COVID-19 update: NSW oo isha ku haysa safarada caalamiga ah iyo xanibaadaha Victoria oo la qafiifinayo

Wararkii u danbeeyay ee Coronavirus Australia 1 Sebtember 2021

A pharmacy worker receives a temperature sensitive box with Pfizer vaccines at the Sandown Racecourse Vaccination Centre in Melbourne, Tuesday, August 31, 2021.

A pharmacy worker receives a temperature sensitive box with Pfizer vaccines at the Sandown Racecourse Vaccination Centre in Melbourne, Tuesday, August 31, 2021. Source: AAP Image/Daniel Pockett

  • Haraadiga COVID-19 ayaa laga helay qaybo badan oo NSW ah oo aan lagu ogayn dad qaba caabuqa.
  • Victoria-na 70 kun oo fursado lagu balansan karo tallaalka AstraZeneca ayaa ku diyaar ah rugaha caafimaadka gobolka.
  • Balansashada tallaalka PFizer oo loo furay dadka da'doodu u dhaxayso 16-29 ee ACT.

New South Wales
NSW ayaa laga diiwaan galiyay 1,116 kays oo COVID-19 oo gobolka gudihiisa la isku qaadsiiyay iyadoo afar qof u dhinteen.

Haraadiga COVID-19 ayaa laga helay meelaha biyaha wasaqda ah ee Thredbo, Merimbula, Port Macquarie, Dunbogan, Bonnie Hills, Warren, Molong, Tamworth iyo Gunnedah. 

Premier Gladys Berejiklian ayaa tilmaantay in safarada caalamiga ah ay dib u bilaaban karaan bisha Nofember.

Halkan maanta ama aad u ogaato sidaad u heli lahayd

Victoria
Victoria ayaa laga diiwaan galiyay 120 kays oo cusub oo COVID-19 ah oo gobolka gudihiisa la isku qaadsiiyay iyadoo labo qof ay xanuunka u dhinteen.

Premier Daniel Andrews ayaa ku dhawaaqay qaar oo ay ku jiraan in 5km ee dadku aysan dhaafiri karin la kordhiyo oo la gaarssinayo 10km markii 70% shacabku ay qaataan ugu yaraan hal tallaal, taas oo la filayo in la gaaro 23 bishan Sebtember.

Shirkadaha wax dhisa ayaa loo ogolaanayaa inay 50% howshooda qabsan karaan markii ay 90% shaqaalohoodu qaataan tallaalka koowaad.

Laga bilaabo 7 Sebtember, ardayda fasalada 12 aad ayaa mudnaanta koowaad lagu siinayaa in la tallaalo. Imtixaanaadka GAT loo yaqaano ayaa la qaadi doonaa bisha October 5, iyadoo la sheegay in ardaydu fasalada ku noqdaan teeramka sadexaad aysan suurogal ahayn.

Laga bilaabo habeen barkii caawana waxaa dib loo furayaa goobaha caruurtu ku cayaaraan ee playground loo yaqaan.

Halkan ka fiirso ee kuu dhow.

Australian Capital Territory
ACT waxaa laga helay 23 kays oo COVID-19 ah oo ugu yaraan 12 ka mid ah ay yihiin dad iyagoo caabuqa qaba bulshada ku dhex jiray.

Dad reer Canbera ee da'doodu u dhaxayso 16 ilaa 29 ayaa hadda ka balansan kara tallaalka PFizer goobaha dawlada tallaalka ee ACT ama dhaqtarkooda xaafada. Balamaha goobaha dawlada ayaa buuxa ilaa dabayaaqada October.

Halkan ka fiirso sida aad u .
alc covid mental health
Source: ALC

Karantiilka, Socdaalka, goobaha baadhitaanka iyo lacagta dhibaatada safmareenka

Karantiilidda iyo baadhidda caabuqaba waxaa maamula oo muquuniya dowlad-goboleedyada:


TAS   iyo 
 

Haddii aad rabto inaad waddanka ka dhoofto, waxaad online ku dalban kartaa fasax  si aad uga hesho shuruudaha ku xidhan ka dhoofitaanka Ausralia. Duullimyaadyada caalamiga waxaa ka jira tallaabooyin ku meel gaadh ah oo dowladdu si isdabo-joog ah dib ugu qiimayso, waxaana macluumkooda ugu dambeeya lagu daabacaa website-ka   website.

 





 
 

Share
Published 1 September 2021 4:31pm
By SBS/ALC Content
Source: SBS


Share this with family and friends