COVID-19 Update: NSW oo laga helay 20,794 kays oo cusub

Waa wararkii ugu danbeeyay ee coronavirus-ka Australia Janaayo 3, 2022.

sydney testing site

Health care workers administer COVID-19 PCR tests at the St Vincent’s Drive-through Clinic at Bondi Beach in Sydney, Friday, December 31, 2021. Source: Credit: AAP Image/Bianca De Marchi

  • Tirada dadka Australia oo dhan ugu jira COVID-19 ayaa sii kordhaya, iyadoo NSW ay hogaaminayso kororka oo dadka cisbitaalada ku jira ay dhaafeen kun qof maalintii Axada, haddana gaartay 1,204 qof gobolka oo dhan.
  • Isla NSW, tirada bukaanka ku jira qaybta cisbitaalada ee dadka aadka u liita ayaa ka kordhay 83 qof oo gaarat 95 qof. Victoriana, 491 qof ayaa lagaga daawaynayaa COVID-19 cisbitaalada gobolka, 56 qof ayaa ku jira qaybta dadka liita halka 24 qof ay mashiin ku neefsanayaan.
  • Ururka Shaqaalaha Caafimaadka (HSU) ayaa ka digay in shaqaalaha cisbitaalada NSW oo daalay ay dareemayaan saamaynta inaan maalgalin ku filan lagu bixin, iyadoo ururku ka digay in cisbitaaladu ay gaarayaan xaalad adag labada ama sadexda bilood ee soosocda guduhooda.
  • Qasnaji Josh Frydenberg ayaa sheegay in dawladu dalbatay qalabka COVID-ka la isaga baaro (rapid antigen test) lana filayo in goboladu helaan qalab dheeraad ah kadib markii ay dawladu dalbatay 84 milyan oo qalabka ah.
  • Ra'iisul Wasaare Scott Morrison ayaa sheegay in qalabkan (rapid antigen tests)  lacag la'aan lagu siinayo dadka u baahan maadaama ay ku dhawaadeen qof qaba xanuunka, laakiin dawlada federalka ayaan cidwalba lacag la'aan ku siinayn.
  • Dalka Maraykankana sarkaalka ugu sareeya cudurada faafa Dr Anthony Fauci ayaa sheegay in dalku ku jiro koror kaysaska nooca Omicron oo cirka isku shareeraya iyadoo ay dhici karto in heerkii ugu sareeyay todobaadyo gudohood la gaari doono.
COVID-19 Stats:

New South Wales waxaa laga diiwaan galiyay  20,794 oo kaysas cusub oo COVID-19 ah halka 4 qof u dhinteen cudurka. Victoria waxaa laga helay 8,577 kays oo cusub, waxaana u dhintay 3 qof.

Queensland waxaa laga helay 4,249 kaysas oo cusub, iyadoo nin 30 meeyo jir ah ay u badan tahay inuu u dhintay xanuunka sida laga soo xirgtay Premierada gobolka.

 ACT waxaa laga diiwaan galiyay 514 kays oo cusub halka Tasmania laga helay 466 oo kaysas COVID-19 ah.

Talaabooyinkii u danbeeyay ee looga jawaabayo faafka COVID-19 oo luqadaada ah, .


Quarantine and restrictions state by state

Travel

 and Covid-19 and travel information 

Financial help

There are changes to the COVID-19 Disaster Payment once states reach 70 and 80 per cent fully vaccinated:  


 


 



Visit the translated resources published by NSW Multicultural Health Communication Service


Testing clinics in each state and territory

 
 

Share
Published 3 January 2022 6:50pm


Share this with family and friends