSW Premier Dominic Perrottet (centre) speaks to the media during a press conference at South Western Sydney Vaccination Centre in Sydney, Wednesday, January 5. Source: AAP Image/Bianca De Marchi

  • NSW, qalliinada aa degdegga ahayn ee dib loo dhigi karo ayaa la hakiyey illaa Febraayo, ka dib markii gobolka laga diiwaan geliyey 38,625 keys oo cusub oo COVID-19 ah
  • Dadka deggan NSW ee rapid antigen tests-ka iskaga hela COVID-19 waa inay usoo sheegaan hay'adda caafimaadka, waxaana lagu dari doonaa tirada keysaska ah ee maalinlaha ah, sidaasna waxaa shaaciyey birimiyeerka NSW, Dominic Perrottet

  • Xannibaado cusub ayaa lagu soo rogayaa goobaha madadaalada ee heesaha iyo dhaaniska, illaa 27ka Jannaayo.

  • Meeshii tallaalku khasab ka yahay, waa inay ku daraan xoojiyaha (booster), Perrottet aaa war-saxaafadeed ka yidhi.

  • NSW  ayaa tirada bukaanka COVID-19 ee cisbitaallada ku jiraa gaadheen 1,738 oo ah tiradii ugu badnayd. 134 qof ayaa ku jira qaybta gargaarka dheeraadka ah - sidaana waxaa sheegay  hay'adda caafimaadka NSW.

  • Victoria-na bukaanka cisbitaallada yaalla ayaa gaadhey 644 qofl. 58 baa ku jira gargaarka dheeraadka ah, 24-na waxaa ku xidhan qalabka caawiya neefsashada.
  •  Ra'iisal-wasaare Scott Morrison, ayaa ku adkeeyey dadka Australia, inay hubiyaan inay xaq u leeyihiin lacagta masiibada ee Australia, iyadoo ay kaysaska Omicron sii kordhayaan. Lacagta oo qofkii loo sheegay inuu 7 maalmood is xannimo ama is karantiilo waa $750

  • Birimiyeerraddda Queensland, Annastqacia Palaszczuk, ayaa sheegtay in billowga teeramka hore ee iskuullada dib loogu dhigi karo illaa labo toddobaad haddii dib-u-qaraxa Omicron uu sii xumaado.

  • Dadka reer Northern Territory ee aan tallaallnayn ayay khasab ku tahay ku dhaqmaan xannibaadaha. Dadka aan is-tallaalin ee ka da' weyn 16-jir, saddax sababood uun bay guirga uga bixi karaan, mana aadi karaan meel gurigooda ka fog 30 km

  • Hay'adda Caafimaadka Adduunka , WHO ayaa ka digtay in nooca Omicron lagu qeexo inay tahay dhex-dhexaad, iyagoo sheegay inay dad u dhimanayaa adduunka oo dhan.

Tirooyinka keysaska COVID-19

New South Wales waxaa laga diiwaan geliyey 38,625 keys oo cusub oo COVID-19 ah iyo 11 dhimasho ah, halka Victoria-na laga diiwaan geliyey 17,636 keys oo cusub iyo 6 dhimasho ah.

Queensland waxaa laga diiwaan geliyey 10, 953 keys oo cusub oo COVID-19 ah, halka South Australia-na laga helay 3,070 keys.

ACT-na waxaa laga helay 1,246 keys oo cusub oo COVID-19 ah, halka Tasmania-na laga helay 1,489 keys oo cusub

 

Talaabooyinkii u danbeeyay ee looga jawaabayo faafka COVID-19 oo luqadaada ah, .


Quarantine and restrictions state by state

Travel

 and Covid-19 and travel information 

Financial help

There are changes to the COVID-19 Disaster Payment once states reach 70 and 80 per cent fully vaccinated:  






Visit the translated resources published by NSW Multicultural Health Communication Service


Testing clinics in each state and territory

 
 

Share
Published 7 January 2022 3:31pm
Presented by Abdinur Ismail


Share this with family and friends