- Ciidanka Xooga oo ku biiraya booliska NSW si loo fuliyo awaamiirta caafimaad.
- Maamulayaasha Victoria oo helay meesha uu la xariiro kays la aqoon waayay halka uu ka yimid.
- Iskuul ku yaal Brisbane oo xoog loo nadiifinayo kadib markii arday laga helay COVID-19.
- Tasmania waxay dib u furtay xadka ay leedahay Victoria.
New South Wales
NSW ayaa diiwaan galisay 170 kays oo COVID-19 ah oo bulshada gudeheeda la isku qaadsiiyay iyadoo ugu yaraan 42 ka mid ah iyagoo xanuunka qaba bulshada ku dhex jireen.
Premierada NSW Gladys Berejiklian ayaa ku boorinaysa shacabka inay yareeyaan kulamada ay la yeelanayaan dad degan guryo kale iyadoo caabuqu uu aad ugu faafayo guryaha iyo goobaha shaqada.
Taliyaha Booliska NSW Mick Fuller ayaa uga digay in dadku ka qayb galaan dibad baxyo looga soo horjeedo xanibaadaha oo la qabanayo dhamaadka todobaadka isagoo sheegay in dibad baxayaasha ay ka hortagi doonaan kumanaan boolis ah.
Sidoo kale 300 oo askari ayaa howl galaya Isniinta si loo hubiyo in dadku ay guryohooda joogaan oo aysan u tagin qoysaskooda kale inta lagu jiro xanibaadaha.
Victoria
Gobolka ayaa laga diiwaan galiyay sadex kays oo cusub oo dhamaantood lala xariirinayo kaysa la yaqaan oo karantiilnaa inta ay xanuunka qabeen.
Wasiirka caafimaadka Victoria Martin Foley ayaa sheegay in baaritaanka lagu asalka kayskan uu muujinayo inuu xariir la leeyhay kaysas la yaqaan laakiin aan wali la ogayn sida qofku ku qaaday.
24kii saacadood ugu dambeeyey Australia
- Maamulayaasha caafimaadka Queensland ayaa aaminsan in arday reer Brisbane ah oo laga helay COVID-19 uu isagoo qaba xanuunka ku dhex jiray bulshada sadex maalmood laga soo bilaabo 27 July.
- Tasmania waxay dib u furaysaa xadka ay la leedahay Victoria laga bilaabo maanta kadib markii ay labo todobaad xirnayd.
Karantiil, socdaalka, goobaha baadhidda, iyo lacagta dhibaatada safmareenka
Howlaha karantiilada iyo baaritaanka coronavirus waa maareeya oo fuliya dawladaha gobolada.
Haddii aad rabto inaad waddanka ka dhoofto, waxaad dalban kartaa oggolaansho. si aad macluumaad uga hesho shuruudaha ku xidhan ka dhoofidda Australia. Waxaa jira xogo iyo shuruudo ku-meel-gaadh ah oo ku xidhan duullimaadyada caalamiga ah oo si is-dabo-joog ah dowladdu hadba dib ugu qiimayso, xogtaas oo laga helo website-ka
- Hagayaasha ku khuseeya ee gobolkaaga: , , , , , , .
- Macluumaad ku saabsan .
Booqo NSW Multicultural Health Communication Service's translated:
Goobaha tallaalka ee gobol walba:
Macluumaadka lacagta lagu bixiyo dhibaatada safmareenka ee gobolkaaga: