COVID-19 update: NSW oo bandowgii qaadaysa iyo Ballarat, Vic oo xanibaad galaysa

 Marrickville, Sydney, Wednesday, September 15, 2021.

Members of the public wear face masks as they go about their daily lives in Marrickville, Sydney, Wednesday, September 15, 2021. Source: AAP Image/Bianca De March

  •  NSW, 47.5%  dadka ka wayn 16 sano oo qaatay labada tallaal
  • Shepparton oo xanibaadaha laga qaadayo caawa habeen barkii
  • ACT oo gaartay yoolkii 70% tallaalka koowaad
  • Queensland oo aan laga helin wax kays COVID-19 ah

New South Wales
NSW ayaa laga helay 1,259 kaysas cusub oo COVID-19, 12 qofna u dhinteen.

Premierad Gladys Berejiklian ayaa sheegtay in gobolku gaaray 80% yoolkii tallaalka koowaad kuna boorisay dadka deggan Galbeedka Sydney inaysan is dhigan.

Laga bilaabo caawana, bandowga saaran ayaa laga qaadayaa .

Qorshaha dawlada gobolka ayaa ah in dadka labada tallaal qaatay laga siidaayo xanibaadaha marka 70% shacabku qaataan labada tallaal.

Riix halkan maanta.

Victoria
Victoria ayaa laga diiwaan galiyay 432 kays oo COVID-19 ah iyadoo labo qofna u geeriyoodeen xanuunka.


Magaalada Ballarat ayaa galaysa xanibaad cusub laga bilaabo caawa habeen barkii iyadoo dadka deggan halkaas ay galayaan awaamiir la mid ah kuwa Melbourne mudo 7 maalmood ah-marka laga reebo bandowga habeenkii. Xanibaadaha Shepparton ayaa la qaadayaa laga bilaabo caawa habeen barkii kadib markii aan sadex maalmood aan laga helin wax kaysas Covid ah.

Inta badan tareemada u safta qaybaha kala duwan ee gobolka ayaan shaqaynayn kadib markii mid ka mid ah shaqaalaha laga helay COVID-19. Basas ayaa badalaya inta badan tareemada V/Line maanta.

Ka fiirso ee kuu dhow.

Australian Capital Territory
ACT ayaa laga helay 13 kays oo cusub oo ugu yaraan 8 ka mid ah ay bulshada ku dhex jireen iyaga oo xanuunka qaba.

Wasiirka koowaad ee ACT Andrew Barr ayaa sheegay in 75% dadka da'doodu ka wayn tahay 12 sano ay qaateen tallaalka koowaad.

Riix .                                                                                                

24 saacadood ee u danbeeyay Australia oo dhan
  • Iyadoo la raacayo qorshaha heerka sadexaad ee COVID-19 NT, ayaa tallaalka qasab looga dhigayaa shaqaalaha ka shaqeeyaa meelaha qatarta badan.

Karantiilka, Socdaalka, goobaha baadhitaanka iyo lacagta dhibaatada safmareenka

Karantiilidda iyo baadhidda caabuqaba waxaa maamula oo muquuniya dowlad-goboleedyada:


TAS   iyo 
 

Haddii aad rabto inaad waddanka ka dhoofto, waxaad online ku dalban kartaa fasax  si aad uga hesho shuruudaha ku xidhan ka dhoofitaanka Ausralia. Duullimyaadyada caalamiga waxaa ka jira tallaabooyin ku meel gaadh ah oo dowladdu si isdabo-joog ah dib ugu qiimayso, waxaana macluumkooda ugu dambeeya lagu daabacaa website-ka   website.

 





 

Share
Published 15 September 2021 3:51pm
By SBS/ALC Content
Source: SBS


Share this with family and friends